Ferguson Oo U Sheegay Man City Inay Iska Ilaawaan Fekerka Ah Inay Noqonayaan Barcelona-da Cusub.

0
Friday April 01, 2016 - 12:08:59 in Sports News by
  • Visits: 669
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ferguson Oo U Sheegay Man City Inay Iska Ilaawaan Fekerka Ah Inay Noqonayaan Barcelona-da Cusub.

    Sir Alex Ferguson ayaa u sheegay jamaahiirta Manchester City inay iska ilaawaan inay noqonayaan Barcelona-da cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sir Alex Ferguson ayaa u sheegay jamaahiirta Manchester City inay iska ilaawaan inay noqonayaan Barcelona-da cusub.

Rajo aad u sareysa ayaa ka jirta Etihad Stadium iyo waxa ay kasban karaan marka uu tababarahooda cusub Pep Guardiola yimaado xagaaga.

Waxa uu qeyb ka ahaa kooxdii Barcelona ee abid ugu guulaha badneyd isagoo u qaaday seddex koob oo La Liga ah iyo labo koob oo Champions League ah.

01_31230045_1a9958_2773282a

Laakiin Ferguson ayaa yiri: "Man City waxa ay sameysay afduub rasmi ah oo ay ku heshay isaga laakiin Pep shaqada uma sahlanaan doonto, kubada cagta Ingariiska ma ahan mid sahlan.

"Tababare kasta oo ajnabi ah oo yimid England ayaana ku sheegaya sidaas.

"Pep waa uu najixi doonaa laakiin uma maleynayo inuu abidna ku celin doono wixii uu ku sameeyay Barcelona sababtoo ah waxa ay aheyd heerkii ugu sareysay, waxa ay ahaayeen kuwii ugu fiicnaa.

"Pep waa uu horumarin doonaa City laakiin Arsenal, Liverpool, Chelsea, Tottenham iyagana waxbeey sameyn doonaa, waxaana ay hamiyi doonaan si la mid ah City hanashada horyaalka, sidaasi darteed imaanshiyaha Pep ma xaqiijineyso ku guuleysiga horyaalka.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip