Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo cafis u fidiyay Xildhibaanadii la ganaaxay

0
Wednesday March 31, 2021 - 23:05:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo cafis u fidiyay Xildhibaanadii la ganaaxay

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu aqbalay in cafis loo fidiyo 15-kii Xildhibaan ee laga ganaaxay shan kulan, oo ka mid ah kulamada Golaha Shacabka.

Xildhibaanadan ayaa Sabtidii lagu eedeeyay in is hortaag ku sameeyeen kulan uu xilligaa Golaha Shacabka ku lahaa Xaruntooda Magaalada Muqdisho, xilli Xildhibaanadu ka biyo diidaneyd qorshe socday oo sida ay sheegeen muddo kordhin loogu sameynayo Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.

Xildhibaanadan ayaa maanta laga hor istaagay inay ka qaybgalaan kulan ay Xildhibaanada Golaha Shacabka ku yeesheen Xarunta Villa Hargeisa, ka dib markii ciidan fara-badan lagu soo daadiyay barraha kontoroolada ee laga ilaaliyo Aqalka Madaxtooyada iyo isgoysyada qaar ee Magaalada Muqdisho.

Xubno uu horkacayay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Somaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo la kulmay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay in Guddoonka uu cafis u fidiyo Xildhibaanadasi, taasoona uu Gudoomiye Mursal aqbalay.

Xildhibaanadan ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan kulanka maalinta Sabtida ay Golaha Shacabka ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, haddii aanu qorshuhu waxba iska bedelin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip