Madaxweyne Farmaajo oo ka Tacsiyeeyey geerida Marxuum Ciyaaryahan Cumar Cabdiqaadir Barajab.

0
Tuesday March 30, 2021 - 20:51:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo ka Tacsiyeeyey geerida Marxuum Ciyaaryahan Cumar Cabdiqaadir Barajab.

    Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, bahda ciyaaraha iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xidiggii Kubadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, bahda ciyaaraha iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xidiggii Kubadda koleyga Marxuum Cumar Cabdiqaadir Barajab oo ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Cumar Cabdiqaadir Barajab uu ahaa xidig Qaran oo dalkiisa u soo hooyey guulo dhanka ciyaaraha kubadda Koleyga, isaga oo door weyn ka soo qaatay horumarinta ciyaaraha dalka, waxaa uuna soo saaray ciyaartooy waxtar u leh Xulka Kubadda Kolayga heer Qaran. "Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar Cabdiqaadir Barajab waxa uu ahaa Xidig Qaran oo dadka iyo dalka Soomaaliyeed u soo saftay xilliyo kala duwan, isaga oo ka mid ahaa xidigaha Qarankeenna guulaha u keenay" Madaxweynaha jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle u baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeello Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyska qaraabada iyo Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip