Taliyaha Ciidamada Dhulka Oo Amar Siiyay Ciidamada Gor-Gor

0
Sunday March 28, 2021 - 08:25:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidamada Dhulka Oo Amar Siiyay Ciidamada Gor-Gor

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

       Taliyaha Ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa gelinkii dambe ee shalay oo sabti aheyd kormeer ku tegay Xarunta Taliska guutada Gor-gor ee xero damaanyo.

Taliye Maxamed Tahliil ayaa Saraakiisha Ciidamada Gor-gor ee xoogga dalka Soomaaliya kuna sugnaa xero damaanyo ka dhageystay warbixinno ku aadan Ciidamada iyo howlgalada ka socda dalka.

     Sidoo kale Taliyaha Ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa Ciidamada Gor-gor ee dowladda ku amray inay u diyaar garoobaan howlaha Qaran ee horyaala.

     Ciidamada Xoogga ayaa deegaano kala duwan oo ka tirsan Gobolada dalka ka wada howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana Al-shabaab iyo Ciidamada dhexmaray dagaalo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

      Dowladda Turkiga ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ka taageerta tababarada Ciidamada Gor-gor, waxaana todobaadyadii ugu dambeeyay dalka soo gaarayay Ciidamo badan Gor-gor ah oo lagu soo tababaray dalka Turkiga.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip