Qarax Khasaaro Geystay Oo Ciidamo Lagula Eegtay Magaalada Muqdisho

0
Wednesday March 31, 2021 - 12:08:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Khasaaro Geystay Oo Ciidamo Lagula Eegtay Magaalada Muqdisho

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax miino nooca dhulka la geliyo ee laga hago meelaha fog-fog oo dhowr daqiiqo kahor ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee Magaalada Muqdisho. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in qaraxaas lala eegtay gaar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax miino nooca dhulka la geliyo ee laga hago meelaha fog-fog oo dhowr daqiiqo kahor ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee Magaalada Muqdisho. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in qaraxaas lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Ilaalada waddooyinka ee Taraafikada, xili ay socdaal ku marayeen wadada aada Daarusalaam. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tegay aaga uu qaraxu ka dhacay, isla markaana sida caadada aheyd xiray goobta, wallow markii dambe baaritaan kadib ay fureen.Inta la xaqiijiyay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhaawacmay 4 Askari, kuwaasi oo si deg deg ah loo gaarsiiyay Xarun caafimaad, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo. Laamaha amniga dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin qaraxaas khasaaraha geystay ee ka dhacay wadada aada deegaanka Daarusalaam ee Magaalada Muqdisho, waxaana horey wadadaas uga dhacay qaraxyo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip