Fursada Ay Kooxdiisa U Heysato Hanashada Horyaalka, Mustaqbalkiisa Arsenal, Kulanka Watford Iyo Wax Walba Oo Uu Arsene Wenger Kaga Hadlay Shirkiisa Jaraa'id Ee Maanta.

0
Friday April 01, 2016 - 12:31:01 in Sports News by
  • Visits: 685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fursada Ay Kooxdiisa U Heysato Hanashada Horyaalka, Mustaqbalkiisa Arsenal, Kulanka Watford Iyo Wax Walba Oo Uu Arsene Wenger Kaga Hadlay Shirkiisa Jaraa'id Ee Maanta.

    Tababare Arsene Wenger ayaa qabtay shirkiisa jaraa'id ee ka hor kulanka ay berri oo sabti ah la ciyaarayaan kooxda Watford ee ka tirsan horyaalka Premier League, waxaana uu kaga hadlay arimo dhowr ah oo dhinacyo badan taabanaya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababare Arsene Wenger ayaa qabtay shirkiisa jaraa'id ee ka hor kulanka ay berri oo sabti ah la ciyaarayaan kooxda Watford ee ka tirsan horyaalka Premier League, waxaana uu kaga hadlay arimo dhowr ah oo dhinacyo badan taabanaya.

Ugu horeyn waxa uu ka hadlay xaalada ciyaartoydiisa dhaawacyada kaga maqnaa iyo ciyaartoydii ka soo laabtay kulamadii heerka caalami:

"Ciyaartoyda waxa ay soo laabteen iyagoo xaalad fiican ku jira. Petr Cech waxa uu ku soo biiri doonaa tababarka maanta. Weli ma go’aansanin haddii aan ku soo darayo koox berri ciyaareysa. Wilshere iyo Rosicky waxa ay ku soo laabteen tababarka. Cazorla waxa uu bilaabay inuu ordo laakiin isbuucyo yar ayuu u jiraa inuu garoomada ku soo laabto, Oxlade-Chamberlain isna wax walaac gaar ah lagama qabo. Waxa uu soo laaban doonaa 3 ilaa 4 isbuuc ka dib”ayuu yiri.

Arsene-Wenger-Press-Conference

Arsenal ayaa ka fekereysa inay ka aargudato Watford kuwaasoo ka reebay Arsenal koobka FA Cup xilli ciyaareedkan, Arsene Wenger ayaana dib u gocday kulankoodii ugu danbeeyay: ” Watford waa koox fiican. Seddex darbo oo goolka ku bartilmaameedsan ayay ku heleen labo gool. Jir ahaan waa ay xoogan yihiin, waxaana dooneynaa inaan dhameystir u helno fursadaha aan abuurno.”

Isagoo ka hadlayay xaalada Wilshere iyo haddii uu qeyb ka noqon karo xulka England ee ciyaaraha Euro 2016, waxa uu yiri: "Si taxadar leh ayaan u la dhaqmi doonaa haatan, laakiin waxa uu si buuxda ugu soo laaban doonaa garoomada isbuucyo yar ka dib. Haa qeyb wuu ka noqon karaa xulka England.”

Wenger ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay fursada ay kooxdiisa u heysato inay ku guuleystaan Premier League, waxaana uu yiri: "Bartilmaameedka waa inaan kulamada ku guuleysano. Aan noqono kuwa waaqici ah. Waxa ay bilaabaneysaa berrito.

"79 dhibcood waa ay nagu filnaan kartaa laakiin waxa ay ku xiran tahay natiijooyinka Leicester. Cidna ma oga sida ay uga jawaab bixin doonaan kulamadooda ugu danbeeya.”

Arsenal-v-VfL-Wolfsburg-Emirates-Cup

Immisa kooxood ayaa ku tartameysa horyaalka Premier League ayaa la weydiiyay, waxaana ay ku jawaabtay: "Ma aqaano. Cid walba ayaa anaga shaki naga qabta, sidaasi darteed kooxaha inaga danbeeya iyagana waaba ay ku sii adag tahay.”

Sidoo kale waxaa wax laga weydiiyay mustaqbalkiisa, waxaana uu jawaabay: "Waxaan qabaa inay tahay inay taageerayaasha midoobaan oo ay kooxda taageeraan. Kiiskeyga shaqsiga ah muhim ma ahan. Kooxdaan waxa ay leedahay qiimo, mid ka mid ahna waa inaan ixtiraamno qandaraaskeena oo aan u shaqeyno kooxda si aysan u noqonin wax lama filaan ah.”

Isagoo ka hadlayay xilli ciyaareedka waalida ah ee Premier League waxa uu yiri: "Waxa ay noqon kartaa wax iska caadi ah sababtoo ah dhamaan kooxaha Ingariiska waxa ay leeyihiin awood dhaqaale oo fantastik ah sidaasi darteed qaabkaan wuxuu noqon karaa wax caadi ah. Laakiin waxaa inaga danbeeya 17 kooxood sidaasi darteed aan taas diirada saarno.”

Arsenal-FC-v-FC-Barcelona-UEFA-Champions-League-Round-of-16-First-Leg

Waxa uu ka hadlay ceryintii tababarihii Aston Villa Remi Garde: "Waa wax laga xumaado sababtoo ah markii la magacaabayay waxaa loo magaacabay inuu muddo dheer kooxda joogo. Markii uu imaanayay Villa waxa ay durbaba aheyd koox daciif ah laakiin lama siinin waqti uu kooxda dib ugu soo dhiso.

"Villa waxa ay dhawaan aheyd kuwa tababarayaasha si dhakhso ah u bedela. Waana tusaale fiican in bedelka tababarayaasha uusan aheyd qorshe wanaagsan oo lagu najaxo.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip