Shiinaha oo Itoobiya ku wareejisay xirmooyinka Tallaalka Covid-19,

0
Tuesday March 30, 2021 - 20:37:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shiinaha oo Itoobiya ku wareejisay xirmooyinka Tallaalka Covid-19,

    Magaalada Addis Ababa Caasimadda Dalka Itoobiya waxaa maanta oo Talaado ah laga dejiyay 300,000 oo xirmooyin Tallaalka Covid-19 ah gaar ahaan Nuuca Sinopharm ee lagu sameeyay Gudaha Dalkaas. Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa Magaalada Beijing kasoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Addis Ababa Caasimadda Dalka Itoobiya waxaa maanta oo Talaado ah laga dejiyay 300,000 oo xirmooyin Tallaalka Covid-19 ah gaar ahaan Nuuca Sinopharm ee lagu sameeyay Gudaha Dalkaas. Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa Magaalada Beijing kasoo qaaday Tallaalkaan laga dejiyay Xarunta Midowga Afrika ahna Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa sida ay daabaceen wakaaladaha Wararka Shiinaha iyo Itoobiya u faafiya. Itoobiya waa udub-dhexaadka Afrika, waana xarunta lagu dejiyo Gargaarka loogu deeqo Dalalka Qaaradda kadibna looga sii qaado, inkasta oo aysan Xukuumadda Addis Ababa sheegin in ay isticmaaleyso & in ay u kala qaybineyso Waddamada kale ee Afrika. Tallaalkaan waxaa soosaartay Shirkadda Daawooyinka u qaabilsan Jamhuuriyadda Shacabka ee Shiinaha oo loosoo gaabiyo (CNPG), waxaana loo daabulayaa waddamada xiriirka wanaagsan la wadaago halka qaarkood todobaadyo kahor loo geeyay. Shiinaha ayaa loolan dhanka Tallaalka la galaya Dalalka reer Galbeedka, waxa ay ku tartamayaan waddamada dhaqaale ahaan hoose ee aan awoodin iibsashada xirmooyinka iyada oo ay marinayaan Hay'adda Caafimaadka Qaramada Midoobay u qaabilsan ee WHO. Sanad kahor, bilooyin kadib soo shaacbixitaanka xannuunka Covid-19 waxa ay Shirkadda Alibaba ee laga leeyahay Dalka Shiinaha oo kasoo bilawday Coronavirus dalal Soomaaliya ay kamid tahay ugu deeqay Marada Afka iyo sanka Daboosha (Face Mask) Gacmo gashi & agab kale oo Caafimaad, waxaana laga soo qaaday Itoobiya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip