Saraakiil laga shaki qabo in aysan daacad aheyn oo laga qaaday xilalkii G/Banaadir

0
Friday April 16, 2021 - 11:50:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil laga shaki qabo in aysan daacad aheyn oo laga qaaday xilalkii G/Banaadir

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

      Wixii ka dambeeyey 12-kii bishan April oo mudo laba sano ah uu waqtiga xil-heyntiisa ku kororsaday madaxweyne Farmaajo, waxaa bilaawday is    bedello xoog leh oo ku socda saraakiisha ciidamada, gaar ahaan booliska, kuwaas oo qaar xilalkii laga qaaday, qaarna goobo kale loo bedelay.

     Taliyeyaashii saldhigyada degmooyinka Waaberi, Wadajir, Deyniile, Shibis, Cabdicasiis iyo Howlwadaag ayaa intooda badan isku shaandheyn lagu sameeyey, halka qaar looga shakiyey inay xiriirro la leeyihiin Taliyihii hore ee booliska Gobolka Banaadir Jeneral Saadaq Joon iyo musharaxiinta mucaaradka ah xilalkii laga qaaday.

     Taliye ku xikeenkii qeybta booliska gobolka Banaadir, Taliyihii qeybta Galbeed Yuusuf Xundubey iyo taliyeyaashii saldhigyada Waaberi iyo Howlwadaag ayaa xilalkii laga qaaday.

     Taliyihii saldhigga degmada Wadajir Saciid Cali Baryare ayaa la dalacsiiyey, waxaana ku xigeen looga dhigay Farxaan Qaroole, iyadoo loo magacaabay Taliye ku xigeenka qeybta booliska gobolka Banaadir, sidoo kale Cabdibaasid Maxamuud ayaa loo magacaabay taliye ku xigeenka qeybta Waliyow Cadde, halka taliye ku xigeenka Qeybta Galbeed loo magacaabay sarkaal lagu magacaabo Daa’uud Axmed.

     Madaxda xukunka dheereysatay ee dowladda federaalka ayaa la sheegay in shaki weyn ay ka qabaan saraakiisha qaar, waxaana weli socota shaandheynta ka dhanka ah saraakiisha ay uga shakiyeen inay xiriir laleeyihiin Jeneral Saadaq Joon iyo siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ah.

     Sidoo kale, xil ka qaadista lagu sameeyey saraakiishaan waxay kusoo aadeysaa, iyadoo 12-kii bishaan ciidamada booliska ah ee ka howlgala gobolka Banaadir ay isku hareereeyeen madaxtooyada, kadibna ay hor istaageen kulankii mudo kororsiga lagu sameystay ee xildhibaanada golaha shacabka.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in maalmaha soo socda saraakiil kale xilalka laga qaadi doono, qaar kalena loo wareejin doono xilal kale, kuwaas oo loo arko inaysan daacad u aheyn Farmaajo.



XIGASHO:CAASIMADDA.NET


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip