Wefdi ka socday Soomaaliya oo Uganda uga qeyb-galay shir looga hadlayay xakameynta Hubka fudud

0
Tuesday March 30, 2021 - 20:45:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wefdi ka socday Soomaaliya oo Uganda uga qeyb-galay shir looga hadlayay xakameynta Hubka fudud

    Saraakiil ka socota dowladda federaalka Soomaaliya oo shir looga hadlayo Caqabadaha xaduudaha, xalinta khilaafaadka iyo maareynta isticmaalka hubka fudud uga qeyb galay Entebbe Uganda. Shirkan oo ahaa mid heerkiisu sareeyo ayaa waxaa looga hadlaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiil ka socota dowladda federaalka Soomaaliya oo shir looga hadlayo Caqabadaha xaduudaha, xalinta khilaafaadka iyo maareynta isticmaalka hubka fudud uga qeyb galay Entebbe Uganda. Shirkan oo ahaa mid heerkiisu sareeyo ayaa waxaa looga hadlayay faafista iyo maareynta isticmaalka Hubka fudud (Small arms and light weapon management SALW) Adeegsiga hubka fudud ayaa ah mid dhibaato weyn ku haya geeska Afrika. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Maareynta hubka fudud ee RECSA oo ay ku mideysan yihiin wadama geeska Afrika ayaa waxaa kasoo qayb galay saraakiil ka socotay dhammaan wadama geeska Afrika kuwooda madaxda ka ah xuduudaha. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa shirkan uga qeyb galay Saraakiil sar sare oo ku shaqo leh arimaha hubka fudud ee xuduudaha iyo gudaha dalka. Shirkan ayaa laysku waydaarsaday dhammaan caqabadaha ka jira dalalka geeska Afrika ee dhanka xuduudaha iyo sida ugu fiican looga hortagi karo isticmaalka dhanka qaldan ee hubka fudud ee sida sharci darada ah ugu gacan galaya dadka kooxaha aan ku shaqada laheyn iyo shacabka.


 
 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip