Muxuu Yahay Qodobka Ay Isku Fahmi Waayen Madaxda M/Goboleedyada?

0
Tuesday March 30, 2021 - 08:47:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Yahay Qodobka Ay Isku Fahmi Waayen Madaxda M/Goboleedyada?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Shirar afartii maalmood ee lasoo dhaafay u socday Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka ayaa waxaa la sheegay in wax hormar laga gaarin mid kamid ah Qodobada ay Madaxda siweyn uga hadlayeen.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in shanta Madaxweyne dowlad Goboleed isku fahmi waayeen qodobka ajandaha shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee ka dhacaya Teendhada Afisyooni.

Axmed Qoorqoor, Cabdicaiis Lafta-gareen, Cali Guudlaawe, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa isla gartay oo kaliya in Ciidamada AMISOM ay sugaan amniga goobta uu ka dhacayo Shirka guud ee Madaxda ee looga hadlayo doorashada dalka ka dhaceysa.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa weli ku adkeysanaya in shirka uu noqdo mid loo dhan yahay oo ay ka soo qeyb galaan Saamileyda siyaasadda sida Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Maalinta ayaa lagu waday inuu Magaalada Muqdisho gaar ahaan Teendhada Afisyooni uu furmo Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada, hayeeshee shirkaas ayaa u muuqda mid dib u dhac uu yimid.

Shalay ayey markii Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka ay wada hadleen khilaafka doorashada iyo sidii uu furmi lahaa Shirka Madaxda, iyadoona Beesha Caalamka ay maamulada ku boorisay sidii wadadida kulamada.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip