Cabashadii Uu James Rodriguez Ku Sameeyay Colombia Oo Aad Uga Careysiisay Real Madrid.

0
Friday April 01, 2016 - 12:28:36 in Sports News by
  • Visits: 681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabashadii Uu James Rodriguez Ku Sameeyay Colombia Oo Aad Uga Careysiisay Real Madrid.

    Real Madrid ayaa lagu waramayaa inaysan ku faraxsaneyn hadaladii uu James Rodriguez sheegay intii uu ku maqnaa xulka Colombia. Xiddiga khadka dhexe ayaa yiri: "Marka aad ciyaareyso oo aad heysato taageerada cid walba, wax walba waa ay fudud yihi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid ayaa lagu waramayaa inaysan ku faraxsaneyn hadaladii uu James Rodriguez sheegay intii uu ku maqnaa xulka Colombia. Xiddiga khadka dhexe ayaa yiri: "Marka aad ciyaareyso oo aad heysato taageerada cid walba, wax walba waa ay fudud yihiin" hadalkaas ayaana tixraac u ah inuusan Zidane ka heysanin kalsooni iyo inuu kursiga keydka ku jiro.

Waxaa intaas oo dhan ka soo diran in Real ay ka careysan tahay waqtiga uu ku soo aadiyay hadalkiisa, marka loo fiiriyo inay kooxda ku soo wajahan yihiin kulamo muhim ah, tan ugu horeysa iyagoo habeen danbe la ciyaaraya kooxda ay sida aadka ah u xafiiltamaan ee Barcelona iyo ka dib oo ay la ciyaarayaan Wolfsburg kulanka wareega 8da Champions League.

James

Los Blancos ayaa sidoo kale ka walaacsan mushaharka qaaliga ah ee uu ciyaaryahanka qaato marka loo eego qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkan, waana xilli ciyaareedkiisa labaad ee kooxda, waxaana loo arkaa inuu ka hoos maray heerkii looga baahnaa.

Real Madrid ayaa eegeysa suurtogalnimada ay ku iibinayaan James dhamaadka xilli ciyaareedkan. Markii uu Rafa Benitez joogay kooxda waxa uu ku soo bilowday kaliya sagaal kulan 17 kulan oo Benitez joogay. Intii uu Zidane qabtay kooxda waxa uu kaliya 90ka daqiiqo dhameystay labo jeer 14 kulan gudaheed, waana kulankii Espanyol iyo lugtii labaad ee wareega 16ka ee Champions League ee AS Roma.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip