Galmudug oo xukuno adag ku riday 31 qof oo ajaanib ah oo lasoo qabtay + Sawirro
Sidoo kale lix tan oo kalluun ah oo ay ka jilaabteen badda Soomaaliya ayaa lagala wareegay dadkaan la xukumay oo markii laga reebay nin turjumaan u ahaa oo Soomaali ah intooda kale ka soo jeeda dalka Yemen.
Guud ahaan dadkaan la qabtay ayaa ka koobnaa 39 qofood, balse sideed (8) ka mid ah ayaa la sheegay inay carruur yihiin, kuwaas oo ay Maxkamaddu go’aamisay in la iska sii daayo.
Qoraal lagu baahiyey barta Facebookga ee wasaaradda amniga Galmudug ayaa lagu soo dhaweeyey xukunka ay maxkamaddu ku riday raggaas lagu soo qabtay kalluumeysiga sharci darrada ah, sida ay maxkamaddu sheegtay.
Sidoo kale qoraalka wasaaradda ayaa lagu ammaanay ciidamada ilaalada badda ee dowlad goboleedka Galmudug, kuwaas oo ku guulaystay in hawlgallo ay ka fuliyeen xeebaha Galmudug ay ku soo qabtaan dadkaan la xukumay.
Galmudug oo xukuno adag ku riday 31 qof oo ajaanib ah oo lasoo qabtay + Sawirro
Maxkamada Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa ganaax mid $700 (Todoba boqol oo dollar ah) ku riday 31 qof oo ajaanib ah, kuwaas oo kalluumeysi sharci darro ah ka waday xeebaha Soomaaliya. Kalluumeysatadan ganaaxa lacageed lagu xukumay ayaa laga qabtay in