Sheekh Shariif Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Qoorqoor Iyo Cali Guudlaawe

0
Sunday March 28, 2021 - 07:56:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Shariif Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Qoorqoor Iyo Cali Guudlaawe

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

     Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

     Kulanka oo ka dhacay hoyga Shariifka ayaa waxa looga hadlay Arrimaha doorashada dalka ka dhacaya iyo sida loo xalin karo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada oo aan weli wax heshiis rasmi ah laga gaarin.

     Inta uu socday kulanka looga arrinsaday sida Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe ay qeyb uga noqon lahaayeen dadaalka lagu doonayo in dalka ay uga dhacdo doorasho heshiis lagu wada yahay oo si xor ah u dhacda.

    Kulanka dhexmaray Sheekh Shariif iyo labada Madaxweyne maamul ayaa waxa ka qeyb galay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, RW hore Kheyre iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

     Shalayn ayey aheyd markii Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ay ka qeyb galeen shir u furmay Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka, iyagoona u gudbiyay tabashooyinka ay ka qabaan doorashada iyo sida lagu xalin karo khilaafka taagan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip