Qarax lala beegsaday Kaniisad horey Saxafi loogu jir-dilay iyo wararkii ugu dambeeyay

0
Tuesday March 30, 2021 - 20:38:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 149
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax lala beegsaday Kaniisad horey Saxafi loogu jir-dilay iyo wararkii ugu dambeeyay

    Waaberigii hore ee saakayto oo Talaado ah waxa uu Qarax ka dhacay Kaniisad ku taalla magaalladda Krimpen aan den IJssel ee Galbeedka dalka Netherland (Ex-Holalnd). Wargeyska NL Times oo aan warkan ka soo xiganay waxaa uu qoray inaysan cidna ku dha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waaberigii hore ee saakayto oo Talaado ah waxa uu Qarax ka dhacay Kaniisad ku taalla magaalladda Krimpen aan den IJssel ee Galbeedka dalka Netherland (Ex-Holalnd). Wargeyska NL Times oo aan warkan ka soo xiganay waxaa uu qoray inaysan cidna ku dhaawacmin qarax lala beegsaday Kaniisadda lagu magacaabo "The Mieras Church". Burbur ayaa waxa uu soo gaaray qeybta hore ee dhismaha Kaniisaddaasi. Wargeyska kale ee lagu magacaabo AD waxa uu qoray in la rumeysan yahay inuu Qaraxaasi xiriir la leeyahay shil dhacay Axadii hore, kadib, markii Saxafi lagu feeray albaabka Kaniisadaasi. Dhinaca kale, Boliska dalkaasi waxay bartooda Twitter-kooda soo dhigeen inay dadka Deegaanka ka naxeen qarax weyn iyo Uuro ka dhacday Kaniisadda maanta la qarxiyey. Sida laga soo xigtay Afhayeenka Boliska, waxa uu sheegay inay u badan tahay in qaraxaasi laga farsameeyey waxyaabaha baaruuda ee la isticmaalo xillyada dabaaldegyada, waxayna Boliska wadaan Baaritaanada dhacdadaasi. Weli ma kala cadda inuu qaraxaasi ahaa mid lagu beegsanayey Kaniisadda iyo in kale. Kaniisadda Mieras Church waxay Wararka ugu muhiimsan dalkaasi ka noqotay maalintii Axadda ee la soo dhaafay, kadib, markii Saxafi ka socday Warbaahinta RTV Rijnmond la garaacay, xilli uu War ka tebinayey sida ay Sharciga COVID 19 ugu xadgudbeen boqolaal qof oo ku xoonsanaa gudaha Kaniisadaasi. Dhacdo kale, Weerar kale ayaa waxaa Axadii la soo dhaafay lala beegsaday Saxafi kale oo War ka soo tebinayey buuxa ka jiray Kaniisad ku talla Degmadda Urk oo ku taalla Bartamaha dalka Netherlands. Weriyaha oo u shaqeeya Warbaahinta PowerNed waxaa si ula-kac loogu dhuftay gaari, iyadoo Muuqaalka shilkaasna toos loo baahiyey. 2 Eedeysane ayaa loo qabtay Tacadiyada loo geystay Labada Saxafi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip