Mushaharka Messi Lagu Soo Jiidanayo 800 Kun Ginni Isbuucii, Ibrahimovic 600 Kun Ginni Isbuucii Iyo Wararkii Kale Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta Oo Jimce Ah.

0
Friday April 01, 2016 - 12:35:10 in Sports News by
  • Visits: 725
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mushaharka Messi Lagu Soo Jiidanayo 800 Kun Ginni Isbuucii, Ibrahimovic 600 Kun Ginni Isbuucii Iyo Wararkii Kale Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta Oo Jimce Ah.

    Maalinwanaagsan dhamaan aqristeyaasheena sharafta leh meel kastoo aad joogtaan iyo si waliba oo aad inoola socotaan kuna soo dhaawada barnaamijkeenii wargeysyada iyo waxyaabihii ay ka qoreen suuqa kale iibsiga ciyaartooyda, sida caadiga ah masuuliyad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalinwanaagsan dhamaan aqristeyaasheena sharafta leh meel kastoo aad joogtaan iyo si waliba oo aad inoola socotaan kuna soo dhaawada barnaamijkeenii wargeysyada iyo waxyaabihii ay ka qoreen suuqa kale iibsiga ciyaartooyda, sida caadiga ah masuuliyada warkaan waxaa qaadaya wargeysyada ku hor qoran ee aan ka soo xiginay.

the sun

Rajadii ay Manchester City ka laheyd saxiixa Lionel Messi ayaa sarre u kacday ka dib markii ay hakad galeen wadahadaladii qandaraas kordhinta ee Barcelona, Man City ayaa diyaar u ah inay Messi u soo bandhigto heshiis shan sannadood ah oo uu isbuucii ku qaadanayo 800 kun ginni.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka guud ee Man United Ed Woodward ayaa xiiseynaya tababaraha kooxda Tottenham Mauricio Pochettino, iyadoo lagu wado inuu tartan xaga shaqada la galo macalinkii hore ee Chelsea Jose Mourinho.

Jose Mourinho ayaa ku laaban doona xagaagan kooxda Real Madrid haddii uusan helin shaqada tababarenimo ee Manchester United, sida uu sheegay madaxweynihii hore ee Real Madrid Ramon Calderon.

Macalinka kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ciyaartoyda aan u bixin kulamada heerka caalami waxa uu fasax ku geeyay jasiirada cimilada kulul ee Tenerife.

Xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Bastian Schweinsteiger ayaa diirada u saaran kooxda Turkiga ee Fenerbahce.

Kooxda Barcelona ayaa qorsheyneysa inay ka afduubato kooxda Real Madrid saxiixa goolhaye Thibaut Courtois haddii goolhaye Marc-Andre ter Stegen uu ka tago Nou Camp.

daily mail

Zlatan Ibrahimovic ayaa weydiisanaya kooxaha Premier League ka dhisan mushahar qaali ah oo gaaraya 600 kun ginni isbuucii, waxaana xiddiga reer France uu ka tagayaa PSG dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhamaado qandaraaskiisa.

Halyeeygii Bayern Lothar Matthaus ayaa ugu baaqay Mario Gotze inuu isaga tago kooxda oo uu dib ugu biiro Borussia Dortmund.

daily star

Jose Mourinho ayaa u sheegay labada kooxood ee Real Madrid iyo Valencia inuusan xiiseyneynin taasoo wadada u xaareysa kooxda Manchester United.

Wakiilka Romelu Lukaku ayaa sheegay in kooxaha ugu sareeya qaarada Yurub inay saf ugu jiraan saxiixa weeraryahanka Everton, waxaana uu sheegay in kooxaha Juventus, Real Madrid iyo Paris Saint-Germain inay xiiseynayaan.

Liverpool ayaa waxa ay wajaheysaa inay la wareegaan maalqabeeno Bariga Dhexe ka soo jeeda, iyadoo milkiilayaasha doonaya inay iibsadaan balan qaaday inay lacag culus siin doonaan Jurgen Klopp si uu ugu dagaal tago xagaaga.

daily express

Manchester United ayaa loo sheegay inay u baahnaan doonaa 47.5 milyan ginni si ay u helaan xiddiga kooxda Benfica Renato Sanches.

Juventus ayaa qorsheyneysa inay 23.8 milyan ginni dalab ah ka gudbiso xagaaga xiddiga kooxda Chelsea Oscar.

Kooxda West Ham ayaa diyaar u ah inay Yaya Toure u soo bandhigto tartan cusub haddii uu go’aan ku gaaro inuu isaga tago kooxda Manchester City xagaagan.

daily mirror

Andrea Pirlo ayaa u sheegay Manchester City inay u baahnaan doonaan inay jabiyaan rikoorka suuqa kala iibsiga haddii ay doonayaan Paul Pogba.

Kulankii la doonayay in lagu maamuuso Wayne Rooney ee ay Man United la ciyaari laheyd Everton ayaa halis weyni ay soo wajahday iyadoo Man United laga yaabo inay ciyaarto kulamo isreebreebka Europa League bisha Agoosto.

Mark Hughes ayaa dib u soo cusbooneysiiyay xiisihii Stoke City ee ay 20ka milyan ginni ku doonayeen ee weeraryahanka West Brom Saido Berahino.

the guardian

Manchester United ayaa loo qabtay ilaa iyo bilowga bisha May inay si rasmi ah ugu dhaqaaqaan Jose Mourinho haddii ay doonayaan inay ku bedelaan Louis van Gaal.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip