Tababarihii hore ee xukulka Kubadda Kolayga Soomaaliya oo geeriyooday

0
Tuesday March 30, 2021 - 20:33:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababarihii hore ee xukulka Kubadda Kolayga Soomaaliya oo geeriyooday

    Alle ha u naxariistee Cumar C/Qaadir Baarajab oo ka mid ahaa ciyaartooydii kubada kolayga Qaranka iyo naadiga LLPP JEENYA oo waayahan xanuunsanaa ayaa ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta sida uu noo xaqiijiyey Wariye Xuseen Cilmi Cali (Otto Dheer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alle ha u naxariistee Cumar C/Qaadir Baarajab oo ka mid ahaa ciyaartooydii kubada kolayga Qaranka iyo naadiga LLPP JEENYA oo waayahan xanuunsanaa ayaa ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta sida uu noo xaqiijiyey Wariye Xuseen Cilmi Cali (Otto Dheere) oo ay ka wada tirsanaayeen naadiga LLPP iyo xulka qaranka.. Alle ha u naxariistee Cumar C/Qaadir Baarajab ayaa ciyaaraha kusoo biiray 1977 , waxa uuna usoo ciyaaray xulka Qaranka asagoo sidoo kale soo noqday Tababaraha Xulka Qaranka ee kubadda Kolayga. Sidoo kale waxa uu soo noqday tababara Gabdhaha kubada kolayga LLPP JEENYA waxa uuna xubin ka ahaa xiriirka kubadda kolayga. Marxuumka ayaa la taliye usoo noqday Xulka Qaranka Ugandha , waxa uuna waayahan danbe leylin jiray ciidamada Booliiska Imaaraadka Carabta.

Waxaa dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ku geeriyooday maanta allaha u naxariistee Cumar Cabdulqaadir Baarajab oo ka mid ahaa xiddigihii kubbadda kolayga ee dalka Soomaaliya.

TARIIKH=DA KOOBAN Laacibkii kubbadda Kolayga:-

 

Cumar Cabdulqaadir Baarajab oo geeriyooday

      Cumar wuxuu ka dhashay qoys xiiseeya ciyaaraha aabihiis Cabdulqaadir oo ciyaaraha fudud aad u jeclaa.

Horraantii 1970-yadii Cumar oo ahaa wiil yar ayaa kubbadda koleyga ka bilaabay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Intii uu weli ku jiray waxbarashada dugsiga sare, wuxuu bilaabay inuu u ciyaaro LLPP Jeenyo, oo ah naadi heerka koowaad ee kubbada kolayga.

Cumar Baarajab waxaa uu ka mid noqday Xulka Qaranka Soomaaliya ee 1981 isagoo sanado badan u saftay xulka qaranka.

Cumar wuxuu si joogto ah uga dhex muuqday kubbadda koleyga Soomaaliyeed 1980-yadii. Intii uu kabtanka u ahaa xulka qaranka ee ragga, Barajab wuxuu kaloo tababare u noqday xulka qaranka ee gabdhaha.

Ka dib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991, Cumar wuxuu u guuray Imaaraadka, halkaas oo uu ka sii waday ku lug lahaanshihiisa kubbadda Koleyga. Wuxuu ku biiray Ciidanka Booliska ee Dubai isaga oo ah tababaraha jir ahaaneed wuxuuna sii waday inuu si xirfad leh u tababaro kubbadda koleyga.

Cumar wuxuu ahaa tababare FIBA ​​oo la aqoonsan yahay – oo ka mid ah kuwa ku yar Afrika waxana uu u qabtay xarumo tababar macallimiin kale.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip