HALKAN KA AQRISO W/W MOGTIMES 27 MARS 2021

0
Saturday March 27, 2021 - 12:04:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W/W MOGTIMES 27 MARS 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Beesha caalamka oo ka xumaatay 3 tallaabo oo FARMAAJO uu qaaday

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caas imada Online ayaa sheegaya in beesha caalamka ay ka xumaatay tallaabooyin uu qaaday Madaxwe ynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaal iya Maxamed C/hi Farmaajo oo ay sheegeen iinay dhaawac culus u geysteen dedaalladii ay wadeen wakiilada caalamka islamarkaana xaaladda sii adkeeyay.

Sida aan xogta ku helnay, Be esha caalamka ayaa Madaxwe yne Farmaajo u sheegay in ay qalad aheyd:

1 -In ciidanka ilaalada madaxtooyada uu geeyo ma dasha shirka ee Teendhada Afisyooni maalintii shi rka uu furmayey ee Isniintii.

2 – Soo saarista jadwal aan lagala tashan ka qe yb-galayaasha shirka, kaasi oo ay baahisay madaxtooyada habeenkii Axadda.

3 – Iyo furitaanka shir hal dhinac ah, oo labada ma amul goboleed ee Jubaland iyo Puntland ay qaad aceen.

Qoraal ay wakiilada caalamka u direen Mad axweyne Farmaajo ayey ku sheegeen in dowladda ay sii adkeysay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan ay rajo dishay shirkii la filayay in xal looga gaaro muranka doorashada Soomaaliya, kaas oo ay soo abaabushay Qaramada Midoobay, illaa iyo had ana aan qabsoomin.

Ayada oo arrintan ka duuleysa ayey beesha ca alamka joojisay shirkii Afisyoone, waxayna taa be ddelkeeda hadda xooga saareysa in shirar aan to os aheyn lagu xaliyo arrimaha taagan kahor shirka guud.

Qoraal markii uu shirka fashilmay kasoo baxay QM ayaa lagu yiri "QM waxay qireysaa kulankii hor u dhaca u ahaa shir madaxeedka la qorsheeyey, oo haystay metelaadda qaar ka mid madaxda ma amul goboleedyada. Waxay boorineysaa wada-ta shiyo kale oo aan rasmi aheyn oo dheeraad ah oo dhaca maalmaha soo socda, si loo xaqiijiyo ka qeyb-galka dhameystiran ee loo baahan yahay si dhacdadan ay u noqoto mid soo saarta is-afgarad lagu fulinayo hanaankii doorashada 17-ka Septe mber.”

Beesha caalamka ayaa sidoo kale kadib aba abushay shir kale oo u dhaxeeya madax gobolee dyada kaliya, iyana ay goobjoog ka tahay, shirkaas oo Habeen hore qabsoomay ayada oo ay ka maqan tahay beesha caalamka kadib markii Farmaajo uu ku cad aadiyey madaxweyne goboleedyada taabiciyiinta ah inay diidaan beesha caalamka.

Safiirada Mareykanka, UK, Talyaaniga, M/ Yur ub iyo UN-ka ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku cadaadinaya inuu u qoor dhiibto beesha caalamka si loo dhameeyo muranka doorashada Soomaal iya, taas oo laga cabsi qabo in dalka u horseedo qalaalo dagaalo sokeeyo.

Xogtan aan helnay ayaa sheegeysa in beesha caalamka ay qaati ka taagan tahay xaaladda dal ka, ayna rumeysan tahay in mar kasta oo xal soo dhowaado uu Farmaajo si hoose u qaadayo tall aabooyin fashiliya.

Waxaa sii kordhaya dareenka laga qabo in Far maajo uusan diyaar u aheyn doorasho, xitaaa ha ddii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay tanaa sulaan, taasi oo walaac xooggan gelisay beesha caalamka. Xigasho:caasimadda.net

Xaaskii madaxweyne CALI MAHDI oo geeriyootayAllah ha u naxariistee, Raxma Maxamuud Ga cal oo aheyd Xaaska Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa Shalay ku geeriyootay magaalada Nayrobi.

Raxma ayaa 7yadii tegay ka xanuunsaneysay isbital ku yaalla Nayrobi, waxaana lagu waramay inay u geeriyootay xanuunka COV ID-19, oo sidoo kale Cali Mahdi uu u dhintay 10-kii bishan March.

Geerida Raxma ayaa wax aa ka ta csiyeeyey ma daxwe ynayaashii hore ee Soomaal iya Shariif Sh.Axmed iyo Xasan Sh. Maxamuud, oo qoraallo soo dhigay bar aha ay ku leeyihiin facebook iyo twi tter.

"Waxaan murugada la wadaagaynaa umadda So omaaliyeed gaar ahaan qoyska M/weynihii hore Cali Mahdi Maxamed, annagoo uga tacsiyeyneyna geerida ku timid Marxuumad Raxmo Maxamuud Gacal xaaskii Madaxweynihii hore Cali Mahdi oo ku geeriyootey magaalada Nairobi. Allaha u nax ariisto samir iyo iimaanna allaha naga siiyo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Xasan Sheekh ayaa isna qoraalkiisa ku yiri "Ee be naxariistiisa Janno haka waraabiyo marxuumad Raxmo Maxamuud Gacal, Xaaska Madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahadi Maxamed. Waxaan Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummad da Soomaaliyeed iyo qoyskii ay ka baxday, waxaa na Alle ka baryayaa inuu sabar & iimaan naga wa da siiyo إنا لله وإنا إليه راجعون”

Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo isku dhex dil ay Xabsi uu ku xirnaa oo aad loo ilaaliyo

Wararka ka imaanaya M/Garoowe ee caasim adda maamulka Puntland ayaa sheegaya in Ma xbuus ku xirnaa Xabsiga dhexe in uu isku dhex dil ey xabsiga dhexe ee Garoowe.

Maxbuuskan oo magaciisa lagu sheegay Cali ayaa 3-dii bishan March 2021-ka Maxkamad ciidan ku ridday xukun 10- Sano ah,islamarkaana lagu ee deeyey inuu katirsanaa Kooxda Al-shabaab.

Ninkan ayaa laga qabtay Garoowe 3- bilood ka hor, xili uu ka soo degey Garoonka diyaaradaha ee Garoowe lana sheegay in uu usii gudbi lahaa M/ Boosaaso.

Laammaha ammaanku kama hadlin geerida Ma xbuuskan iyo sababta keentay in uu isku dhex dilo xabsiga weyn ee Garoowe oo aad loo ilaaliyo.

Maxaa kasoo baxay kulankii Habeen hore dhex-maray 5-ta madaxweyne goboleed?

Shirkii u dhaxeeya Madaxweynayaasha Shanta DG ee Habeen hore uga furmay Airport Hotel ee xarunta Xalane ayaa kusoo dhamaaday is-afgarad iyo isu soo dhawaansho, sida ay ilo-wareedyo lagu kals oon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Shirka ayaa marka hore ku billowday is-eedeyn iyo dood kulul, ayada oo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay eede eyeen 3 madaxweyne goboleed ee taabacsan Fa rmaajo, kana dalbadeen inay qaataan kaalintooda hoggaan oo aysan noqon kuwa wax kasta loo meeriyo.

Dhanka kale, Qoorqoor iyo Lafta-gareen ayaa iska difaacay eedeymahaas ayaga oo Deni iyo Ax med Madoobe ku eedeeyey in caqabadda ay dhan kooda ka imaneyso, oo mar kasta oo xalku dhow yahay ay la imanayaan shuruudo cusub.

Waxyaabaha kale ee kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ah ajendaha shirka, ayada oo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay caddeeyeen inaysan dooneyn in Farmaajo uu shirka guddoomiyo, maa daama sida ay sheegeen uu muddo xileedkiisu idlaada, islamarkaana uusan haysan maqam ma daxweyne. Axmed Madoobe iyo Deni waxay sidoo kale caddeeyeen inay doonayaan daamanadda beesha caalamka, ayaga oo ku dooday inaysan aamini karin Farmaajo. Ilo-wareedyo ka ag dhow dhinacyadaas ayaa sheegay markii dambe la isku soo dhowaaday la iskuna fahmay laguna ballamay shirar kale oo kan ugu horreeya ay berri subax is kugu imaan doonaan, si loo xoojiyo is faham hors eeda in natiijo wanaagsan ka soo baxdo shirar kooda.

Si kastaba, waxaa laga cabsi qabaa in Qoor Qoor, Cali Guudlaawe, iyo Lafta-gareen mar kale ay isbeddelaan marka ay ku laabtaan Farmaajo, sida horey looga bartay.

Shirkaa oo u gaar ahaa 5 ta Madaxweyne Go boleed ayaa imanaya kadib markii Dorraad la baa jiyay kulan dhex mari lahaa Wakiilada Beesha Caa lamka ee C6+ iyo madaxweynayaasha D/G/yada.

Soomaaliya iyo UK oo ka wadahadlay sugida Amniga doorashooyinka

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, sareeyo gaas Cabdi Xasan Xijaar, iyo danjiraha UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa ka wadahad lay arimmo badan oo ay ku jireen xoojinta taage erada Dalka Ingiriiska uu siiyo ciidanka iyo sugidda amniga doorashooyinka oo lafdhabar u ah Boliiska

Kulankaasi oo ka dhacay xarunta safaaradda UK ee M/Muqdisho,waxaa 2da mas’uul ay is dhaafsa deen hadallo warbixin ah,iyadoo danjiraha uu bo gaadisay shaqada adag ee ay hayaan ciidanka booliiska Soomaaliya.

Taliyaha booliiska ayaa dowladda UK uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan ciidanka booliiska.

Dowladda UK ayaa kamid ah dalalka taageerada dhismaha dowladnimada Soomaaliya oo ay ku jiraan hey’adaha nabadgeliyada oo booliisku ugu horeeyo.

Dhaqaale cusub oo DF la siinayo oo la ansixiyey

Hay’adda lacagta Aduunka ee IMF ayaa ansixi say kaalmo dhaqaale dheeri ah lagu siinayo DFS, midaasi oo qeyb ka ah bar naamij ka deyn caf inta dalalka faqii rka ah ee deyntu la degtay oo ka mid ta hay Soomaal iya.

Guddiga fulinta IMF ayaa ansixiyay in dowladda Soomaaliya la siiyo lacag gaareysa 0.97-Milyan oo dollarka Mareykanka, dhaqaalahaasi oo ay sheeg tay in loo adeegsan doono sidii Soomaaliya uga soo bixi laheyd waajibaadka geedi socodka deyn cafinta.

Geedi socodka deyn cafinta ee dhaqaalahan cusub loo adeegsan doono ayaa waxa uu ka dha xeeya Hay’adda lacagta aduunka IMF, Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka. Kaalmadan dhaqaale ayaa socon doontaa muddo sanad ah, midaasi oo ku taariikheysan 25, Maarso ee 2021 ilaa 24, Maarso ee 2022-ka, taasi oo ay Soomaaliya ku dabooli do ontaa waajibaadka ka saaran barnaamijka deyn cafinta.

Muddo Sanad ah ayaa laga joogaa markii si dan oo kale guddigan fulinta ee hay’adda lacagta Adduunka ay shaacisay in DFS gaartay barta go’ aan qaadashada barnaamijka deyn cafinta.

Si kastaba, Barnaamijka deyn cafinta ayaa wa xay hay’adda IMF ay hore u siisay Soomaaliya in muddo sadex sano ah ku dhameystirto guud aha an geedi socodka deyn cafinta oo muddo badan soo jiitamayey.


C/C/Sharmaarke: 5 qodob oo dowladni made ena ah ayuu Farmaajo dhaawacay

Ra'iisul wasaarihii hore ee Somali Cumar Cab dirashiid Cali Sharma'arke ayaa si qoto dheer ah u faah faahiyay dib u dhaca iyo dhaawacyada gaar ay nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya xili toban kii sano ee lasoo dhaafay dowladdihii kala danbe eyay ahaayeen kuwo hadba meel soo gaarsiinay ay horumarka iyo qaranimada dalka. Cumar Cab dirashiid ayaa tilmaamay in nidaamkii dowladnimo ee soo bilowday 2000 ilaa 2017-kii uu galay marx alad dib u dhac ah, isagoo u sababee yay dowladdii waqti ga dhamaaday taa soo dhaaw ac gaarsiisay, buu yiri, dada aladii iyo nidaamyadii soo dhi smay in ay burburiso. Cumar Cabdirashiid ay aa tusaale u soo qaatay shan qodob oo uu ku mac neeyay iney meesha ka baxeen.

"Dhibka ugu we yn ee afartii sano ee lasoo dhaaftay na gaaray 5 qodob oo dowladnimadeenii ku qodontay ayaa dhaawac gaaray, mudadii 4-tii sano ee lasoo dhaa fay ee jirtay dowladdii Farmaa jo waxaa aragnay dad dhahayay nidaamka federa alka waa ku dulma nahay, waxa kaliya ee xal u ara gnaana waa dowla d dhexe," ayuu yiri Cumar Cab dirashiid. "2000 ilaa 2017-kii aan ka tageynay dal ka waxaa lagu soo daadihanayey dalka waxay ah eyd dib u heshiisiin in dowladnimadu tahay, maa daama dib u hesiiisiin tahay madaxweynaha iyo ra' iisul wasaaraha waxaa ka saarnaa xil gaar ah ineysan ku takri-falin awooda dowladnimo, In laga fogaado wax allaale wixii keenay Soomaalida ka lsooni darada dhex taal, In dul qaad ka badan dadka, qof kastana waqtigiisa intuu joogana inuu ku dadaalo ummada Soomaaliyeed meeshey joog to meel ka dhow inuu geeyo," ayuu yiri Cumar Cabdirashiid oo u waramayay barnaamijka Ha-noo laato ee uu daadihiya Ayaanle Xuseen. Cumar Ca bdirashiid ayaa dib u dhaca iyo rajo xumida So malia xiligaan ku habsatay ku tilmaamay inay ta hay shantaan qodob.

1- Dowladdnimada inay tah ay mid dib u heshii siineed oo dadka meesha ay jo gaan meel ka fii can la gaarsiiyo.

2- In dowladnim adeenu noqoto mid madani ah si di tii DowIaddi lixdanki oo kale parliamentarian sy stem.

3- In adeega dowladeed la gaarsiiyo deegaana da dalka oo dhan oo nidaamka federaalka la hirga liyo.

4- In ciidan ka iyo hay'addaha amni ga aysan shaqsi siyaasadiisa u adeegin ee ay dastuurka dal ka u hoggaansamaan.

5- In dowlad kastaa ay jog teyso wada-hadalada Somaliland tan iyo inti laga helaayo ummada Soomaaliyeed in mar kale do wlad wadaag hesho. Cumar Cabdirashiid oo ware ysigiisa dhinac badan ugu hadlay ayaa madaxwey nihii Farmaajo ka hor eeyay ee Xasan Sheekh ku tilmaamay mid wax wa lba ogolaa isla markaana dadka tabashadooda bo gsiin jiray isagoo marna ku fikirin in dalku qalalaa se geliyo, kana shaqeeyay in dalku ka dhacdo doo rasho xalaal ah. Ugu danbeyntii wuxuu Cumar Ca bdirashiid wareysigiisa ku sheegay in Farmaajo iyo iyo Xasan Sheekh ay kala yihiin labo madaxweyne oo mid uu ka shaqeeyay horumar, in dalku doora sho galo iyo mid colaad, khilaaf iyo kala taga maa mulada dalka iyo dowladdii dhexe ka shaqeeyay.

Laakiin Cumar Cabdirashiid ayaa nasiib xumo ku tilmaamay in ra'iisul wasaarihii dalka uu gebay waajibaadkiisii shaqo iyo inuu qaato kaalintiisii dal ka ugu aadaneyd badbaadinta dalka iyo dadka. Musharax Madaxweyne Jabrill Ibrahim Abdu lle ayaa Shalay Shir jaraaid ku qabtay Mogadishu.

Jabriil Ibrahim Cabdulle ayaa sheegay in dalku uu ku jiro Xaalad aad u adag taas oo qasabtay in shirar looga hadlaayo arrimaha Doorashooyinka ay qabsoomi waayeen,Waxaa uu carabka ku adk eeyay in kulamo gaar gaar ah uu la yeeshay Madaxda Maamul Go boleedyada yimid M/Muqdisho yo R/Wasaare Rooble.

Sidoo kale waxaa uu soo ha dalqaaday kulamo kala duwan oo uu la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka si loo xaqiijiyo Hii gs iga Dowladnimo Musharax Jabriil Ibrahim Cabdu lle waxaa uu si dareenleh uga hadlay arrinta Wala aca laga qabo ee Doorashooyinka waxaana uu Um adda Soomaaliyeed iyo Daneeyayaa sha Siyaa sada ugu baaqay in wax wa lbo lagu xaliyo is-afga rad iyo isku Tan aasul si dalka aan qalqal loo gelin Ja briil Ibrahim Cabdulle Musharax Madaxweyne ay aa shacabka Soomaaliyeed kula taliyay in ay qa at aan Talaalka Cudurka Coranavirus si looga har ta go qatartiisa. Waxaa uu ku taliyay sidoo kale ina an lagu kala tagin Shirka Muqdisho ka furan ee lo oga hadlaayo Arrimaha Doorashooyinka kaasi oo habsami socodkiisa shaki wayn laga muujinaayo

Waxaa uu ka digay in lagu kala tago islamarkaa na dib dhac horleh dalka la geliyo taas oo laga dhe xli karaayo Niyad jab xoogan.

Madaxda Maamul Goboleedyada iyo D/ dhexe ayuu ugu baaqay in ay u Tanaasulaan Danta guud oo ay qaataan Go'aan Wada Wanaagsan u xaara ya Dalka waxaa uu carabka ku adkeeyay in 4tii sa naba mar ay muhiim tahay in ay Doorasho ka dhac do taasi oo mar walba jiheeysa Dowladnimada da lka Musharax Jabriil waxaa uu soo jeediyay in had dii la isku fahmi waayo qodobada la isku-haaya in loo weecdo dhanka dhaqanka taasi oo aheed xal soo jireen ah oo Soomaalidu ku dhaqmi jiray Gees ta kale waxaa uu u sababeeyay Isku dhexyaaca si yaasadeed ee jira in ay sabab u tahay Dastuurka dalka oo aan loo hoggaansamin

"Welwel xooggan ayaa dalka naga-haayo wa ana na dhibeeysaa in xalkeeyna laga raadiyo be esha Caalamka oo hadana xal la keeni waayo wax aan ka cabsi qabaa in faraha nagala qaado" Ugu dambeeyn Madaxda kala duwan waxaa uu kula da rdaarmay in aysan Magaalada ka bixin iyagoo Heshiis ka gaarin arrimaha la isku haayo ee Doorashooyinka

Midowga Yurub oo ka hor yimid Heshiiska Janan iyo DFS iyo Villa Somalia Jawaab siisay

Ergeyga M/Yurub ee Soomaaliya, Amb. Nicolas Berlanga ayaa markii u horeysay ka hadlay heshi iska dowladda iyo Wasiirkii hore ee amniga Jub baland, oo Dorraad si weyn loogu soo dhaweeyay M/Beled-Xaawo ee G/Gedo. Nicolas Berlanga oo qoraal soo dhigay bartii sa twitter-ka ayaa ka horyimid heshiis kaas, xili Cabdirashiid Janan loo hays to arrimo bini-aadanimo, wuxuuna ku tilmaamay heshiiskaas mid ku dhisan "guulo mud do kooban ah".

Sidoo kale waxa uu xusay inuu xasuusan yahay dhibaatada la sheego inuu Janan uu ka geystay go bolka Gedo, asaga oo soo jeediyay in sharciga loo sinaado, midaasi oo ka dhigan in cadaalada la m arsiiyo, islamarkaana lagu qaado gabood falka uu hore ugu eedeysna. "Waxaan ka fakarayaa dhiban ayaasha, dadka la barakiciyey, Soomaalida da'da yar ee ku haminayda bulsho nabad iyo dhex-dhex aad ah, oo sharciga loo wada siman yahay. Waxaan hubaa in kuwa ka fakaraya guulo deg deg ah aysan hilmaami doonin bulshada u baahan tii rar adag si loo dhiso mustaqbal," ayuu yiri. Saaca do kadib hadal ka Danjiraha waxaa jawaab kulul ka bixiyay Cabdinuur Maxamed Axmed, oo ah Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, wuxuuna sheegay in danjiraha uusan xaq u laheyn inuu arrintan kaga hadlo twitter-ka, islamarkaana ay tahay inuu walaaciisa ku aadan arrinta usoo ma ro marinada diblomaasiyadeed ee dowladda. "Md.Danjire, waxaan ogahay inaad marino aan xa didneyn aad u haysato marinada diblomaasiyade ed ee ugu haboon, si aad walaacyadaada ugu gud biso, una hesho xog qiimo badan oo ku saabsan dhacdooyinka noocan ah".

Maraykanka oo ka fiirsanaya in ciidamadiisa uu dib ugu celiyo Soomaaliya

Golaha Senate-ka ayaa sarkaal ka tirsan wasa aradda Gaashaan-dhigga Mareykanka ka dhagey stay warbixin ay qeyb ka aheyd saameynta ay yee latay ciidamadii uu bilo kahor madaxweynihii hore ee Mare ykanka Donald Trump uu ka soo saaray Soomaaliya.

Sarkaalka ayaa sheegay in maamulka Biden uu go’aannadaasi dib u eegis ku sameynayo, iyada oo ay suurtogal tahay in ciidankaasi dib loogu celiyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Maraykanka Biden ayaa siyaas adihiisa waxaa kamid ah inuu go’aanadii hore ee madaxweynihii hore Trump uu dib uga laabto iya doo xukuumada cusub ee Biden ay bilowday inay dib loogu laabto tallaabooyinkii xukuumadii ka hore ysay.

Arrimaha Milatariga ayaa ka mid ah tallaabooyin ka uu qorsheynayo Madaxweyne Biden taasoo qe yb ka ah in ciidamada Maraykanka ee hore u joogay Soomaaliya dib loogu soo celiyo.

Xildhibaan Shaaciyay In Ciidamo Badan La Geeyay Xarunta Villa Hargeysa

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa sheegay in saakay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho la geeyay Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Ilaalada Shacabka.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ku sugan Villa Hargeysa ayaa sheegaya in Ciidanka Ilaalada Shacabka ee la geeyay Xarunta Golaha uu dalbaday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

"Maleeshiyaadka Ilaalada Shacabka ee Fahad Yaasiin hoostaga ayaa saakay xarunta Golaha Shacabka la soo dhoobay. Waxaana naloo sheegay in Gudoomiye Mursal dalbaday. Sida muuqata Mursal CIMRI TAGAY AYUU CEEB KU SAGOOTINAYAA” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Xarunta Villa Hargeysa ayaa Maanta waxaa kulan ku yeelan doona Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkoodu dhammaaday, kuwaasi oo xalay lagu wargeliyay inuu kulan jiro.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo mar labaad kusoo laba kacleeyay gudaha dalka, lana diiwaan-geliyay kiisas farabadan oo Cudurka ah.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegaya in kulanka Maanta ee Golaha uu yahay mid qorshe gaar laga wato, isla markaana lagu doonayo in Hay’addaha dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha muddo kordhin loogu sameeyo, waxaana baraha Bulshada hareeyay wararka ku aadan arrinta muddo kordhinta.


Xoogaga AMISOM oo ka guuray Degmada Afgooye

Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa 9 sano ka dib baneeyay fariisimihii ay ku lahaaye en Degmada Afgooye ee G/Sh/Hoose. D/Afgooye oo 30km u jirto M/Muqdisho ayaa 26-kii bishii Feb ruary ee sanadkii 2012 laga sa aray Ururka Al Shabaab, ka dib markii guluf ballaaran ay ku qa adeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM, intii uu socday hawlgalkii loogu magac-daray (Hawlgalka Xoraynta ee Shabelle), xilligii Dowladdii Madaxweyne Shariif Sheekh Ax med. Hawlgalkan ayaa ahaa mid lagu xoreynayay Labada Shabelle.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka AMISOM, General William Kitsao Shume oo Arbacadii gaaray degma daasi ayaa fariisimihii ciidamadooda ku wareejiyay Taliska CXD iyo Maamulka G/ Sh/Hoose.

"Wareejintan waxay la jaanqaadeysaa qorshaha kala guurka Somaliya, oo ah hage dhameystiran, oo ay soo diyaariyeen DFS iyo la hawlgalayaashe eda, si loogu wareejiyo masuuliyadda amniga ee AMISOM, loona geeyo Ciidamada Qaranka Soom aaliyeed.”

Taliyaha Ciidanka Uganda ee Qaybta AMIS OM, General Don Nabasa oo ka hadlayay munaas abadda wareejinta ayaa ciidamadooda ku amma anay kuwa Shabaabka ka difaacay weeraro bad an, oo degmadaasi ay ku soo qaadeen.

Gudoomiyaha G/Sh/Hoose, Cabdiqaadir Max amed Nuur (Siidii) ayaa dhankiisa sheegay inay do onayaan in ay xoojiyaan awoodda dowladnimada ee dalka.

"Haddii aan xajino dhulkeena oo aan hubino in saldhigga aan difaacano, markaa waxaan awood u yeelan doonnaa inaan la wareegno dhammaan deegaanada kale ee dalka. Waxaan dooneynaa in aan cagaheena isku taagno, oo aan xoojino awo odda dowladda.”

Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka, Gen eral Maxamed Tahliil Biixi oo munaasabadaasi ha dal ka jeediyay ayaa yiri "Waxaan dooneynaa ina an si cad u sheegno inaan la wareegnay masuuliy adda saldhigan, waxaana rajeyneynaa inay amm aan ahaan doonto, sidii horeba.”

Afgooye waxay noqoneysaa goobtii 6aad ee AMISOM ku wareejiso Dowladda Federaalka iyo D/G/yada qaarkood, tan iyo sanadkii 2017. AMIS OM ayaa horey u wareejisay Jaamacadda Ummad da Soomaaliyeed ee Gaheyr, Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho, Kulliyadda Jaalle Si yaad, saldhigyadoodii Degmada Warsheekh iyo VIA Afmadow oo Kismaayo ah.

Kenya oo ku hanjabtay iney Soomaalida dalke eda ku nool talaabo cad ka qaadi doonto.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay iney qaadi do onto tallaabo ay ku cadaadineyso shacabka Soo maaliyeed ee ku nool caasimadda sida ay sheeg een warbaahinta madaxa banaan ee dalkaas.

Kenya waxey ka dhawaajisay in ey tarxiili doonto Soomdaalida ku dhaqan dalkaas ee aan sharc iga heysan, sidoo kalana ay si gaar ah u beegsan doonto dadka looga shakiyo fal al argagixiso ama maalgalintaba.

Xogta la faafiyay waxaa ku jirta in Kenya ay she egtay iney hantidooda la wareegi doonto shaqsiya adka Soomaalida ee looga shakiyo iney maalgaliy aan argagixisada sida ay hadalka u dhigeen.

Kenya waxey u muuqataa iney qaadeyso tallaa booyin aargoosi ah maadaama ay guuldaro kasoo gaartay kiiskii yaalay maxkamadda ICJ ee ahaa baddii ay muranka galisay. Dhanka kale Kenya wa xey horay ugu dhawaaqday iney xiri doonto xer yaha ay Soomaalida ugu badan qaxootiga ku yah iin kuna yaalla gudaha dalkooda, waxeyna qabat ay in laba todobaad lagu xiro xerooyinkaas.

Daahir Geelle oo ka hadlay dadaallada xub ana beesha caalamka ay wadaan

Musharax madaxweyne Daahir Maxamuud Ge elle ayaa ka hadlay dadaallada ay beesha caalam ka ku dooneyso iney dalka ka dhacdo doorasho la gu wada qanacsan yahay.

Daahir Geelle oo sidoo kale ah afh ayeenka midowga musharaxiinta ay aa sheegay iney soo dhaweynayaan dadaal walba oo lagu bixinayo sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho aan hal dhinac ah eyn, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaq ay ineysan ka niyad jabin natiijada isla markaana ay taageeraan dadaallada socda.

HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA DAAHIR GEELLE:

Waxaan si dhaw ula soconnaa, bogaadinayaa na dadaallada ay saaxibbada Soomaaliya ku bix inayaan in xal laga gaaro ismariwaaga arrimaha doorashooyin.

Haddaanu nahay qeybaha kala gadisan ee siy aasadda dalka ( XFS, DGs iyo Midowga Murasha xiinta ) Waxaa nala siman in aan u hoggaansanno himilada dadkeenna ee ah nabad, wadahadal iyo doorashooyin xor iyo xalaal tixgalinno dadaalka saaxiibada Soomaaliya.

ugu danbeyn edda looma sinno oo XFS ayaa leh balse xalku waa mid noowadayaal. Shacabka Soomaaliyeedna waxaan ugu baaqayaa in aysan dhacdooyinka taagan ku niyad jabin, rajada iyo yididiiladu waa ay wanaagsantahay.

Xildhibaano ku shiray Muqdisho oo digniin culus soo saaray

Waxaa Shalay kulan isugu yimid xildhibaana da taabacsan Golaha Badbaado Qaran oo dhawa an Muqdisho looga dhawaaqay, waxaana golaha as ku mideysan guddoomiyaha Aqalka Sare, ma daxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland iyo mi dowga mu sharaxiinta.

Xildhibaanadaas oo ka soc day labada Aqal Barlamaanka Federaalka ayaa kulankoodii Shalay ku soo dhaw eeyey dhismaha isbaheysigaan cus ub, sidoo kale waxay saxiixeen codsi ay Madash an u soo gudb isay xildhibaanada, kaas oo looga hor tegayo mu do kororsi la sheegay in madaxwe yne Farmaajo damacsan yahay.

"Waxaan saxiixnay petition lagu cadaynayo mo wqifka Kutlada Badbaado Qaran iyo sida dalka iyo dadka looga badbaadin lahaa qatarka ku soo fool leh. Waxaanan sidoo kale baaq u dirnay dadka So omaaliyeed, Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Do wliga ah ee kaalmeeya dowlada Soomaaliya,” ay uu yiri xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada kulanka ka qeyb-galay

Qoraalka Xildhibaan Mahad Salaad ayaa intaas ku sii daray, "Waxaan uga dignay saraakiisha Far maajo u adeegsanayo burburinta dalka ee ku tuma naya shuruucda dalka in aysan ciqaab la’aan noq on doonin hadii aysan ka waantoobin ficilada lidd iga ku ah dimuquraadiyada iyo xasilloonida dalka.”

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in guddoonka baarlamaanka ay uga digeen in dalkan burburint iisa iyaga loo adeegsado, isla markaana ay iska dii daan mudo kororsi uu sheegay in madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday uu damacsan yahay.

"Waxaan uga dignay Gudoonka Barlamaanka inaan dalka gacantooda lagu burburin. Hormuudna aysan ka noqon mudo kordhinta sharci darada ah ee Farmaajo ka raadinayo Goleyaasha Barlama anka,” ayuu yiri Mahad Salaad.

SHIINAHA oo qoraal ay la dhacday DF kasoo saaray is-mari waaga doorashada

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku taageerayso hanjabaadii ay dhawaan DFS u dirtay dalalka beesha caalam ka ee inta badan sida adag uga hadla xaalada dal ka, gaar ahaan is-mari-waaga doorashada.

Shiinaha ayaa sheegay inuu dhow rayo madax-banaanida Soomaaliya, islamarkaana uu taageerayo horumar ka iyo nabada halka lug ku taagan ee dalka, sida lagu baahiyay barta twitter-ka ee Safaaradda Shi inaha ee Soomaaliya.

"China waxay ixtiraameysaa madax-banaanida Soomaaliya, madax-banaanida dhuleed, xoriyadda iyo sharafta siyaasadeed, waxayna si adag u taa geerayaa nabadda, horumarka iyo barwaaqada So omaaliya, waxayna ilaalineysaa mabda’a ah ‘Milki yad Soomaaliyeed iyo Hoggaan Soomaaliyeed’,” ayaa lagu yiri qoraalka Shiinaha.

Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa waxa si weyn warbaahinteeda u gu baahisay dowladda federaalka, midaasi oo muu jinaysa la dhacsanaanta mowqifka Shiinaha ee uu ka qaatay xiisada ka taagan dalka.

"Dowladda Shiinaha oo taageertay mowqofkii DFS ee ahaa in JFS ay tahay dal madaxbannaan oo aan marnaba aqbali karin fara-gelin shisheeye,” ayaa lagu yiri warbaahinta dowladda federaalka oo si weyn u baahineysa qoraalka Shiinaha.

DFS ayaa gebi ahaanba ka aamusi jirtay fariimaha ay Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ay soo saaran, kuwaasi oo toddobaadyadii u dam beeyay u badnaa hanjabaado iyo canaan toos ugu socota Villa Somalia iyo madax goboleedyada, oo la xiriirta xal ka gaarista khilaafka doorashada.

Soomaaliya ayaa waqti xaadirkan mareysa marxal ad xasaasiya, ayada oo uu dhamaaday muddo xile edkii dowladda, islamarkaana uusan jirin heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hanaanka doorash ada.

Si kastaba, arrintaan ayaa imaneysa, xili ay bee sha caalamka isku dayeyso in xal kama dambeys ah laga gaaro doorashada, midaasi oo Farmaajo u diidan yahay, waxaana la rumeysan yahay inuu u arko in beesha caalamka ay xal dhex dhigi karto ma daxda is-khilaafsan, taasi oo uusan dooneyn.

Galmudug oo ku dhawaaqday guddi cusub oo loogu talagalay in ay…

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug ayaa Shir-guddoomiyey kulanka G/wasiiradda oo 7aadkan ka dhacay M/Cadaado. Kulanka G/wasiir ada oo ku saabsanaa isbuucan dardargelinta ho wlaha xukuumadda,

Ayaa warbixin looga dhagaystay wasaarada dhowr ah sida: Maaliy adda, Caafimaadka,Howlaha Gu ud,Warfaafinta, Arrimaha Gudaha, Cadaaladda, Ga adiidka, Xanaana da Xoolaha, Boostada &Isgaarsiin ta, Dhalllinyarada iyo Gadiidka.

Kulanka waxa lagu magacaabay guddi heer wasiir ah oo wasaaradda caafimaadka

ka gacansiiya baahinta tallaalka civid-19 iyadoona la amray in gaadiidka dowladdu iney ka qey bqataan Gaarsinta talalka Covid19 guud ahaan de egaanada xorta ah ee Galmudug,

Sidoo kale Golaha wasiiradda ayaa boggaadi yey wasaaradda amniga iyo ciidamada badda Ga lmudug oo gacanta kusoo dhigay Dooni si-sharci daro ah uga kalumaysanaysay xeebaha gobolka Mudug.Ugu danbeyn Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha ayaa faray dham maan wasaaradaha inay dardargeliyaan

adeegga ay bulshada u hayaan.

Taliska Boliiska oo ka hadlay dhaca ku soo bad anaya Muqdisho,digniina u diray Ilaalada Mas'uuliyiinta dowladda

Afhayeenka ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa fa ah faahin ka bixiyay howlgal lagula da gaalamayo Burcadda dhaca geystay oo muddooyinkii dambe ku soo badanayay magaalada Muqdisho. Waxa uu soo bandhigay dhowr qof

oo uu ku sheegay in ay ka mid yihin ku wa dhaca geysta oo iskugu jira Askar,shacab iyo Baj aajlayaal si joogta ah dhac uga geysata degmooyinka gobolka.

Afhayeenka ayaa geesta kalana waxa uu ca deey ay in ay jiraan shakhsiyad baxsaday oo ay ku raadjo ogaan hay'adaha amniga,islamarkaana sida ugu dha qsaha badan loo hor keeni doono Garsoorka. Dhina ca kalana Askarta la soo qabtay qaarkood ayuu tilma amay in ay ilaalo u yihiin mas'uuliyiin dowlad eed, sid aas daraadedana waxa uu ugu baaqay mas 'uuliyiint aas in ay ka warqabaan Askartooda,marka lagu soo qabto fal noocaas ahna aysan kaba imaaan Karin.

Kenya oo ka cago jiideysa inay fuliso heshiis muhiim ah oo ay la gashay Somaliland

Xukuumadda Somaliland ayaa bartamihii bishii December ee sanadkii hore 2020-ka heshiis lagu til maamay ‘mid macno gaar ah sa meynaya oo muhiim ah’ la ga shay dowladda Kenya oo xilig aas khilaaf xoogan kala dhax eeyay dowladda federaalka.

Heshiiskaas oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dal ka Kenya ayaa waxa qalinka ku wada duugay mada xweynaha Somaliland, Muuse Biixi iyo midka Kenya, Uhuru Kenyatta, kadib socdaal uu dalkaas ku tagay madaxweynaha Somaliland.

Heshiiska labada dhinac oo fulintiisa lagu sheegay inay dhacayaan bisha geba-gebada ah ee March, 2021-ka, ayeysan muuqan ilaa hadda wax dhaq-dha qaaq ah oo laga sameeyay heshiiskaas.

Waxyaabaha lagu heshiiyey waxaa kamid ahaa in dowladda Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa dabayaaqada bisha March ee sanadka 2021-ka, sidoo kalena Somaliland kor u qaaddo meeqaamka xafiiskeeda Magaalada Nairobi. Sidoo kale waxaa heshiiskaas qeyb ka ahaa in Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha no oceeda ah ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan du ullimaadyo toos ah oo isaga kala gooshada Nairobi iyo Hargeysa, marka la gaar isla dabayaaqada bisha March ee sanadkaan.

Heshiiskaas ayaa waxa kale oo ku jiray qoddob xa saasiya oo dhigayay in madaxda Somaliland ‘Dal ku Galka Kenya’ la siiyo marka ay gaaran Kenya, ayaga oo wata Baasaaboorka Somaliland, oo ku dooda inay ka go’day Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa fulinta heshiiskaas oo ku mu de ysneyd bisha March gebi ahaanba aysan muuqan wax ifafaalo ah oo muujinaya in heshiiskaas uu si dhab ah u dhaqan-galayo, ayada oo si weyn uga meer-meerayso Kenya.

Kenya ayaa lasoo warinaya in heshiiskaan ay uga war-wareegayso arrimo la xiriira doorashada Soom aaliya, waxayna falan-qeeyayaasha siyaasada ku do odeen in ugu horeyntiiba ay ujeedo gaar ah uga dhig tay dabayaaqada March, ka hor muddo xileedka DFS oo ku mudeysnaa bilowgii Febraayo, waxaana xusid mudan in ilaa hadda aan heshiis rasmi ah laga gaarin doorashada dalka.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa muddooyinkii dambe ka dhaxeeyay khilaaf diblumaasiyadeed, kaa si oo gaaray in xiriirka u jarto dowladda federaalka oo ku andacooneysa faro-gelin gudaha ah, sidoo kale waxaa ka dhaxeeysa dacwada kiiska Badda oo dha waan ka furmatay maxkamdda ICJ, ayada oo ay ka maqan tahay Kenya.

Taliban oo dhiseysa dowlad Islaami ah xilli ciidamada Mareykanka ay baxayaan

Taliban ayaa Mareykanka uga digtay inaysan ka bixin heshiiska ay ciidamada Mareykanka iyo NATO uga baxayaan Afghanistan kahor 1-da bisha May, ayada oo wacad ku martay falcelin ay ka mid yihiin weeraro culus haddii ay sidaas dhacdo.

Taliban ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay dhisi doonta dowlad Islaami ah kadib marka ay baxaan ciidamada ajnabiga, sida horey loogu heshiiyey wada-hadalladii sanadkii tegay ka dhacay Doha.

Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay inay dib u eegis ku sameynayaan heshiiska oo ay wada saxiixdeen Taliban iyo maamulkii madaxweyne Donald Trump.

Biden ayaa Arbacadii u sheegay tale fishinka ABC "inay waqtiga la qabtay ee 1-da May ay dhici karto, balse ay adag tyahay,” isaga oo intaas ku daray in haddii waqti laga sii dheereeyo 1-da May uusan noqon doonin mid badan.

"Waa inay baxaan,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay Suhail Shaheen oo ka mid wada-xaajooda yaasha Taliban isaga oo ku sugan Moscow, halkaasi oo ay wada-hadallo uga socdaan Taliban iyo dowla dda Afghanistan. Shaheen ayaa ka digay in sii joogi stan1-da May kadib ay jebieneyso heshiiska.

Shaheen ayaa sidoo kale xaqiijiyey in Taliban ay san ku qanci doonin wax aan ka ahayn in dowlad Islaami ah laga dhiso Afghanistan.

Shaheen waxa uu carabka ku adkeeyey in dowla dda hadda ka jirta Afghanistan ee madaxweyne Ash raf Ghani aysan ku habooneyn qeexitaankooda dow lad Islaami ah.

Ciidamada dalka Eritrea oo ogolaaday inay ka baxaan gobolka TIGRAY – Abiy

Eritrea ayaa ciidamadeeda kala bixi doonta gobo lka waqooyi ee Ethiopia ee Tigray, waxaa sidaas Shalay shaaciyey ra’iisul wasaaraha Eth iopia Abiy Ahmed.

Shaac ka qaadistan ayaa timid ayada oo Abiy uu wajahayo cadaadis sii xoogeysa naya oo ku saabsan inuu soo geba-geb eeyo dagaalka Tigray, oo ciidamada labada dal ee Ethiopia iyo Eritrea lagu eedeeyey inay ka gaysteen xadgudubyo ay ka mid yihiin dil wadareedyo iyo kufsi. Addis Ababa iyo As mara ayaa muddo beeninayey in ciidamada Eritrea ay ku sugan yihiin gobolka Tigray, ayaga oo ka hor-imanaya caddeymo xooggan oo laga haleyo dadka deegaanka iyo diblomaasiyiinta, iyo xitaa qaar ka mid ah shacabka iyo militariga Ethiopia.

Abiy ayaa ugu dambeyn qirtay kaalinta Eritrea ee dagaalka kadib khudbad uu Talaadadii u jeediyey baarlamanka, wuxuuna kadib Khamiistii u duulay Asmara, si uu ula kulmo kaligii taliyaha dalkaas Isaias Afwerki.

"Intii lagu guda jiray booqashadeeda, dowladda Eritrea waxay ogolaatay inay ciidamadeeda kala baxdo xuduudda Ethiopia,” ayuu Abiy Ahmed ku yiri bayaan Shalay lagu daabacay twitter-kiisa.

"Ciidamada Difaaca Qaranka Ethiopia ayaa la wareegi doona ilaalinta aagga xuduudda, laga billaabo iminka,” ayuu yiri Abiy Ahmed.

Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel oo ay xiriir la sameysay wakaaladda wararka AFP ayaan ka jawaabin codsigii loo diray ee ku aaadanaa inuu ka hadlo arrintan.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ee Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa ku eedeeyey ciidamada Ethiopia dilka boqolaal shacab oo Tigray ah, bishii November, markaasi oo xasuuq uu ka dhacay magaalada Axum.

Isha: AFP

Warbixin shaacisay ‘Xaddiga Laalushka’ ee MUQDISHO

Soomaaliya ayaa waxaa sanadihii u dambeeyay sarre u kacay musuq-maasuqa iyo laalushka ay hay ’addaha dowladda qaadato, midaasi oo hoos u dhigtay la dagaalanka musuq-maa suqa, sida lagu sheegay wa rbixin ay baahisay hay’ad da la dagaallanta mus uq-maasuqa Soomaaliya ee MARQAATI. Hay’adda ayaa daraasad ay ka sameysay heerka musuqa dal ka ayaa sheegtay in musuq-maasuqa uu ku baahay guud ahaan Soomaaliya, ayada oo xustay in 50% dadka ku nool caasimada dalka ay bixiyaan laaluush joogta ah.

"Sharciga oo liita iyo hay’ado aan jirin oo la xisa abtama kuwa awooda haya, bixinta laaluushka ayaa ku soo badanaya Soomaaliya, gaar ahaan meelaha ay ku xoogan tahay dowladu. In kasta oo guud ahaan bixinta laaluushka ay tahay 14%, waa tiro go’an max aa yeelay joogitaanka dawladdu ee gobolladu wuu dac iifsan yahay ama kama joogo dalka intiisa badan,” ayaa lagu yiri warbixinta. "Degmooyinka Muqdisho qaarkood, oo ah halka ay ku xoogan tahay dawladdu, bixinta laaluushka waxay gaareysaa ilaa 50%. Baahida laaluushka ayaa ugu badan ciidamada amniga ee DFS, kuwa amniga gobolka Banaadir, iyo Al-Shabab. FMS-yada D/G/K/Galbeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir waxay arkaan dalab laaluush oo aad u badan, taasi oo xoojinaysa qiimeynta ah in joogitaanka dawladda ee gobol ay astaan u tahay kororka dhacdooyinka bixinta laaluushka”.

Inta badan lacagaha laalushka ee caasimada dal ka ayaa waxay daraasadu muujineysa in la siiyo cii danka DF iyo maamulka gobolka Banaadir, halka ku wa goboladana la siiyo Ciidamada maamulada iyo ko oxda Al Shabaab oo iyadu meel sare kaga jirta liiska.

Marqaati ayaa sheegtay in sababta uu musuq-maasuqa ugu sii baahayo caasimada ay tahay ‘xoo jinta hay’ádaha amniga iyadoo aan la xoojin xukunka sharciga ayaa u horseedaya Soomaaliya inay yeelato dowlad aan xakamey nin sharciga isla markaana aan ka jawaabin rabitaanka shacabka’.

Ugu dambeyntiina waxaa daraasada cusub lagu sheegay in DF ay ka gaabisay la dagaalanka musuq-maasuqa, islamarkaana ay awooda dowladda loo weeciyay ilaalinta danaha shaqsiyadeed ee madaxda dawladda, midaasi oo meesha ka saartay xakamey nta dhaq-dhaqaaqa maaliyadeed ee argagixisada ka wadaan gudaha caasimada iyo mus uq-maasuqa baa hay.Xigasho:-Caasimadda.Net

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Muqd isho Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xoogan oo ka dhacay M/Muqdisho gaar ahaan xaa fadda Beexaani dhinaca degmada Kaaraan, kaasi oo jugtiisa laga maqlay xaafaddo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay Taliyaha cusub ee Ciida nka ilaalada deegaanka Xamae ee Maamulka Gob olka, xili uu marayay xaafadda Beexaani ee Kaaraan.

Goobjoogayaal la had lay Idaacadda Dalsan ay aa u sheegay in qara xaas uu ka badbaaday Taliye Maxamed Cara boow Cali oo ah Tali yaha ilaalada deegaanka, hayeeshee uu jiro khas aaro dhaawac ah.

Saddex Askari oo la socday Taliye Carabo ow ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxaas ka dhacay degmada Kaaraan, waxaana la geeyay Xarun Caafimaad, kuwaasi oo saarnaa gaariga qaraxa lala eegtay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Feder aalka Soomaaliya ayaa tegay aaga uu qaraxu ka dha cay, isla markaana xiray wadada, in kastoo markii da mbe ay dib u fureen, mana jiro wax war ah oo kasoo baxaya laamaha amniga dowladda.


Dad ku dhintay shil tareen oo ka dhacay Masar

Wakaaladda tareenka ee dalka Masar ayaa she egtay ugu yaraan 32 qof iney ku dhinteen in ka ba dan 100 qofna ay ku dhaawacmeen shil tareen oo ka dhacay bartamaha dalka Masar.

2 tareen oo rakaab siday oo marayey gobolka Sohag ayaa isku dhacay kaddibna rogmaday.

Wakaaladdu waxay sheegtay bareegga tareen ka xagga hore kaga xirnaa 'shaqsi aan la garan eyn' inuu furay taasoo keentay tareenka hore inuu kii ka dambeeyey uu ku dhaco.

Madaxweynaha Masar Cabdulfataax al-Sisi wu xuu ballan qaaday ciddi mas'ulka ka ahayd arrin taasi in ciqaab adag la marsiin doono.

"Cidwalba oo sababteeda lahayd shilkan xan uunka badan ee ka dhalaty dayac, musuqmaasuq ama wax kasta oo la mid ah waa in sida ugu dha siyaha badan la marsiiyaa ciqaab falkooda u dhi gma" ayuu yiri al-Sisi farriin uu Twiterkiisa uu so dhigay.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu shilka ka dhacay ayaa muujinaya tareen ku rogmaday meel biyo mareen ah.

Wasaaradda caafimaadka dalka Masar oo shi lka tareen ee dhacay warmurtiyeed ka soo saartay waxay sheegtay dadka dhintay ka sokoow shilka asi iney ku dhaawacmeen ugu yaraan 108 qof.

"Waxaan u baahannahay mas'uuliyiinta dowlad da iney yimaaddaan oo ay arkaan waxa dhacay. Dadka tareenka uu ku jiifana lagamasoo saari karo ilaa wiish la helo" ayuu yiri mid ka mid ah dadki shilkaasi goob joogga u ahaa oo wakaaladda war arka ee Reuters u warramay.

"Dadku wey dhinteen, xata awaxaan badbaadin weynay qof ay nafta ku jirtay oo tareenka uu ku jiifo" ayuu yiri.

Warbaahinta dowladdana waxay sheegtay ra'isal wasaare Mostafa Madbouly oo ay wehliyaan wasiirro kale inuu u safray goobta u shilka ka dhacay. Dalka Masar waxaa marar badan ka dha ca shilal tareen taasoo la sheego iney uga wacan tahay dayactir la'aanta waddooyinka tareenka iyo dowladda oo aan maalgelinin shirkadda tareenka.

Shilkii tareen ee ugu xumaa oo ka dhaca dalka Ma sar wuxuu 2002-dii ka dhacay konfurta magaalada Qaahira shilkaasi oo ay ku dhinteen 373 qof.

Cabdirashiid JANAN ma is-dhiibay mise he shiis ayuu la galay VILLA SOMALIA?

Kulankii ka dhacay tuulada Najax oo katirsan degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo waxa ka qaybgalay Wasiiro iyo saraakiil katirsan xuk uuad da xilligeedu dham maaday iyo Cabd ira hsiid Janan wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland.

I nkasta oo aan laba da dhinac soo bandhigin qoraalka heshiiska ay wada-galeen haddana Wasiir-kuxigeenka Warfaafinta Cabdiraxamaan Yuusuf ayaa ka she egay isu soo bax lagu soo dhoweynayey Janan iyo ciidanka la socday ayaa yiri: Wasiirku waxa uu ha lkaan ku yimid laba qodob oo is xambaarsan!

1 – Waa garasho iyo damqasho uu isagu gartay in uu Qaranka Soomaaliyeed u hiilliyo, in uu dadka magaaladan iyo gobolkan ku nool u hiilliyo! taasna waxa uu ku qaatay in uu ku qaybqaato Nabadgely ada iyo sidii loo soo afjari lahaa collaadda halkan ka jirtay.

2 – Kan labaad waa dadaal ay bixisay dowladda Soomaaliya oo ku aaddan sidii isfaham looga gaari lahaa tabashadii dadka reer Gedo, gaar ahaan Wasiir Janan iyo xiisaddii jirtay sidii loo xallin la haa, go’aanka uu qaatay Janan waa hiil qaran oo Taariikhi ah.

cabdirashiid Janan oo isna kahadlay kulankaas ma xusin heshiis uu la galay Xukuumadda haye eshee waxa uu sheegay in uu u qaatay go’aankan u nixid iyo u damqasho, Janan ayaa yiri: "Waxa aan rabaa in aan idin xaqiijiyo Ma maqli doontaan mana arki doontaan mana dhici doonto, colaaddii gobolkaan Gedo kajirtay ee u dhexeysay /DF/ & D/G Jubbaland galkaas waa soo xirnay! Waxa aan go’aansaday Qaybtii aan shaqsi ahaan uga jiray dhibka iyo siyaasadda in aan ka qaado Waddan ka”

Xildhibaan Cabdiraxman Kulmiye Xersi (Cabdi raxmaan dheere) Wasiiru dowlaha wasaaradda Ga adiidka xukuumaddu xilkeedu dhammaaday oo ka mid ah xubnaha ka socday xukuumadda ee kaq aybagalay Bannaanbaxa lagu soo dhoweeyey Ja nan ayaa ugu hambalyeeyey Cabdirashiid Janan iyo ciidankiisaba go’aanka ay qaateen.

Waxa uu sheegay in dowladda dhexe ka shaqeyne yso hirgelinta waxa uu ugu yeeray Jubbaland loo dhan yahay, sida ay ogaatay Mustaqbal Media Ca bdiraxmaan dheere waa maskaxda ka dambeysay soo xera-gelinta Cabdirashiid Janan, Janan & Ca bdiraxmaan dheere waxa ay kawada tirsanaayeen Ururkii Al-itixaad ee muddada dheer dagaalada ka waday gobollada Jubbooyinka, doorashadii Kur siga golaha shacabka ee Cabdiraxmaan dheere waxa kadhashay gacan kahadal sababay dhima shada hal qof

Imaanshaha Cabdirashiid Janan ee Muqdisho iyo Kaalinta Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere

Marka la isu geeyo dhammaan dhacdooyinka la xir iira habka Cabdirashiid Janan iyo ciidankiisuba u gu biirayaan dowaladda Soomaaliya iyo sida uu u ga soo go’ay Jubbaland iyo saaxiibkiis Axmed Ma doobe waxa ay qabaan xubno kamid ah B/F/ & Baarlamaan-goboleedka Jubaland in uusan jirin he shiis rasmi ah oo Cabdirashiid Janan la galay Villa Somalia, hase yeeshee uuisu dhiibay dowladda sidii uudowladda isugu dhiibay Sheekh Muqtaar Roobow Cali, taas beddelkeedana Janan waxa uu qaadanayaa lacag aan tiradeedala sheegin balse Xildhibaan Cabdiraxmaan dheere kamid yahay dhexdhexaadiyeyaasha iyo dallaalada labada dhinac u kala gudbiyey farriimaha.

ISHA: MUSTAQBAL RADIO

Khasaaraha Lacageed ee Canshuurta Maalin laha ee Maraakiibta ka gudubta Kanaalka Suweys

Jahwareer Dhaqaale kii ugu xumaa ayaa la sheegay inay soo wajahday Maamulka gacanta ku haya Kanaalka Suweys ee dalka Masar, kadib, markii uu Markab baaxad weyn uu xanibay labada dacal ee Marinka ee ay Maraakiibta ka gudbaan.

Ilaa 9.6 Billion oo Dollar ay aa la sheegay inay ma alin kasta ka soo xeroon jireen Lacagaha Canshu uraha ee ay Maamulka Kanaalka Suw eys ka qaadi jireen Maraakiibta. Haddii si kale loo dhigo, Kanaalka Suweys waxa uu saacad kasta khasaari doon aa lacag dhan 4 mi llion oo Dollar, sida lagu muujiyey Qiimeynta Xogta Maliyadeed ee Kanaalka.

Madaxda Maamulka ee Kanaalka Suweys wax ay Dorraad ku dhawaaqeen in si KMG loo joojiyey shaqada, kadib, markii uu maalintii Talaadada ee la soo dhaafay uu Markab nooca Kontaynarada xambaara uu si gudub ah ugu xayirmay labada Jambi ee Kanaalka.

Markabkaasi oo lagu magacaabo MV Ever Given waxa uu dhererkiisu dhan yahay 400 mitir, halka culayskiisa guud uu gaarayo 210,000 oo Tan.

Fashil ayaa ku yimid Dadaallo xoogan oo lagu doonayo in laga soo jiido Markabka xanibay Isku-socodkii Maraakiibta, balse, Maamulku waxay weli mashquul ku yihiin sidii Isku-daygaasi loogu guuleysan lahaa.

8 Doonyaha jiida Maraakiibta ayaa loo jiheeyey inay soo jiidaan Markabka xanibay Kanaalka, kaa si oo ku sii jeeday Dekedda magaalladda Rott erdam ee dalka Netherlands.

Guddoomiyaha Maamulka Kanaalka Suweys, Osaama Rabiici waxa uu Dorraad shaaciyey in shaqadii si KMG ah loo joojiyey, ilaa Markabka Ever Given laga jiidayo.

Ilaa 50 Markab oo noocyada Xamuulka, Booyadla ha, Kontaynarada iyo kiwi Tamashlaynta ayaa wax ay maalin kasta ka gudbi jireen Kanaalka Suweys oo muhiimad Khaas ah u leh isku-xirka Baddeed ee Qaaradaha Europe iyo Asia.

Wargeyska ka faallooda Arrimaha Dhaqaala ha ee Bloomberg waxa uu qoray inay 185 Markab ay sugayaan inay ka gudbaan Kanaalka Suweys ee uu Markabka weyn xanibay.

Sida laga dheehday Xogta Hay’adda La-soc odka Maraakiibta ee VesselFinder waxaa Mar aakiibta ku go’doomay Kanaalka Suweys yihiin ku wo ay leeyihiin Shirkadaha Maraakiibta ee AP Mol ler-Maersk A/S, Mediterranean Shipping Co., Oce an Network Express Pte and Yang Ming Marine Transport Corp.

Maraakiibta ku go’doonsan Kanaalkaasi waxaa ka mid ah 10 Maraakiibta Booyadlaha oo wadar ahaan xambaarsan 13 million oo Fuusto ee Shid aalka Cayriin, halka 9 kalena ay wadaan waxyaa baha laga nadiifiyo Batroolka.

Xogta Wargeyska Bloomberg waxaa kaloo lagu muujiyey in qiyaastii 300 Markab oo ka kala yimid qaar ka mid ah dalalka Calaamka inay noqdeen ku wo ku xayirmay Kanaalka Suweys, kuwo sugaya Inay Transit ku maraan ama muujinaya inay ku soo wajahan yihiin.

Maraakiibta kale ee uu saameeyey Xanibaad da Kanaalka Suweys waxaa ka mid ah 40 Markab oo wada shixnado isugu jira Badeeco Qalalan, si da Shamiinto, Saliida cuntada, Shidaal iyo Kiimiko kale. Waxaa kaloo jira 8 Markab oo Xoolo nool wada iyo in ka badan 30 Markab ee nooca Xamuulka Gu ud (General Cargo Vessels) iyo Markab Booyadle Biyo xambaarsan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip