War Deg Deg ah: 15 Xildhibaan oo laga mamnuucay fadhiyada Golaha Shacabka

0
Saturday March 27, 2021 - 19:11:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg ah: 15 Xildhibaan oo laga mamnuucay fadhiyada Golaha Shacabka

    Ilo ku dhow dhow Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegaya in Guddoomiyiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal uu saxiixay qoraal ka dhan ah qaar kamid ah Xildhibaanada. Gudoomiyaha ayaa saxiixay in ilaa 15 xildhibaan aanay ka soo qaybgeli karin Kulank

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilo ku dhow dhow Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegaya in Guddoomiyiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal uu saxiixay qoraal ka dhan ah qaar kamid ah Xildhibaanada. Gudoomiyaha ayaa saxiixay in ilaa 15 xildhibaan aanay ka soo qaybgeli karin Kulanka Baarlamaanka ee Isniinta soo socota., isaga oo ku eedeeyay iney carqaladeeyeen kulankii maanta ee looga hadli lahaa COVID-19. Magacyada Xildhibaanadan ayaan wali la shaacin balse waxey u badantahay iney yihiin kuwa ugu tunka weyn Xildhibaanada Mucaaradka ee ku mideysan madasha Badbaado Qaran. Xildhibaanad magacyadooda ayaa la dhigay albaabada laga galo Villa Somalia si aysan uga soo qeyb galin kulanka loo ballansanyahay Isniinta soo socda oo aan la ogeyn ajandahiisa waxa uu yahay, waxaana magacyada lagu wareejiyay askarta ilaalisa xarunta Golaha Shacabka. Lama oga sida ay usaameyn karto Kulanka dambe iyo inay imaan waayaan Xildhibaanada Liiskooda la gudbiyey. Waxay durba sheegeen inaysan ogolaan doonin go'aankaasi oo ay Xasaanadooda cid ku xad gudbi karto jirin ayna tegi doonaan Xarunta Villa Hargeysa. Sababa ugu weyn ee kulankii maanta uu u baaqday ayaa lagu sheegay iney tahay soo marin la'aanta Ajandaha COVID-19 Golaha ku shaqada leh ee golaha shacabka sida guddiyada Caafimaadka oo ay aheyd iney ka doodaan. Xildhibaanada ayaa intooda badan aaminsanaa in ujeedka uusan aheyn COVID-19 balse uu gudoonka watay qorshe muddo kororsi ah oo Villa Soomaaliya looga soo dhiibay. Muqdisho Somalia




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip