Garsoore Muslim ah oo markii u horeysay Xil looga magacaabay Maxkamadaha Federalka Maraykanka

0
Wednesday March 31, 2021 - 20:17:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 198
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garsoore Muslim ah oo markii u horeysay Xil looga magacaabay Maxkamadaha Federalka Maraykanka

    Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden waxa uu shalay si rasmi ahaan ugu magacaabay Zaahid Nisar Qureyshi Garsoore Heer Federal ee Maxkamadda Degmada ee New Jersey (The US District Court of New Jersey). Aqalka Senedka Maraykanka haddii ay ansixiyaan G

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden waxa uu shalay si rasmi ahaan ugu magacaabay Zaahid Nisar Qureyshi Garsoore Heer Federal ee Maxkamadda Degmada ee New Jersey (The US District Court of New Jersey). Aqalka Senedka Maraykanka haddii ay ansixiyaan Garsoorahaasi waxa uu noqon doonaan Garsoorihii u horeeyey ee Muslimka Maraykanka (the first Muslim American) ee u shaqeeya sida Garsoore Maxkamad Degmo Federal (as a federal district judge). Zaahid Nisar Qureyshi oo 74-jir ah, kuna dhashay magaalladda New York waa Muwaadin Maraykan asal ahaan ka soo jeeda dalka Pakistan, waa qofkii u horeeyey oo Muslim oo loo magacaabo Xilka Garsoore Federal ee Degmo. Xitaa waxa kale oo uu yahay Shaqsigii u horeeyeey ee Muslim ah ee soo noqday Kaaliyaha Garsoore ee New Jersey, Trenton vicinage bishii June 3-dii ee sanadkii 2019-kii. Dhinaca kale, Garsoore Zahid Qureyshi waxa uu ka soo qalin jebiyey Dugsiga Qaanuuniga ee A Rutgers Law School ee hoos-taga Jaamacadda A Rutgers Law University ee Gobalka New Jersey ee W/bari ee dalka Maraykanka. Garsoore Zaahid Nisar Qureyshi waxa kale oo uu soo noqday Xeer-ilaaliye Milliteri, wuxuuna darajada Dhamme ama Kabtan ka gaaray Qareenadda Ciiddanka Maraykanka ee loo daabulay dalka Iraq sanadihii 2004-tii iyo 2006-dii, Hawlgalkii ay Milliteriga Maraykanka ku galeen dalkaasi. Garsoore Zaahid Nisar Qureyshi waxa kale oo uu soo noqday Kaaliyaha Xeer Ilaaliyaha Maraykanka ee New Jersey iyo Kaaliyaha La-taliyaha Guud ee Waaxda Ammaanka Gudaha ee Maraykanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip