HALKAN KA AQRISO W/W MOGTIMES 30 MARS 2021

0
Tuesday March 30, 2021 - 09:27:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W/W MOGTIMES 30 MARS 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Shirkii Madaxweynayaasha dowlad gobalee dyada oo Xalay natiijo la’aan ku soo dhammaaday.

Waxaa Xalay fashil ku soo dhammaaday shir kii madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada ay ku yeesheen Hoteel Airpot ee ku dhex yaalla xeyndabka garoonka diyaaradaha Aadan Cad de ee magaalada Muqdisho.

shirka oo soo bil lowday maalma ka hor wax aa la sheeg ay in dhinacyadu hor umar fiican ay ka sam eyeen qodo bo xasaasi ahaa oo taagnaa, hase’ahaate kuwii ugu dambeey ay ee la doo nayay in lagu soo afjaro is mari waaga ay fashil ku soo dhammaadeen.

Qodobada la isku fahmi waayay ee fashiliyay shirka waxaa ka mid ah

1: Ajandaha shirka, Awoodda madaxweynaha in la cadeeyo iyo madasha bad-bado qaran ay ka qeyb-gasho shirka taas oo ay ka biya diideen mamulada taageersan dowladda,islamarkaana cadeeyay in aysan jirin Saamiley siyaasadeed in aysan saxiix laheyn.

Wada-hadalka oo qaatay Saacado badan waxaa la isku dayay in laga gudbo caqabadaha iyo qodobadaaan hase’ahate waxaa la sheegay in shirka lagu kala tegay,islamarkaaana natiijo la’aan ku soo dhammaaday shirkasi.

Maanta oo Talaada ah ayaa la qor sheynayay in uu furmo shirka wadatashiga,islamarkaana ka hor la sii dhameeyo wixii caqabado ah eek u hor gudban shirka.

Maxaa ka soo baxay kulankii Habeen hore ee Farmaajo iyo madax goboleedyada taabacsan?

Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Md. Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Habeen hore qaabilay madaxda maamul goboleedyada ee taabacsan Villa Soomaaliya & guddoomiyaha gobolka Banaadir, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aaddan xaaladda dalka iyo doorashooyinka dalka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooya da ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa ra’I isul wasaaraha xilka sii haya ee Mudane Max amed Xuseen Rooble, waxaana dhinacyada ka qeyb-galay ay diirada saareen xaaladda cakiran ee ka taagan dalka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caa simada Online u sheegay in madaxda Galm udug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ay mad axweynaha la wadaageen waxyaabihii kasoo ba xay shirarkii ay la soo qaateen madaxda Jubb aland iyo Puntland, gaar ahaan qodobada ho rdudhaca ee ay isla soo meel-dhigeen ee wada-hadalada socda.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday halka ay marayaan dadaallada lagu doonayo qa bsoomida shir loo dhanyahay oo ay yeeshaan dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in shirkan lagu soo hadal qaaday arrinta muddo ko rdhinta ee laga shaki qabo inuu ku dhowaaqo Golaha Shacabka, taas oo buuq weyn ka dhex-abuurtay xildhibaanada baarlamaanka federa alka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba xaaladda siyaasadeed ee dalka ay aa muuqata mid kasii dareysa, waxaana weli is mari-waa uu ka taagan-yahay hannaanka loo wajahayo doorashada 2021-ka.

Xigasho:caasimadda.net

Maxaa ka soo baxay shirkii Shalay ay yee sheen Midowga musharaxiinta iyo Oday aasha Muqdisho?

Hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho waxaa Shalay kulan saacado badan qaatay ku yeeshay xubnaha golaha midowga mushara xiinta madaxweynaha iyo Odayaasha dhaqanka Beelaha Muqdisho.

Kulanaka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo khilaafka hareeyay doorasha da, waxa ana kulanka ka dib laga soo saaray War-murtiye ed,islamark aana lagu cadeeyay mowqifka Odayaasha.

Mid ka mid ah Odayaasha dhaqanka oo Shir jiraa’iid u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in laga hadlay Laba arrin oo kala ahaa muddo kor orsi la sheegay in loo sameynayo hay’adaha Da stuuriga ah iyo doorasho si nabad ah ku dha cda.

Odayaasha dhaqanka Muqdisho ayaa shee gay in ay ka soo hor jeedaan muddo kororsi oo aysan aqbalayn,islamarkaana ay doonayaan do orasho si nadab ah uga dhacda dalka oo xuk unka la isku wareejiyo.

Sidoo kale Midowga musharaxiinta oo kulan la qaatay Haweenka Soom aaliyeed Xubnaha mi dow ga musharaxiinta xilka madaxweynaha a yaa ku lan la qaatay Haweenka Soomaaliye ed, waxaa na ay ka wada-hadleen xaaladda guud ee dalka gaar ahaan doorashooyinka.

Musharaxiinta ayaa dareenkooda la wadaa gay Haweenka la wadaagay halka ay marayaan dadaalada kala duwan ee lagu bixinayo xal u he lidda khilaafka doorashada iyo in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah.

Haweenka ayaa dhankooda la wadaagay musharaxiinta dareenka ay ka qabaan halka loo wado dalka iyo sidoo kale muddo kororsiga la sheegay in loo sameynayo madaxweynaha iyo baarlamaanka oo ay ka digeen.

Dhinaca kalana waxa ay soo hadal-qaadeen xil dhibaanada laga mamnucay fadhiyada baa rlamaanka,iyaga oo cadeeyay in ay metelaad goobta ku joogaan albaabkana aan laga xira Karin.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo weerar culus ku qaaday Rooble

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo u xiran do wladda Federalka Soomaaliya ayaa muuqaal uu soo duubay waxa uu kaga hadlay doorka Ra ’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee xil igan kala guurka ah.

Xasan Daahir ayaa si kulul u canaantay Ra’isul Wasaaraha, waxaana uu sheegay inuu ga bay doorkiisa siyaasadeed, is aga oo ku tilmaamay "nin shaqeynayo sida inuu Farmaajo leeyahay oo kale.”

"Waxaad u shaqeyneysaa nuuc ah in Farm aajo uu ku leeyahay oo kale, waxaana meesha ku joogtaa kuraas la qeybsaday ayaad midkood ku joogtaa, kii 1-aad qolo ayaa heysata kii 2-aad ayaad ku joogtaa qolo, iyaga ayaana leh, ma taqaanid inaad dad ka wakiil tahay Rooble,” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys. Xasan Daahir ayaa sidoo kale xusay in Roo ble uusan awoodin xitaa inuu kala dhexgalo si yaasadaha isdiidan ee dalka ka jira, islamar kaana uusan talo keeni karin.

Waxa uu hadalkisa intaa raaciyay "Iyagi ma kala celin kartid, iyagana dadka kama celin kart id, qofkii ku qaloocan kama celin kartid, kama sixi kartid, maxaa laguugu falaa marka, Dad ayaa wakiil ka tahay Rooble indhaha kala qaad meeshaan qabiil ayaa lagu qeybsaday.”

Sheekh Daahir ayaa weydiiyay Ra’isul Wasaare Rooble "maa dadka kala celisid ileen adaa maamulka ku matalee xageed la’dahay, mise shaqadaada dhan ma taqaanid aslan?”

Waxa uu ku booriyay Ra’isul Wasaaraha inuu fadhiga ka kaco oo si muuqata door weyn uga ciyaaro arrimaha doorashada iyo isku keenista saamileyda siyaasadeed ee dalka.

"Aniga kuma lihi xumeey Farmaajo isagaa ku doortay waa sax laakiin isaga malahan kursiga, dad ayaa iska leh xuquuqdooda u ilaali adaana maamul ahaan u jooga ee dadka isku hagaaji, meesha aad la’dahay anigu waan garan waa yay,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Ugu dambeyntii waxa uu soo dhaweeyay kul amadii ka dhacay Hotel Decele ee Midowga Mu sharaxiinta iyo Ra’isul Wasaare Rooble base waxa uu u sheegay inuu ku guuldareestay oo wax faa’ido ah uusan ka keenin. 

Xigasho:caasimadda.net

Swan oo war kasoo saaray shirkii ay la yee sheen shanta madax goboleed

Wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan ayaa ka hadlay shirarka ay wakiilada beesha caala mka la leeyihiin madaxda Soomaalida ee ku saa bsan arrimaha doorashooyinka.

James Swan wuxuu sheegay iney ku faraxs an yahiin dadaallada socda ee loogu gogol xa arayo shir weyne la isugu yimaado oo lagu ga aro heshiis doorasho, iyadoo mar walba lagu jaangoyn doono heshiiskii 17-ka September ee lagu gaaray Muqdisho sanadkii hore.

Wakiilka wuxuu soo dhaweeyay dadaalka wadajirka ah ee dowl adaha xubnaha ka ah Fede raalka ugu jiraan si loo helo tanaasul sax ah isla markaana horay loogu sii docon lahaa arrimaha doorashooyinka.

"Waxaan soo dhoweyneynaa dadaalka wada jirka ah ee Dawladaha Xubnaha ka ah Fede raalka si loo helo tanaasul, isla markaana kul anka Dowladda Faderaalka ah iyo kuwa heer go bol uu horay ugu sii socdo dhanka door ashooyin ku saleysan hannaankii doorasho ee 17-kii Sebteembar,” ayuu yiri James Swan.

Wakiilada beesha caalamka waxey todobaad yadii ugu dambeeyay wadeen dadaallo ay isku hor keenayaan madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ah si loo gaaro heshiis doorasho oo loo dhan yahay.

Dadaalladan ayaa diiradda lagu saarayaa in marka hore la isku soo dhoweeyo shanta mad axweyne goboleed, ayada oo wada-hadalladan gees looga riixay dowladda gaar ahaan Far maajo, oo la rumeysan yahay inuu caqabad ku yahay in dalka ay doorasho ka

dhacdo.Si kastaba, waxaa mar kasta jirta cabsi laga qabo in madaxweyne goboleedyada tabici yiinta ah ee HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo aan la isku haleyn, oo marka ay ku laabtaan Farmaajo mar

kasta beddela mowqifkooda


Kiisaska cudurka Karoonaha ee Sooma aliya oo sii kordhay

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soo maaliya ayaa faahfaahisay kiisaskii ugu dam beeyay ee cudurka Karoonaha.

Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 1210

o Laga Helay: 187

o Somaliland: 122

o Puntland: 31

o Jubbaland: 12

o Banadir: 12

o Konfurgalbeed: 10

o Lab: 112

o Dhedig: 75

o Dhimasho: 14 (Somliland: 8, Banadir:2, Punt land:4)

o Bogsashada: 40

Tirada Guud ee Laga Helay: 11,164

Bogsashada Guud: 4,759

Dhimashada Guud: 510

Al-Shabaab oo weeraray Saldhig ku yaal Gobolka Jubbada Hoose & dagaal ka dhacay

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa wa xaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Sal dhiga degaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose, halk aas oo ay ku sugan yihiin Ciidamada do wlad da Soomaaliya & kuwa Daraawiishta Jubbaland.

Dagaal kooban oo geystay khasaaro kala duw an ayaa degaan ka Baar-sanguuni ka dhacay, waxaana dadka degaanka qaarkood ay shee geen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Millateriga ee ka howlgalla degaannada Jubbaland ayaa shee gay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhi naca Ururka Al-Shabaab, isla markaana khasa aro ay ku gaarsiiyeen dagaalkii ay la galeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaar aya degaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubb ada Hoose ayaa sheegaya in xaalada ay tahay mid degan marka laga reebo dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo ay wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya & kuwa Daraawiishta Jubbaland.

Puntland oo eedeyn culus u jeedisay FARMA AJO iyo madaxda sare ee dowladda

Wasiirka Amniga maamulka Puntland, Cab disamad Maxamed Gallan ayaa dowladda fede raalka, gaar ahaan madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, Farmaajo ku eedeyay inay wadaan bur-burinta Puntland.

Waxa uu sheegay in madaxda sarre ee dowladda waqt igeeda uu dha maaday ay dhaq aale badan ku bixineyso sidii loo fashilin lahaa xukuumadda maamulka Puntland, oo ayadu muddooyinkii da mbe uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyay.

Wasiirka oo ka hadlayay kulan ka dhacay Ga roowe ayaa sidoo kale waxa uu xusay in dow ladda federaalka ay rabshado ka abuureyso gu daha Puntland, islamarkaana ay kicin dadweyne iyo iska hor keen ka wadaan, sida u shee gay"Waxaad ka wada dheregsan tihiin in magaalooyinka amniga ah oo ay ugu dambe eysay magaalada Dhahar inay isku dayeen inay falqalalo ka abuuran, inay dadka kiciyaan isk ana horkeenaan, inay baraha bulshada ku muuj iyeen wixii ka dhacay dhahar in ay yihiin in dad lagu xad-gudbay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu wasiirku ku eedeyay ma daxda dowladda federaalka inaysan ka hadlin weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen xabsiga Dhexe ee magaalada Boosaaso, taasi bedelkee dana ay deegaanada Puntland ka wadaan aba abulka qalaalaso.

Wasiir Gallan ayaa ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay in dowladda federaalka aysan ku socon dhabadii saxda aheyd, isla mar kaana aysan xiligan ku howlaneyn xal u helista doorashada, oo dadaaladeeda laga wado maga alada Muqdisho.

Si kastaba, hadalkaan ayaa imanaya xili ay dhawaan dowladda si weyn u dhaliishay ban aanbax la fahamsan yahay inay ka dambeysay oo ka dhacay Puntland, ayada oo xusid mudan tahay in dad si nabdoon ugu banaanbaxayey Muqdisho ay rasaas ku furtay bartanka bishii Febraayo.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgal qorsheysan fuliyay

Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan qeybta 60aad ayaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa saacadihii la soo dha afay ay ka fuliyeen degaano ka tirsan dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Ciidamada ayaa sigaar ah waxaa ay how lgallada uga fuliyeen wadada xiriirisa Degaanka Deynuuney iyo Magaalada Baydhabo ee Xar unta Gobolka Baay, halkaas oo mararka qaar ay weeraro ka dhacaan.

Taliyaha Guutada 8aad Qe ybta 60aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashanle Maxa med Nur Maxamed (Mad dheere) ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii looga hortegi lahaa weeraro ay mararka qaar Al-Shabaab ka fuliyaan wadada xiriirisa Degaanka Deynuuney iyo MagaaladaBaydhabo.

Taliyaha ma sheegin waxyaabo lagu soo qabtay howlgalka, hayeeshee uu sheegay in am niga Guud ee wadadaas lagu xaqiijinayay, wax aana jiray in howlgalka uu barbar socday ho wlgal kale oo miinooyinka lagu baarayay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa inta badan howlgallo kala duwan ka sameeya qaar ka mid ah degmooyinka dalka, iyaga oo mar arka qaar weeraro kala kulma xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Wefdi ka socday Q/midoobey oo Shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb

Waxaa Shalay Magalada Dhusamareeb ee Caasimad Galmudug garay wafdi balaaran oo uu Hoggaaminayo, madaxda iskuxirka arimaha gargargarka somalia ahna Kuxigeenka madaxa qara mada midoobay ee Soomaaliya Adam Abdul mowla iyo u qaabilsanaha hey’addaha Caafimaadka aduunka ee Soomaaliya Dr Malik.

Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb waxaa wafdigan ku qaabiley Wasiiro ka tirsan Gal mudug sida Wasiirka Caafimaadka Dr. Abdiwali Abdulahi Jaamac, madaxda Wasaaradda Gar gaarka iyo Mas’uuliyiin kale iyadoo intaa kadib loo soo gudbiyey Guddaha Magaalada Dhuus amareeb oo ay kulan kula qaateen Madaxw ayne Kuxigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Wafdigan ayaa si rasmi ah u daah furay Ma shruuc Hey’adda Caafimaadka aduunka ay Isb itaalka Xanaano ee Dhuusamareeb kaga hirga lisey nidaam koronto oo Tamarta qoraxda u bad alaya awood dab keydin oo suuragalisey in isb itaalku helo dab ku filan, isagoo si gaar ah u da booley baahida loo qabey Mishiinada neefta si iya bukaanada oo hore isbitaalkan Hey’adda ugu wareejisay.

Galmudug oo xukun ku ridday 31-ruux oo Ajaanib ah laguna eedeeyay..

Maxkamada Gobolka Mudug ayaa ganaax min 700 boqol oo doolar ku riday 31 ruux oo si sharci daro uga kalluumeysanayay Biyaha xee baha udhaxeeya Magaalooyinka Xaradheere iyo Hobyo ee gobolka Mudug ee maamulka Ga lmudug.

Sidoo kale waxaa lagala wareegay doomihii iyo qalabkii ay wat een ee ay ku kall uumeysanayeen, waxaana ay kasoo jeedaan dalka Yem en.

Guud ahaan Kalluumeystadaan Ajaanibta ah ee la qabtay ayaa ka koobnaa 39 ruux hase’ ahaatee sideed ka mid ah ayaa ah Caruur sida ay ku dhawaaqday Maxkamaddu.

Markabkii ku go’doonsanaa Kanaalka Suweys oo lagu guuleystay in uu dhaqaaqo

Warar haatan soo dhacay ayaa waxay she egayaan in lagu guuleystay Hawlgalkii Markab kaasi looga jiidayey bartii uu ku xanibnaa 6-dii maalmood ee la soo dhaafay.

Hadal-qoraal oo uu Madaxa Maamulka ee Kanaalkaasi, Admiral Usaama Rabiic goor dhow soo saaray waxa uu ku sheegay in lagu guula ystay Hawlgalkii lagu jiidayey Markabkaasi oo uu culayskiisu dhan yahay 200,000 oo Tan.

Telefishinka NBC News iyo Xogta Dayax-gacmeedka ka timid ee ay Shabakadda la soc ota Maraakiibta ee MarineTraffic.com baahisay ayaa lagu xaqiijiyey inuu Markabka MV Ever Green uu ruqaansaday dhinaca Xeebra, isagoo ku wajahan Bartamaha Kanaalka.

Shirkadda loo soo soo kireystay Hawlgalkaasi waxay kaloo xaqiijisay inay Hawlgalkii ku guuleysteen, oo ay Markabkii ka ssaareen halkii uu ku xanibnaa.



Koox Hubeysan Oo Weerar Ku Dilay 7 Ruux

Tobaneeyo qof ayaa dhimatay ka dib markii weerar lagu soo qaaday magaalada Palma ee ku taalla waqooyiga dalka Mozambique, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhiga dalkaasi.

7 qof oo dadkaasi ka mid ah ayaa la di lay xilli ay isku dayayeen inay ka baxsadaan go ob Huteel ah oo ay ku go’doonsanaayeen, wa xaa sidaasi sheegay Omar Saranga.

Boqollaal qof oo kale oo isugu jira ajaaniib iyo dadka deegaanka ayaa sidoo kale wararka she egayaan in la soo badbaadiyo.

Magaalada Palma ayaa tan iyo Arbacadii wa xaa weerar ku hayay kooxo mintidiin ah oo halk aasi ka dagaalama.

Soomaali Dibadbaxyo Ka Dhigay Dalka Indonesia

Soomaalida degen waddanka Indonesia ayaa dibadbax ku sameeyey xarunta hay’adda qaxo otiga adduunka ee UNHCR ee magaalada Jakarta ee caasimadda dalkaas.

Soomaalida ayaa ka cabanaya arrimo ay ka mid yihiin in dalalka qaar ee reer galbeedka ay u ogolaadeen dib-u-dejin balse kadib kiisask ooda aan dib loo eegin, iyo in laga goostay ama laga yareey lacag kaalmo ah oo la siin jiray.

Soomaalidan ayaa dibad-baxyada waday mu ddo toddobaadyo ah, hase yeeshee waxaa lagu warramayaa inay sii yaraanayeen maalmihii teg ay.

185 Diidiin oo yaryar oo boorso lagu tahriibinayay oo la qabtay,

Howlwadeennada kastamyada ee Ecuador ayaa Axaddii waxa ay gacanta ku soo dhigeen 185 diidiin oo yaryar oo lagu soo cabbeeyay boors taas oo laga soo diray Jasiirada ha Gal ápagos ku na socotay dhul waynaha dalkaasi.

Diidiinka oo lagu xirxiray baco ayaa waxaa lagu helay baari taanka caadiga ah ee sida joogt ada ah looga sameeyo garoonka jasiiradda ee Baltra.

Toban ka mid ah diidiinkaasi waa ay dhinte en, saraakiisha ayaa sidaas sheegay.

Mid ka mid ah halista ugu wayn ee uu wajahayo diidiinka Galápagos ayaa ah ganacsiga sharci-darra ah ee ay ku dhaqaaqaan dadka xayawaan ka uruursada iyo suuqyada loo beecgeeyaba.

Diidiinka lagu qabtay garoonka Baltra ayaa waxaa loo malaynayaa in da’doodu ay ka yar tahay saddex bilood.

Saraakiisha la dagaallama ka ganacsiga sharci-darrada ah ee xayawaanaatka ayaa shee gay in diidiinka la qabtay uu midkiiba ugu kici lahaa in ka badan $5,000 (£3,600).

Waxaa la rumaysan yahay in kooxaha tahri ibinayay diidiinka ay bacda ugu xirxireen si aa nay u dhaqdhaqaaqin hasayeeshee qof ku shaqeynayay qalabka raajada garoonka ayaa shaki ka muujiyay waxa ku jiro boorsada sidaas ayaan lagu baaray.

Galapagos tortoises inside the suitcase they were discovered in Qalabka raajada garoonka ayaa lagu arkay waxyaabo laga shakiyay oo ku dhexjira boorsada kaddibna waa la baaray

A man puts tortoises seized during a search at an airport on a tray

Mid ka mid ah shaqaalaha xerada lagu xana aneeyo duurjoogta ee Galápagos oo gacan ka gaysanaya sidii si badqab ah diidiinkaas yaryar loogu xanaanayn lahaa

Boorsada ayaa waxaa garoonka keentay shirkad alaabaha daabusho taas oo sheegtay inay ku jiraan "haddiyado”, bayaan ka soo baxay garoonka ayaa lagu sheegay.

Illaa iyo hadda ma ay jirto cid arrintaasi loo xiray hasayeeshee waxaa su’aalo la waydiiyay qofkii u shaqeynayay shirkaddaas ee boorsada qabtay, waa sida bayaanka lagu sheegayee.

Wasiirka deegaanka ee Ecuador, Marcelo Mata, ayaa dhacdada ku tilmaamay dambi ka dhan ah dhaxalka dabiiciga ah ee duurjoogta iyo xay aw aanaatka dalka.

Geedo badan iyo xayawaanaat laga helo Gal ápagos ayaa ah kuwo jasiiradahaas u gaar ah, kuwaas oo ku yaal qiyaastii meel 1,000km (600 miles) ka baxsan xeebaha Ecuador ee Badwe ynta Pacific-ga.

Waxyaabaha aadka u caanka ahna waxaa ka mid ah diidiinka way nee Galápagos, kuwaas oo loo malaynayo in jasiiradahaas ay yimaad een saddex illaa afar milyan oo sanadood ka hor.

Xariga uu qofka ku mutaysan karo tahriibinta xayawaanaatka laga soo dusiyo Galápagos ay aa ah sannad illaa saddex sanadood oo xabsi ah.XIGASHO:BBCSOMALI

MAXUU YAHAY DALABKA CUSUB EE W/CAAFIMAADKA KASOO SAARTAY TALLAALKA COVID-19?

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku dal batay in loo midoobo ka hortagga cudurka Cor onavirus oo dhawaan dalka ku soo laba kacl eeyey, si doo kale la qaato tallaalka cusub ee cudurkaan.

Wasaaradda ayaa qoraalka ay soo saartay waxay Weriyaasha iyo culumada Soomaaliyeed uga codsatay inay bulshada u soo bandhigaan xaqiiqada dhabta ah ee tallaalka COVID-19 oo dhawaan Soomaaliya la keenay.

Sida lagu cadeeyey qoraalka wasaaradda Tall aalkaan ayaa laga faafiyey warar been abuur ah oo bulshada ku abuuray shaki weyn oo bad ankood ku kalifay in aysan is tallaalin.

"Culumadda dalka oo aan mar walba ku bog aadineyno dadaalka ay ka geystaan waciyg elinta ka hortagga COVID-19, waxaan ku dhii rigelinaynaa in ay sii koojiyaan dadaalkaan oo bulshada ay la wadaagaan halista uu leeyahay cudurka COVID-19,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda caafimaadka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku cadeysay in Saxaafadda madaxa-banaan iyo tan dowladda ay u aragta in doorweyn ay ku lee yihiin baraarujinta shacabka, isla markaana ay muhiim tahay inay ka hor-tagto wararka khaldan ee laga baahinaayo Tallaalka COVID-19.

"Warbaahinta waxaan ka codsanaynaa inay qaataaan mas’uuliyada ka saaran in ay soo xaqiijiyaan wararka aan xaqiiqda ahayn ee laga baahinaayo arrimaha tallaalka ee lagu khald aayo shacabka iyo aragtidooda, taas oo halis sii gelin karta xaaladda caafimaad ee guud ahaan dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Madaxda dalka, hoggaamiyeyaasha dhaqan ka, ururrada bulshada rayidka ah, sida haween ka iyo dhalinyarada, hey’adaha dalka gudahiis ka shaqeeya, culumada, warbaahinta iyo dadka kale ee bulshada saameyn ku dhex leh ayaa qoraalkan ka soo baxay wasaaradda caafima adka looga dalbaday inay ka qeyb qaataan wacyi-gelinta iyo ka hortagga COVID-19, isla markaana ay gudbiyaan xaqiiqada saxda ah ee Tallaalka.

Saacadihii u dambeeyey 187 qof oo qabta Coronavirus ayaa laga diiwaan geliyey Soomaa liya, sida lagu shaaciyey warbixinta maalin-laha ah ee wasaaradda caafimaadka, waxaana u dhi matay 14-ruux, halka 40 kale ay ka soo bogs adeen.

Madaxweynaha Pakistaan Oo Laga Helay Cudurka CORONVIRUS

Dowladda Pakistan ayaa sheegtay in Ma daxweynaha dalkaas Caarif Calawi laga helay Cudurka halista ah ee COVID-19, kadib markii Madaxweyna ha lagu sameeyay baaritaano kala duwan.

Madaxweyne Caarif oo Qo raal kooban bar tiisa Twitter-ka kusoo qoray waxaa uu ku sheegay in baaritaano lagu sameeyay lagu ogaaday inuu hale lay Cudurka COVID-19, isla markaana uu gal ay xaalad karantiil.

20-kii bishaan ayay eheed markii ra’iisal wasaaraha dalkaas Cimraan Khaan lagahelay Karoona Fayras, isagoo qaatay tallaalka looga hortago cudurkaan.

Mas’uuliyiinta kale ee laga helay cudurka waxaa ka mid ah wasiirka difaaca ee dalkaas.



 

KHILAAFKA NILE: MUXUU YAHAY NOOCA DAGAAL EE ITOOBIYA, MASAR IYO SUUDA AN DHEXMARI KARA?


Dalalka Itoobiya, Masar iyo Suudaan, oo aan illaa iyo hadda heshiis ka gaarin khilaafka biyo xireenka ayaa weli madaxa is kula jira, gaar ahaanna muddooyinkaan dambe.

Intaas waxaa sii dheer, ciidanka Suudaan waxay la wareegeen ga can ku haynta aagagga xudduudka barwaaqada ah ee dhulka beeraleyda Itoobiya oo ay sheegtay inay qayb ka yihiin dhulkeeda.

Suudaan iyo Masar waxay dhawaan gaareen heshiis tababar ciidan iyo iskaashi dhaqaale.

Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, wuxuu Talaadadii ka hadlay arrimaha biyo xieenka, wuxuuna yiri: "Itoobiya ujeedkeedu ma ahan in ay wax yeeleyso Masar ama Suudaan."

"Si kastaba ha noqotee, ma dooneyno in aan ku noolaano mugdi. Iftiinkeena ayaga ayaa ka faa'iideysan doono, oo ma ahan mid wax yeelo u geysanaya," ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in dhismaha biyo xireenka uu sii socon doono, sidoo kalena uusan waxyeello u geysan doonin labada dal.

Muxuu 3-da dal khilaaf ugu dhaxeeyaa? Ma biyo xireenka keliya baa mise wax kale ayaa jira?

Sudaan iyo xilligii Cumar Al-Bashiir

Cilmi-baare arrimaha Bariga Afrika oo fadhigiisu yahay London, oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Saciid Abu Haashim, ayaa sheegay in Sababaha rabshadaha keenay ay ka mid yihiin in la badalo mowqifka Suudaan.

"Suudaan iyo Itoobiya waxay isku mowqif ka ahaayeen webiga Niil. Isbedelka ku yimid mowqifka Suudaan waa mid aad uga duwan kii hore oo lama filaan ah," ayuu yiri.

Waxay tusaale u soo qaateen midnimo la'aanta dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Suudaan.

Falanqeeyayaashu waxay leeyihiin 'uma maleynayno in muranka xadka ee u dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan uu yahay mid sidaa u kala qeybsan'.

Sida uu sheegayo Cabduraxman, Ciidanka Suudaan waxay doonayeen in arrinta xuduuda loo adeegsado arrimaha gudaha, laakiin gudiga xadka labada dal ayaa si nabad ah ku xalin lahaa.

Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in Suudaan ay mowqifkeeda u badashay xaaladda haatan ka jirta wadanka awgeed.

Adam Kassie, oo ah falanqeeye siyaasadeed ee Bariga Afrika oo ku nool Netherland, wuxuu ku raacsan yahay Cabduraxman.

"Suudaan waxay isku mawqif ahaayeen Itoobiya, gaar ahaan xilligii dowladdii Al-Bashiir. Hadda waxaa dalka ka jirto dowlad rayid ah. Labada hoggaamiyena isku mowqif ma ahan," ayuu yiri Aadam.

Sida uu sheegayo falanqeeyaha, hoggaanka rayidka ah, ee uu hoggaamiyo ra'iisul wasaare Hamdock, wuxuu raadinayay mowqif la mid ah kan Itoobiya. Sikastaba, wuxuu sheegay "in ciidanka Suudaan ay xoojinayaan awoodooda, ka dib xiisadii ka jirtay gobolka Tigray."

"Waxaan u maleynayaa in bulshada rayidka ah ay u maleyn eyso in ay hadda si fiican uga soo bixi karaan wadahadalada," ayuu yiri.

Labada falanqeeye ayaa qiyaasaya in muranka xadka Itoobiya iyo Suudaan uu horseedi karo wareeg cusub oo wadahadallo ah oo ku saabsan biyo xireenka.

Ka dib isbadalkii Suudaan ka dhacay, waxay heshiisyo kala duwan la gashay Marsar, sidaa darteed marka la eego Suudaan iyo Masar yaa faa'iido badan ku qabo heshiiskaas?

Dr. Adam wuxuu sheegayaa in xaaladda hadda aysan ahayn oo kaliya biyo xireen laakiin sidoo kale waxay ka jirtaa xadka. Sidaas darteed, Suudaan waxay hadda rumaysan tahay in aysan doonayn in ay arrinta u kala saarto biyo xidheen iyo xudduuda.

Dagaal dhab ah ma dhici doonaa?

Dr. Adam wuxuu sheegay in ay ka walwalsan yihiin in dagaal uu ka qarxo adeegsiga biyaha webiga Nile.

Xitaa haddii uusan jirin rabitaan ah in dagaal la galo, waxaa jiri karo xisaab-xumo, waxaad isweydiineysaa waxa qolada kale sam eyn karto, haddii aanan la hayn macluumaad dhameystiran.

Waxaa la qaadi karaa tallaabo qaldan, marka sidaa darteed waxy aabaha aan ka cabsi qabo ayaa ah in tallaabooyinkaas khaldan ay xaaladda faraha ka sii bixiso.

Adam wuxuu intaas ku daray in labada dal [Itoobiya iyo Suud aan] aysan haatan dagaal doonayaan, sababtoo ah waxaa jiro dhibaatooyin gudaha dalalkooda ka dhex taagan.

"Waxaan u maleynayaa in qaladaad la sameyn karo xitaa haddii aysan dan ka laheyn dagaal," ayuu yiri.

Cabduraxman ayaa dhankiisa sheegay in uu rumeysan yahay in dagaal toos ah bilaaban karin.

"Haddii aad is tiraahdo qiyaas, waxaa laga yaabaa in aan dhahdo in boqolkiiba 50 ama ka yar. Uma maleynayo in ay jirto rabitaan ah in dagaal la galo xilligan, laakiin in hal wadan cadaadis la saaro waa suuragal."

Dagaal noocee ah ayuu noqon karaa?

Wuxuu sheegay in haddii Suudaan iyo Itoobiya uu dagaal culus ku dhexmaro xadka, in Masar waxay si toos ah u taageeri karto Suudaan.

Si kastaba ha noqotee, wuxuu intaas ku daray, "Ma aaminsani in Suudaan ay awood u leedahay dagaal, xitaa marka ay xasilloon tahay, ama sida ay hadda tahay."

"Marka Suudaan wax faa'iido ah kamaheleyso dagaalka. Laakiin haddii dagaalka uu dhici waayo, Suudaan iyo Masar wey wada joogi doonaan. Dowlada Ereteriya waxay hadda xiriir la leed ahay dowlada Itoobiya. Heshiiska labada dal wuxuu gaari doonaa heer illaa iskaashi dhanka amaanka ah."

Aadam, dhankiisa; Wuxuu sheegayaa in ay adag tahay in la qiyaaso waxa dhici doona "dagaalka ka dib".

"Haddii Masaarida ay rumeysan yihiin in dagaalka uu lagama maarmaan yahay, dalkooda ayay gantaallada ka soo ridi karaan. Waxay sidoo kale Suudaan ka caawin karaan xoog iyo hub markii loo baahdo. Haddii ay aaminaan in ay lagama maarmaan tahay, waxay garaaci karaan biyo xireenka."

Laakiin Adam wuxuu rumeysan yahay in dowladda Eritrea ay la safan karto Itoobiya.

"Maaddaama ujeeddada ugu weyn ee dawladda Ereteriya ay tahay in la burburiyo kooxda TPLF, dawladda Itoobiya ma rabto in dareenkeedu u ekaado Suudaan ama dal kale. Ereteriya waxay

dooneysaa in ay nabad la gasho Suudaan sida ugu macquulsan."

                                     

                                                            MUUQAAL TUSINAYA SIDA CANUG YAR OO SHAN JIR AH

 

Kaamarada ku rakiban dhar ka askari booli s Ameerikaan ah ayaa muujisay askar boolis ah oo katiinadaynaya wiil yar oo shan jir ah oo ooyaya oo ka soo cararay iskuulkiisa.

Muuqaalka, oo booliska Maryland ay Jimcihii baahiyeen, ayaa tusinaya laba askari oo wiilka hooyadii ku leh "waa inaad garaacdaa" canugan.

Dhacdadan oo la diiwaangeliyay bishii Janaayo ee 2020 ayaa haatan wiilka hooyadii waxa ay la beegsanaysaa maxkamadda.

Qareennadeeda ayaa waxa ay ku andacoodeen in wiilka ay dhibaato maskaxeed soo gaartay.

Askarta ka tirsan waaxda booliska ee deegaanka Montgomery ayaa waxa ay canuga ka heleen meel dhowr waddo ka fog iskuulkii uu dhiganayay, kaamerada dharka ku xiranna waxa ay muujinaysaa canuga oo ka ooyaya qeybta dambe ee gaariga xilli iskuulkiisa lagu celinayay.

Askarta ayaa iskuulka u raacay canuga iyo mid ka mid ah shaqaalaha iskuulka. Haweeney askariyad ah ayaa la maqlayaa iyadoo oronaysa, "taasi waa sababta ay tahay in dadku ay carruurtooda garaacaan."

Gudaha xafiiska kaaliyaha maamulaha iskuulka, ayuu canugu bilaabayaa inuu kor u ooyo muuqaalkana waxa uu muujinayaa mid ka mid ah askarta oo canuga toos ugu qaylinaya.

"Aamus oo qaylida jooji!" askariga ayaa leh. "Waxaan jeclaan lahaa in hooyadaa ay ii ogolaato inaan ku garaaco."

Markii dambe waxaa iskuulka timid wiilka hooyadii, muuqaalkana waxa uu muujinayaa labada askari oo ku dhiirigelinaya inay wiilkeeda garaacdo.

"Waxaan doonaynaa inaad garaacdid," askari ayaa sidaas ku leh. Hooyada ayaa ku jawaabaysa inay ka walaacsan tahay in xabsiga loo taxaabo, hasayeeshee askari ayaa ku jawaabaya: "Xabsi kuma mutaysanaysid inaad canugaaga garaacdid."

Askari ayaa markaas kaddib canuga ku hor katiinadaynaya hooyadii, oo waxa uu wiilka ku leeyahay: "Ma garanaysaa waxa loogu talagalay katiinadahan? Waxaa loogu talagalay dadka aanan garanayn sida wax loo dhagaysto iyo weliba sida ficil loo sameeyo."

Askariga ayaa daqiiqad kaddib katiinadda wiilka ka furaya. Will Jawando oo ka tirsan xubnaha Golaha Deegaanka Montgomery oo ah ninka dalbaday in muuqaalka la baahiyo ayaa sheegay in muuqaalkaas uu "walaac galiyay", waxaa sidaasi ku warramay wargRNeysa the Washington Post.

"Waxaynu dhamShalayyo aragnay wiil yar oo lagu ciyaarayo, oo la sharafdilayo, misana lagu riday qeybta dambe ee gaariga booliska, oo ku ooyaya xabadka askari boolis ah, oo waxyar uun u jira wajigiisa. Taasi waa tacadi," ayuu yiri.

Bayaan ka soo baxay mas'uuliyiinta iskuulka deegaanka Montgomery ayaa muuqaalka waxaa lagu tilmaamay "mid ay aad u adag tahay" in la daawado.

"Wax sharciyad ah dadkaas waa wayn uma haystaan inay canuga sidaas ula hadlaan ama ay qaabkaas canug u handadaan," ayaa bayaanka lagu yiri.

Waaxda booliska deegaanka Montgomery ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in labada askari la marsiiyay baaritaan gudaha ah, iyadoo wixii lagu ogaaday baaritaankaasna aanan la shaacin. Sidoodii caadiga aheyd ayey u shaqeeyaan, ayey waaxdu tiri.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in baaritaanka noocaas oo kale ah uu yahay wax sir ah marka la fiiriyo sharciga Maryland sidaas daraadeedna aanay waxba ka sheegayn xogta la ogaaday.

Wiilka hooyadii ayaa waxa ay maxkamad gaynaysaa maamulka Deegaanka Montgomery, labada askari ee booliska ah, iyo guddiga waxbarashada ee deegaankaasi.

BOGGA CAYAARAHA

RB Leipzig Oo Ka Hashay Xaqiiqada Wararka Sheegaya In Ay Liverpool Ku Dhawdahay Saxiixa Ibrahima Konate

Agaasimaha isboortiga RB Leipzig Markus Krosche ayaa beeniyay in kooxdu ay ku dhowdahay in-ay xagaagan ka iibiso Liverpool daafaceeda Ibrahima Konate.

Daafaca dhexe ee reer France ayaa si weyn loola xidhiidh-inayay kooxda Jurg-en Klopp kuwaas oo doonaya in ay xooj-iyaan daafacooda marka la gaadho su-uqa kala iibsiga xag-aaga.

Wargayska The Athletic ayaa Isniintii qarxiyay in ay Liverpool wadahadalo horumar leh kula jirto si ay ula saxiixato daafaca dhexe ee Konate laakiin kooxda RB Leipzig ayaa biyo qabaw ku shubtay warkaas.

"Waxba kama odhan karo mawduuca, waxan u malaynayaa in ayna arintu ahayn dookha Ibu, waxa uu kooxda kula jiraa heshiis wakhti fog ah waxana uu ogyahay in ay kooxdu jeceshahay”ayuu Krosche u sheegay Stats Perform News.

"Sanadkii hore waxa uu noqday mid nasiib xun waxana uu ku maqnaa dhaawac muddo dheer laakiin waa xiddig fician waxana uu muhiim u yahay kooxdeena”.

"Waxa aan doonaynaa in aan horumarino waxana uu ka mid yahay kooxdeena fiican sidaas darteed ma arko sabab uu u tagayo”ayuu sii raaciyay.

AFRICA CUP OF NATIONS - QUALIFICATION: GROUP B

Malawi 1 - 0 Uganda

Burkina Faso 1 - 0 South Sudan

AFRICA CUP OF NATIONS - QUALIFICATION: GROUP D

Angola 2 - 0 Gabon

DR Congo 1 - 0 Gambia

AFRICA CUP OF NATIONS - QUALIFICATION: GROUP G

Egypt 4 - 0 Comoros

Togo 1 - 2 Kenya

AFRICA CUP OF NATIONS - QUALIFICATION: GROUP H

Algeria 5 - 0 Botswana

Zimbabwe 0 - 2 Zambia




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip