Xildhibaan Mahad Salaad "Farriinta kulanka berri waa naloo soo diray waana ka qeyb-geleynaa wixii isoo gaarana mas'uuliyadeeda waxaa qaadanaya guddomiye Mursal"

0
Tuesday March 30, 2021 - 20:42:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 168
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Mahad Salaad "Farriinta kulanka berri waa naloo soo diray waana ka qeyb-geleynaa wixii isoo gaarana mas'uuliyadeeda waxaa qaadanaya guddomiye Mursal"

    Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibanadii laga mamnuucay fadhiyada baarlamaanka ayaa sheegay in uu ka qeyb-geli doono kulanka beeri ee golaha shacabka. Qoraal uu bartiisa Facebookku soo qoray xildhibaan Mahad Salaad ayuu ku sheegay in far

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibanadii laga mamnuucay fadhiyada baarlamaanka ayaa sheegay in uu ka qeyb-geli doono kulanka beeri ee golaha shacabka. Qoraal uu bartiisa Facebookku soo qoray xildhibaan Mahad Salaad ayuu ku sheegay in farriinta kulanka berri ay soo gaartay,islamarkaana uu ka qeyb-gelayo,isaga oo tilmaamay in wixii ka dhashay warqaddii guddoomiye Mursal uu masuuliyadeeda qaadan doono. "Fariinta Xildhibaanada loo soo diray ee lagu wargelinayo in uu jiro kulankii Golaha Shacabka beri oo Arbaco ah hada ayay na soo gaartay. Waanan tagaynaa kulankaas beri inshaa'allah. Wixii dhibaato ah oo nagu soo gaara sababta waraaqdii sharci darada ahayd ee Maxamed Mursal naga qoray 27 bishaan mas'uuliyadeeda isaga ayaa si shaqsi ah u qaadaya!" ayaa lagu yiri qoraalka Mahad Salaad. 27-ka bishaan ayay aheyd markii guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan uu soo saaray qoraal 15-xildhibaan looga mamnuucayo 5-kulan oo ka mid ah fadhiga golaha,isalamarkaana lagu eedeeyay is hor istaaga shaqadii golaha. Ajandaha kulanka oo goordhow lagu war-geliyay xildhibaanada ayaa ah 1. Covid19,2. U Codeyn Laba Xubnood oo Guddiga M/B ee Xuduudaha.,3 U Codeyn Sharciga Qaxootiga Qaranka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip