Muxuu LVG Oran Doonaa? Marcos Rojo Oo Halis Geliyay Carada LVG Ka Dib Markii Laga Duubay Muuqaal Isagoo Sigaar Ku Cabaya Meel Lagu Caweeyo.

0
Friday April 01, 2016 - 12:19:47 in Sports News by
  • Visits: 730
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu LVG Oran Doonaa? Marcos Rojo Oo Halis Geliyay Carada LVG Ka Dib Markii Laga Duubay Muuqaal Isagoo Sigaar Ku Cabaya Meel Lagu Caweeyo.

    Xiddiga Manchester United Marcos Rojo ayaa eedeymo badan la kulmi doonaa ka dib markii lagu arkay isagoo sigaar ku dhuuqaya banaanka meel lagu caweeyo oo ku taala dalkiisa Argentina.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddiga Manchester United Marcos Rojo ayaa eedeymo badan la kulmi doonaa ka dib markii lagu arkay isagoo sigaar ku dhuuqaya banaanka meel lagu caweeyo oo ku taala dalkiisa Argentina.

Daafaca ayaa ku laabtay wadankiisa intii lagu jiray kulamadii heerka caalami iyadoo xulka Argentina ay la ciyaareen xulalka Chile iyo Bolivia kulamadaasoo ka tirsanaa isreebreebka Koobka Adduunka ee 2018.

Waxaana muuqaal looga qaaday isagoo sigaar la cabaya asxaab ka hor inta uusan ku soo laabanin Old Trafford oo isbuuca berri bilaabanaya la ciyaarayo horyaalka Premier League.

Waqti fiican uguma soo aadin in 26 jirkaan lagu soo qaato warar weliba iyadoo laga hadlayo habdhaqankiisa qaldan, xilli mustaqbalkiisa shaki weyn la gelinayo.

Rojo oo ka ciyaaray booska daafac bidix iyo daafac dhexe ayaa ka mid noqonaya xiddigo dhowr ah oo Man United ay iska iibineyso xagaaga, waxaana arintaan sigaar cabista ay sii kordhineysa carada tababaraha mayalka adag ee Louis van Gaal.

Halkaan laacibtv.net ka daawo muuqaalka qarsoodiga ah ee laga qabtay Marcos Rojo isagoo sigaar cabaya




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip