163 Tahriibe Oo Laga Soo Badbaadiyay Xeebaha Liibiya

0
Thursday April 01, 2021 - 07:49:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    163 Tahriibe Oo Laga Soo Badbaadiyay Xeebaha Liibiya

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Dowladda Liibiya ayaa sheegtay in lasoo badbaadiyay 163 tahriibe kuwaas oo kusii jeeday qaaradda Yurub.

Taliyaha ilaalada xeeabaha Liibiya ayaa sheegay inay ku guulesteen soo badbaadinta dadkaan tahriibayay oo watay laba doon.

     Taliyaha ayaa intaas ku daray in dadka lasoo badbaadiyay kasoo jeedaan wadamada Afrikaanka ah, inakasta uusan xusin magacyada wadamadooda.

Dalka Liibiya ayaa noqday sanadihii ugu danbeeyay dariiqa inta badan ay maraan tahriibayaalka doonaya inay galaan qaaradda Yurub.

Hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha qaxootiga ayaa sheegtay in dowladda Liibiya soo celisay in ka badan 11 kun sanadkii 2020, halka ay ku dhinteen xeebaha Liibiya isla sanadkaas 381 oo qof, iyadoona la waayay 597 qof.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip