Madaxtooyada Soomaaliya oo war ka soo saartay waxa ka jira Iskaashi Amni oo ay yeelanayaan Eritrea, Itoobiya iyo Somalia

0
Tuesday March 30, 2021 - 20:13:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxtooyada Soomaaliya oo war ka soo saartay waxa ka jira Iskaashi Amni oo ay yeelanayaan Eritrea, Itoobiya iyo Somalia

    Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war ka soo saartay wararka sheegaya in maalinta Berri ah uu safar dibadda ah u baxayo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo,islamarkaana ka qeyb-gelaya heshiis iskaashi oo dhex-maraya dalal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war ka soo saartay wararka sheegaya in maalinta Berri ah uu safar dibadda ah u baxayo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo,islamarkaana ka qeyb-gelaya heshiis iskaashi oo dhex-maraya dalalka Africa. Qoraal uu boggiisa Facebook uu ku dabacay Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Crashiid Maxamed Xaashi ayaa lagu sheegay in warkaasi uu yahay Been abuur iyo waxba kama jiraan. "Wararka sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu barri safar u yahay ka qeyb galka shir la sheegay in uu ku saabsan yahay heshiis amni oo heer gobol ah waa mid been abuur ah oo aan jirin. Ayuu hadalkiisa ku yiri. Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Safarada Safarrada shaqo ee Madaxweynahaay yihiin kuwa daahfuran oo xogtooda ay si dhammeystiran u soo gudbiyaan Warbaahinta Soomaaliyeed. Sidoo kalana waxa uu nasiib darro weyn ku tilmaamay in madaxxilal muhiim ah ka soo qabtay dalka shacabka Soomaaliyeed ay ku jahawareerinayaan warar aan jirin,sida uu hadalka u dhigay.


 
 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip