Xildhibaanadii laga mamnuucay fadhiyada baarlamaanka oo si la yaab leh uga falceliyay go'aankii guddoomiye Mursal

0
Sunday March 28, 2021 - 08:35:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanadii laga mamnuucay fadhiyada baarlamaanka oo si la yaab leh uga falceliyay go'aankii guddoomiye Mursal

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

      Qaar ka mid ah xildhibaanadii laga mamnuucay fadhiyada baarlamaanka fedraalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadklay warqadda ka soo baxday guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

      Xildhibaanada ayaa sharci darro ku tilmaamay warqadda ka soo baxday guddoonka,iyaga oo ku eedeeyay in uu ku takrifalayo awoodda guddoonka golaha shacabka.

     Qaarkood ayaa sheegay in sababta looga joojiyay fadhiyada baarlamaanka ay tahay in ay shalay ka hortageen inqilaab iyo muddo kororsi aan sharci aheyn oo loo sameynayay madaxweynaha iyo hay’adaha Dastuuriga ah oo muddo xileedkoodu dhammaaday.

Halkaa Ka Akhriso Falcelinta Xildhibaanada laga mamnuucay fadhiyada baaarlamaanka

Mahad Salaad

     Maxamed Mursal wuxuu kulansaday garasho la’aan sharciyadeed iyo garaad yari siyaasadeed. Fidnada uu ka talinayana cawaaqib xumada ka dhalata isaga ayaa si shakhsi ah u qaadaya mas’uuliyadeeda!

C/llaahi Maxamed Nuur

      Sharaf iyo karaamo ayey inoo ahayd aniga iyo sxbada halkaan ku xusan iyo kuwa aan ku xusnayn ee maanta ku guulastay in ay fashiliyaan muddo kororsiga ay doonayeen kuwa matalaadi shacanka ku iibsaday sanbuuska ee uu hormuudka u ahaa Maxamed Mursal oo ku shaqayna fikirka guracan ee Farmaajo, waxaana aaminsanahay in aan marna dalkaan ka hirgeli doonin mudo kororsi waana ku hungoobi doonaan, Balse wixi dhacay maanta waxaa ay shacabka bareen wejiyada runta ah ee Farmaajo iyo Mursal, sidoo kale Waxaan shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in aan marna warqadani naga hor istaagi doonin gudashada waajibaadkeena.

Xildhibaanadii laga mamnuucay fadhiyada baarlamaanka oo si la yaab leh uga falceliyay go’aankii guddoomiye Mursal




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip