Somalia oo dowlad Carbeed ka dalbatay in ay ka caawiso Baarista Shidaalka iyo Tababarka Ciiddanka

0
Tuesday March 30, 2021 - 20:31:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia oo dowlad Carbeed ka dalbatay in ay ka caawiso Baarista Shidaalka iyo Tababarka Ciiddanka

    Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Calaamiga ee Somalia, Maxamed C/risaaq Maxamuud Abubakar ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Telefishinka Extra News Channel ee laga leeyahay dalka Masar. "Waxaan raadinaynaa Sahminta Shidaal badan, wax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Calaamiga ee Somalia, Maxamed C/risaaq Maxamuud Abubakar ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Telefishinka Extra News Channel ee laga leeyahay dalka Masar. "Waxaan raadinaynaa Sahminta Shidaal badan, waxaana u baahanahay Taageeradda Masar" ayuu yiri Wasiirka oo labadii Isbuuc ee la soo dhaafay ku sugnaa Caasimadda dalka Masar ee Qaahira. Mar wax laga weydiiyey ujeedada socdaalka uu ku joogay Masar waxa uu xaqiijiyey in ujeedada socdaalkiisa ku qotomo sidii Xiriirada Somalia iyo Masar loogu soo celin lahaa Dhabahooda saxda ah iyo in la ballaariyo Iskaashiga iyo Danaha labada Waddan ee walaalaha ah. Wasiirku waxa uu Wareysigiisa ku faahfaahiyey inay Somalia doonayso sahminta Shidaal aad u badan, isla markaana ay doonayaan Taageeradda Dowladda Masar ee arrimaha Sahanka Shidaalka dhex ceegaaga geyiga Somalia. "Somalia waxay sida ugu dhaqsaha badan u shaacin doonaan Ceel badan oo Shidaalka iyo Gaaska, waxaana qirayaa inuu jiro Xiriiro Taariikhi ah oo u dhexeeya Somalia iyo Masar" ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia, Maxamed C/risaaq Maxamuud Abubakar. Dhinaca kale, Wareysiga uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia siiyey Telefishinka Extra News Channel waxa kaloo oo uu muujiyey inuu doonayo in ay labada Dowladood dhiiri-geliyaan Ganacsatada, si loo horumariyo Xiriirada Ganacsi ee labada dal u dhexeeya. Waxa uu intaasi ku daray inay Dowladda Federalka rumeysan tahay in la joogo Xilligii Saxda ahaa ee dib-u-eegis loogu samayn karo Heshiisyada Khaaska ee u dhexeeya labada Waddan, sida Iskaashiga Dhaqaalaha. Dhinaca kale, Wareysigiisa waxa uu Wassiirka ku soo hadal-qaaday Taariikhda Aabihiisa, AUN Kolonel C/risaaq Maxamuud Abuubakar oo ka mid ahaa 25-kii xubnood ee Golihii Sare ee Kacaanka (GSK( "Aabahay oo yimid Qaahira waxa uu ku biiray Kulliyadda Dagaalka (War College), kadibna waxa uu ku laabtay oo uu kaalin ka geystay Dhismaha Somalia" ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee XFS oo Wareysi dhinacyo badan ah siiyey Telefishinka Masaarida ee Extra News Channel.


 
 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip