Ciidamada Kenya oo toogtay 5 ruux

0
Saturday March 27, 2021 - 21:58:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Kenya oo toogtay 5 ruux

    Warbaahinta dowladda Kenya ayaa baahisay in Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kenya ay toogteen Shan ruux oo lagu eedeeyay inay dil geysteen, xili ay doonayeen inay baxsadaan. Dadka ay ciidamada Kenya togteen ayaa ku sugnaa Magaalada Mombasa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta dowladda Kenya ayaa baahisay in Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kenya ay toogteen Shan ruux oo lagu eedeeyay inay dil geysteen, xili ay doonayeen inay baxsadaan. Dadka ay ciidamada Kenya togteen ayaa ku sugnaa Magaalada Mombasa, waxaana laamaha amniga ay sheegeen in xogo ay ka heleen Shacabka u qaadeen howlgalka lagu dilay 5 ruux ee lagu eedeyay dilka. Taliyaha Booliiska Nyali Daniel Mumasaba ayaa sheegay in howlgalkan uu dhacay Maanta oo sabti ah, isla markaana ragga la toogtay ay ahaayeen kooxo burcad ah oo dadka Magaalada Mombasa ay cabasho ka muujinayeen. War-saxaafadeed kasoo baxay Laamaha ammaanka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in todobaadyadii la soo dhaafay uu socday howlgalka ka dhanka ah Burcadda ayna sii socon doonaan ilaa laga sifeeynayo Magaalada Mombasa iyo degaannada ku dhow dhow. Kenya ayaa waxaa ay xilligaan dagaal kula jirtaa Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro qorsheysan ka fuliya degaano ka tirsan gobolka Waqooyi bari iyo Kooxo Burcad ah oo dadka dhac u geysanaya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip