Xildhibaan Jeesow " Waa suurtogal in Maanta Kulanka Golaha lagu daro mooshin la xiriira muddo kordhin"

0
Saturday March 27, 2021 - 21:56:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Jeesow " Waa suurtogal in Maanta Kulanka Golaha lagu daro mooshin la xiriira muddo kordhin"

    Waxaa lagu wadaa in Goordhow Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho uu ka furmo kulanka Golaha Shacabka, kaas oo Ajanhisiisa uu yahay ka hadlida cudurka COVID-19, balse uu hareeyay guux la xiriira muddo kordhin. Inta ugu badan Xildhibaannada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa lagu wadaa in Goordhow Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho uu ka furmo kulanka Golaha Shacabka, kaas oo Ajanhisiisa uu yahay ka hadlida cudurka COVID-19, balse uu hareeyay guux la xiriira muddo kordhin. Inta ugu badan Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa kulanka xaadiray, waxaana la filayaa in uu gordhow uu furo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh cabdiraxmaan. Xildhiban Daahir Amin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka oo warbaahinta kula hadlay Xarunta Golaha ayaa sheegay in Ajandaha Maanta ee Kulanka uusan kujirin wax la yiraahdo muddo kordhin, hayeeshee ay suurtogal tahay in lagu soo daro. " Maanta wax laga hadlaayo oo muddo kororsi ah majirto, balse hadii 10 Xildhibaan ay mooshin ku keenaan waa la arkayaa, waana suurtogal baarlamaan ayaan nahay inay xildhibaano keenan mooshin muddo kororsi ah ayuu yiri" Xildhbaan Jeesow. Kulanka Maanta ee Golaha Shacbaka ayaa Maanta ah mid xasaasi ah, waxaana isha ku haaya Shacabka Soomaaliyeed iyo dadka falanqeeya arrimaha Siyaasadda Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip