Goolhaye Petr Cech Oo Qirtay In Uu Soo Gaadhay Waqtigii Uu Ka Fiirsan Lahaa Ka Fadhiisiga Waajibaadka Xulka Qarankiisa Czech Republic

0
Thursday March 31, 2016 - 11:43:35 in Sports News by
  • Visits: 980
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goolhaye Petr Cech Oo Qirtay In Uu Soo Gaadhay Waqtigii Uu Ka Fiirsan Lahaa Ka Fadhiisiga Waajibaadka Xulka Qarankiisa Czech Republic

    Goolhayaha kooxdaArsenal iyo xulka qaranka Czech Republic ee Petr Cech ayaa qirtay in la soo gaadhay waqtigii uu ka fiirsan lahaa in uu ka fadhiisto waajibaadka xulka qarankiisaCzech Republic oo uu door muhiim ah ku lahaa tan iyo markii uu kulankiisi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goolhayaha kooxdaArsenal iyo xulka qaranka Czech Republic ee Petr Cech ayaa qirtay in la soo gaadhay waqtigii uu ka fiirsan lahaa in uu ka fadhiisto waajibaadka xulka qarankiisaCzech Republic oo uu door muhiim ah ku lahaa tan iyo markii uu kulankiisii kowaad u saftay sanadkii 2002.Petr Cech ayaa doonaya in uu waayihiisa ciyaareed inta ka hadhay uu diirada ku saaro kooxdiisa Gunners.

Petr Cech ayaa xulka qarankiisaCzech Republic ku soo qaatay waayo ciyaareed oo aad u fiican iyada oo dhawaan markii sideedaad oo xidhiidh ah loo doortay xidigii ugu fiicnaa xulka qarankiisaCzech Republic oo uu sanadkii 2004 kii u horseeday afar dhamaadkii Euro 2004 kii.Cech (black shirt) and the Czech Republic team line up ahead of their Euro 2004 quarter-final against Denmark

33 jirkan ayaa xulka qarankiisaCzech Republic u saftay 108 kulan isaga oo sanadkii 2007 kii loo doortay kabtanka xulka qarankiisaCzech Republic, wuxuuna xulka qarankiisa ka soo ciyaarayay muddo 14 sano ah.Goolhayahan khibrada badan leh ayaa doonaya in uu ciyaaraha heerka caalami ka fadhiisto marka uu soo dhamaado tartanka qaramada Yurub ee euro2016 oo dhamaadka xili ciyaareedkan ka bilaaban doona dalka France.Cech poses 2015 Czech Footballer of the Year trophy- he has now won the award a record eight times

Tartanka xidiga ee uu Petr Cech ka ciyaari lahaa marka laga soo tago tartanka qaramada Yurub waxa uu noqon doonaa 36 sano jir, sidaa daraadeed waxaa u muuqata in tartanka qaramada yurub ee Euro2016 uu noqon doono tartankii ugu danbeeyay ee uu xulka qarankiisa matali doono.Arsenal goalkeeper Petr Cech admits that he's considering giving up international football after Euro 2016

 

Petr Cech oo ka hadlayay in uu ka fadhiisan doono xulka qarankiisa ayaa yidhi:"Anigu hadda waxaan noqonayaa 34 sano jir, waxaana la soo gaadhay waqtigii aan anigu tixgalin lahaa arintan, waxaan ka fikirayay miyayna ahayn waqtigii kadib 14 sano oo aan kooxda xulka qaranka ku soo jiray in aan jabtankaas soo xidho?”
.He has been a key feature for Czech Republic but plans to dedicate his focus to his club career with Arsenal
Cech oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:"Inkasta oo ay xili hore tahay in la sheego, waxaan ku xisaabtamayaa suurtogalnimada, aniguna ma sii da’yaraanayo. Ugu danbayn waxaad gaadhaysaa goobta waayahaaga ciyaareed marka uu waqtigu yimaado waxaanad dooranaysaa jiho kale, arintaasina waxay inan doontaa kadib Euro2016ka”.
Cech sustained a calf muscle injury earlier in March forcing him to miss the recent international matches

 

 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip