Mozambique: Kooxda Al-Shabab oo qabsatay magaalo muhiim ah

0
Tuesday March 30, 2021 - 21:11:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mozambique: Kooxda Al-Shabab oo qabsatay magaalo muhiim ah

    Dowladda Mareykanka ayaa wacad ku martay inay taageeri doonto Mozambique kadib dagaal dhimasho leh oo kooxda loo yaqaan Al-Shabab ee xiriirka la leh Daacish ay ku qaaday magaalada muhiimka ah ee waqooyi ee Palma. Kooxda Al-Shabab ayaa magaalad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa wacad ku martay inay taageeri doonto Mozambique kadib dagaal dhimasho leh oo kooxda loo yaqaan Al-Shabab ee xiriirka la leh Daacish ay ku qaaday magaalada muhiimka ah ee waqooyi ee Palma. Kooxda Al-Shabab ayaa magaalada weerartay Arbacadii tagtay ayada oo sii xoojineysa dagaal muqaawamo ah oo dhiig badan uu ku daatay oo waqooyiga Mozambique ka socday tan iyo 2017-kii. Tobaneeyo qof, ayaa sida ay sheegeen Daacish iyo mas'uuliyiinta dowladda, lagu dilay dagaalka ayada oo tiro aan la cayimin weli la la'yahay. Waa dagaalkii ugu weynaa uguna dhowaa ee msharuuc gaas ah oo balaayiin dollar ku kacaya oo laga sameynayo jasiirad u yaal magaalada u jirta 10 km oo kaliya, mashruucaas ay waddo shirkadda Faransiiska ee Total. "Ciidamada khilaafadda ayaa qabsaday magaalada muhiimka ah ee Palma," ayaa lagu yiri bayaan ay Daacish soo dhigtay Telegram. Inta badan 75,000 oo qof oo degan magaaladan oo ka tirsan gobolka Cabo Delgado ayaa isaga baxay, sida uu sheegay Adriano Nuvunga oo u dhaqaaqa bulshada rayidka. Kooxdan ayaa gudaha Mozambique looga yaqaan Al-Shabab, inkasta oo la rumeysan yahay inaysan wax xiriir ah la laheyn kooxda Al-Shabab ee Soomaaliya, ee magaca ay wadaagaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip