Liverpool Oo Ay Macquul Tahay Inay Garoon Marti Ah Ku Ciyaarto Kulanka Gurigeeda Ee Isreebreebka Europa League Ee Xilli Ciyaareedka Danbe.

0
Friday April 01, 2016 - 12:22:29 in Sports News by
  • Visits: 659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool Oo Ay Macquul Tahay Inay Garoon Marti Ah Ku Ciyaarto Kulanka Gurigeeda Ee Isreebreebka Europa League Ee Xilli Ciyaareedka Danbe.

    Liverpool ayaa ku qasbanaan doonta inay garoon marti ah ku ciyaarto kulanka gurigeeda ee isreebreebka Europa League ee xilli ciyaareedka danbe madaama ay waqtigaas howlo dayactir ah ay ka soconayaan garoonkooda Anfield.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool ayaa ku qasbanaan doonta inay garoon marti ah ku ciyaarto kulanka gurigeeda ee isreebreebka Europa League ee xilli ciyaareedka danbe madaama ay waqtigaas howlo dayactir ah ay ka soconayaan garoonkooda Anfield.

Kooxda Reds ayaa sidoo kale weydiistay Premier League in labada kulan ee ugu horeysay horyaalka ee xilli ciyaareedka danbe in looga dhigo kuwa ay marti yihiin si loo siiyo waqti ay ku dhameystiraan dhismaha garoonkooda.

Liverpool ayaa kaalinta 9aad kaga jirta horyaalka iyadoo sagaal kulan ay ka harsan tahay, waxaana ay lix dhibcood ka danbeeyaan kooxda kaalinta 5aad ee West Ham sidaasi darteed haatan uma muuqato suurtogal inay si toos ah ugu soo baxayaan wareega group-yada Europa League.

Anfields-main-stand-development

Wareega seddexaad ee kulamada isreebreebka Europa League waxaa la ciyaarayaa labo khamiis oo isku xigta, 28ka bisha July iyo 4ta bisha August.

Anfield diyaar ma noqon doono waqtigaas, sidaasi darteed madaxda kooxda ayaa ka fiirsanaya in kulanka gurigooda ay ku ciyaaraan garoonka Bolton ee Macron Stadium, kan Wigan ee DW Stadium ama kan Blackburn ee Ewood Park.

Laakiin Liverpool ayaa ka baaqsan doonta waxaan oo dhan haddii ay ku guuleystaan xilli ciyaareedkan koobka Europa League iyagoo markaas si toos ah ugu soo bixi doona koobka ugu weyn kooxaha Yurub ee Champions League.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip