Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo & Faah faahin laga helayo

0
Saturday March 27, 2021 - 22:01:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo & Faah faahin laga helayo

    Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Bar-koontorool oo Ciidam o ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihin duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka ayaa waxaa uu ymid kadib markii sida l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Bar-koontorool oo Ciidam o ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihin duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka ayaa waxaa uu ymid kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan AL-Shabaab ay weerareen Bar-koontorool oo Ciidamada jubbaland ku leeyihiin buundada Dariiq ee duleedka Kismaayo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan saacad socday. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay, hayeeshee ay sheegeen in sirasmi ah u xaqiijin karin dadka ku waxyeeloobay dagaalkaas. Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyada weerarkaas, waxaana warar lagu daabaay Baraha Internet-ka ee taageera lagu sheegay in weerarkaas ay ku qaadeen Barta Koontorool lagu dilay laba Askari. Saraakiisha Ciidamada Jubbaland weli wax faah fahin ah dagaalkaas kama bixin, waxaana uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Ciidamada Nabadsugida Jubbaland holwgal ay duleedka Kismaayo ka sameeyeen ay kusoo qabteen madaxii Macluumaadka MShabaab ee aaga Kismaayo Ugaas Aadan Mohamed (Dhakalow)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip