Q/mada Midoobey oo sheegtay in Faransiiska ay dad rayid ah ku laayeen Mali

0
Wednesday March 31, 2021 - 07:57:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Q/mada Midoobey oo sheegtay in Faransiiska ay dad rayid ah ku laayeen Mali

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..


 
Duqeyn ay fuliyeen ciidmada Faransiiska ayaa waxaa ku dhintay 19 qof oo rayid ah iyo 3 nin oo hubeysan oo ku sugnaa xaflad aroos dalka Mali bishii January, waxaa sidaas lagu sheegay warbixin ay Qaramada Midoobey soo saartay.

Wasaaradda gaashaandhiga Faransiiska ayaa gaashaanka u daruurtay waxyaabaha lagu ogaaday warbixinta Qaramada Midoobey.

Waxay saraakiisha Faransiiska ku doodeen in weerarkii ay fuliyeen 3 January lala bartilmaameedsaday "koox argagixiso ah oo hubeysan”.

Dalka Faransiiska waxaa gobolka Saahil ka jooga 5,100 askari oo halkaasi kula dagaalama kooxo mintidiin ah oo gacan saar la leh ururka Al-qaacida iyo kooxda la baxday dowladda Islaamka.

Qaramada Midoobey ayaa baaritaankan fulisa ka dib markii dadka deegaanka ay sheegeen in diyaarad ah nooca Helekoptarka ay duqeysay dad ka qeyb galayay xaflad aroos meel u dhaw tuulada Bounti ee ku taalla bartamaha dalka Mali.

Baaritaanka Qaramada Midoobey ayaa lagu ogaaday in xafladda arooska ay ku sugnaayeen "dad gaaraya 100 qof oo rayid ah islamarkana ay goobtaasi ahayd meesha weerarka lala bartilmaameedsaday”, sida wakaalada wararka ee AFP ay ka soo xigatay warbixinta Qaramada Midoobey.

Rag hubeysan oo gaaraya 5 oo la rumeysan yahay inay xubna ka yihiin kooxaha mintidiinta ayaa sidoo kale ka qeyb galay dabaaldagaasi arooska , sida lagu xusay warbixinta Qaramada Midoobey .

"Dadka ay saameysay duqeynta ayaa waxay aqlabiyadooda ahaayeen rayid kuwaasi oo lagu difaacay shuruucda caalamiga ah ee bina’aadanimada,” ayaa lagu xusay warbixinta Qaramada Midoobey.

Q/mada Midoobey oo sheegtay in Faransiiska ay dad rayid ah ku laayeen Mali





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip