DIGNIIN !! Sir Alex Ferguson Oo Uga Digay Pep Guardiola Nolosha Premier League Laakn Guul U Rajeeyay, Muxuuse Ka Yiri In Leicester Hanato Horyaalka Iyo Jawaabta Uu Bixin Lahaa Hadii

0
Thursday March 31, 2016 - 11:47:05 in Sports News by
  • Visits: 641
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DIGNIIN !! Sir Alex Ferguson Oo Uga Digay Pep Guardiola Nolosha Premier League Laakn Guul U Rajeeyay, Muxuuse Ka Yiri In Leicester Hanato Horyaalka Iyo Jawaabta Uu Bixin Lahaa Hadii

    Macalinkii halyeeyga ahaa ee ree Scotland iyo kooxda Manchester United ee Sir Alex Ferguson ayaa ku soo dhaweeyay horyaalka ingiriiska macalinka kooxda Bayern Munich ee Pep Guardiola kaasoo xili ciyaareedka danbe maamuli doono kooxda Man City laakin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macalinkii halyeeyga ahaa ee ree Scotland iyo kooxda Manchester United ee Sir Alex Ferguson ayaa ku soo dhaweeyay horyaalka ingiriiska macalinka kooxda Bayern Munich ee Pep Guardiola kaasoo xili ciyaareedka danbe maamuli doono kooxda Man City laakin uga digay dhibka horyaalka ingiriiska.

Wareysi uu siiyay Sky Sports ayuu ku yiri Sir Alex Fergie "Su’aal la’aan Pep wuxuu leeyahay heer shaqo oo aanan caadi aheyn, cid waliba oo rabta ineysan si adga u shaqeyn oo joogta City ma waari doonto, wuxuu leeyahay awoood tababar oo aad u weyn, shaki kuma jiro taas”.

"Man City shaqo adga ayeey qabatay si ay isaga u hesho laakin Pep sahal kuma qabsan doono horyaalka ingiriiska, macalin waliba oo ajnabi ah oo halkaan yimaada wuxuu arkaa dhibta horyaalkaan, Arsene Wenger ayaa qirtay markii uu halkaan yimid bilowgii, xitaa Jose ayaa arkay dhibtaas”.

 

Miyeey Leicester qaadi kartaa horyaalka maxaase u sahlaya? "Haa, waxay xaq u leeyihiin iney qaadaan, waxaan u sahlaya waa iney yihiin dad wada shaqeeya oo ay yihiin koox dhameystiran, aniga waxaan xusuustaa inaan sideed jeer ku adkaanay 0-1 horyaalkana aan qaadnay iyagana hada waxay ku socdaan wadadii”.

Maxaa jawaab ah uu bixin lahaa haduu ahaan lahaa macalinka United ama koox kale oo weyn ?"Waxaan filayaa in kooxaha waa weyn ay jawaab bixiyaan xili ciyaareed waliba waxay koox waliba is dhihi doontaa maxaa idiin diidaya inad horyaalka qaadaan ? Markii ay soo if bexeen Chelsea iyo Jose waxay duufaan ku qaadeen horyaalka waxaana dhacday inaan jawaab ka bixino guulihii ay gaareen labadii xili ciyaareed ee u horeeyay, waxaana bixin lahaa jawaabtaasoo kale”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip