"Nolosheyda Waa Mida Xabisga Oo Kale, Waxaa La Igu Sameeyay Qiyaano Aan La Rumeysan Karin, Mushaar Ma Helo" Hey'adaha Xuquuqda Aadanaha Oo Qeylo Dhaan Ka Keenay Habka Lagu Dhisayo Garoomada Koobka Aduunka 2022 Ee Dalka Qatar

0
Thursday March 31, 2016 - 11:35:32 in Sports News by
  • Visits: 848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Nolosheyda Waa Mida Xabisga Oo Kale, Waxaa La Igu Sameeyay Qiyaano Aan La Rumeysan Karin, Mushaar Ma Helo" Hey'adaha Xuquuqda Aadanaha Oo Qeylo Dhaan Ka Keenay Habka Lagu Dhisayo Garoomada Koobka Aduunka 2022 Ee Dalka Qatar

    Shaqaalaha dhisaya garoomada koobka aduunka ee 2022 ee ka dhici doona dalka Qatar ayaa markale ka cabanaya ciaqaabaad ay la kulmaan iyadoo aanan la siinin ama laga dhimay mushaaradkoodii, laga qaatay baasabooradoodii, loona diiday iney si xoriyad ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqaalaha dhisaya garoomada koobka aduunka ee 2022 ee ka dhici doona dalka Qatar ayaa markale ka cabanaya ciaqaabaad ay la kulmaan iyadoo aanan la siinin ama laga dhimay mushaaradkoodii, laga qaatay baasabooradoodii, loona diiday iney si xoriyad ah ugu noolaadaan wadanka dhexdiisa, sidaasi waxaa qortay hey'ada xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, waxaana kasoo xiganay jariirada ingiriiska ka soo baxday ee Daily Mirror.

Warbixinta ayaa sheegeysa in dadkani ay yihiin muhaajiriin ama dad ajaanib ah oo loo soo kireysat shaqaalenimo laakin aan loo soo sheegin waxa ay qaban doonaan waxayna haatan dhisme ka wadaan garoonka Khalifa International Stadium ee ku yaala caasimada wadankaasi ee Doha waxayna ku hoydaan buushah ama xerooyin ku yaala saxaraha waxaana lacagtooda loo siiyaa si dhib ah.

Xoghayaha guud ee Amnesty International eeSalil Shetty ayaa ugu yeeray madaxweynaha cusub ee FIFAGianni Infantinoinuu u istaago kana dhiidhiyo ku shaqeysiga dad soo galooti ah oo la khiyaaneeyay waxayna warbixinta u qoran tahay sidaan.

"Dhanka foolxumada badan ee ciyaarta qurux badan, musiibooyinka ibna aadan xaqdaro loogu shaqeysanayo dhismeyaasha garoomada koobka aduun ka ee 2022 ee Qatar, si xun ugu shaqeysiga soo galootiga ayaa ah mid xumeyneysa qurux kubada cagta, ka ciyaartooy iyo taageeroyaal ahaan, garoomada kubada cagta waa meelo lagu riyoodo laakin shaqaalaha qaar oo inala hadlay waxay ku nool yihiin nolol madow oo qiiro leh” ayaa lagu yiri qeyb kamid ah warbixintaan oo ah mid damqasho ka muuqato.

Khalifa Stadium

Waxayna warbixinta intaasi ku dartay "Waxay galeen deymo (Amaah), waxayna ku nool yihiin xerooyin ay ka dhisteen saxaraha, waxaa lacag lagu siiyoo si silac ah, inta badan dadkaa muhaajiriinta ah ayaa haatanba cuqdad ka qaaday ciyaartooyda sarsare ee halkaas ku ciyaari doona, waxay ay dhamaan shaqaalahaan doonayaan waa xuquuqdooda (in lacagahooda la siiyo), iney wadanka ay si xor ah kaga tagi karaan hadii ay doonayaan ama ay si caadi ah u shaqeystaan si sharf iyi karaamo ku jirtana loola dhaqmo

Qatar-stadia

"Inkastoo ay balan qaadyo ameynayeen shan sanadood, hadana FIFA waxay ku guuldareystay iney si buuxdo u joojiso in garoomada koobka aduunka lagu dhiso si xaqdaro ah,martigelinta koobka aduunka ayaa ka dhigtay Qatar meel weyn oo ay kooxaha iyo shirkadaha ugu waa weyn ee ciyaaraha ay yimaadaan laakin ma aha in dunida kubada cagta ay ka jeesta ama iska indho tirto dulmiga lagu keenayo agabka laguna dhisayo garoomada ay ku ciyaarayaan”.

"Hadii madaxda cusub ee FIFA ay ka go’an tahay u rogitaanka noloshaan dhanka kale, ma aha iney u ogolaata in masraxyada ugu waa weyn ee ay ku kulmayaan dad ku riyooda quruxda dunida kubada cagta iney ku raaxeystaan goob si xaqdaro ah loogu dhisay soogalooti ama muhaajirin”.

Nolosha

Warbixintaan ayaa la sheegay iney ku dhisan tahay wareysiyo laga qaaday 132 muhiijir oo ka qeyb qaadanaya dhisameyaasha garoomada iyo 99 kale oo dhigaya roogag cagaaran (akhdar ah ) dhamaan deegaanka garoonkaasi.

Shaqaale waliba oo la hadlay Amnesty ayaa u gudbiyay warbixintaan, sida bogooda ku cadeeyeen.

  • Waxaa lagu qasbay inuu ku noolaado xero burburtay oo nolol adag ah.
  • Waxay lacago badan ku soo bixiyeen imaatinka dalka Qatar ($500 ilaa $4,300 oo dollar ka mareykanka ah) si ay shaqo uga helaan dalka Qatar.
  • Waxaa lagu qiyaanay nuuca shaqo ee uu qabanayo iyo lacagta la siinayo, dhamaan marka laga reebo lix qofood waxay helaan lacag ka yar tii loo balanqaaday ama nus kamid ah lacagtaas.
  • Dhowr bilood lacago lama siinin, taasoo cadaadis nololeed iyo mid dhaqaale ku keentay shaqaale markii horeba deyman lagu lahaa.
  • Shaqaalaha oo aan la siinin warqada daganaasha dalka ama aanan loo cusbooneysiin taasoo keeni karta wadanka laga masaafuriyo iyagoo aanan xaqoodi heli ama xabisyo ladhigo.
  • Shaqaalaha oo la ciqaabay lagana qaaday baasabooradoodii, sidoo kalena loo diiday iney helaan warqad ay dalka uga bixi karaan si ay u aadaan wadamadoodii.
  • Si xun loola dhaqmay ama ay ka cabanayaan xaaladahooda.

Shaqalaha

Shaqaalahaan badankooda ayaa kasoo jeeda wadamada Bangladesh, India iyo Nepal, ayaa la hadlay Amnesty intii u dhexeysay February iyo May ee sanadkii hore.

Markii ay Amnesty ku laabatay dalka Qatar bishii hore waxay tagtay iyadoo baasabooradii loo soo celiyay shaqaalahaan laakin aysan waxba iska badalin cabashooyinkii kale.

Nabeel, oo magaciisa badaly si uu uga fogaado dhibaatooyin loo geysto ayaa ah shaqaale ka shqeeya birta wuxuuna ka yimid wadanka India wuxuuna haatan ka shaqeynayaa garoonka dib u dhisaka uu ku socdo ee Khalifa stadium ayaa ku cawday markii aanan dhowr bilood la siinin wax mushaaraad ah "Waan qeyliyay waxaana qirayaa dhibta la’ igu hayo laakin wax cabasho ah oo kale ma muujin doono hadii kale waxaa la’igu ciqaabayaa inaan ka bixin wadankaan, tan iyo markii aan cawday waxaan go’aan ku gaaray inaan waxba sheegin, dabcan hadaan awoodo waan badalan lahaa shaqada ama waan ka tagi lahaa wadanka Qatar”.

Deepak, oo isna sidoo kale magaciisa badalay aya ka yimid wadanka Nepal wuxuuna yiri "Nolosheyda halkaan waa sida xabsiga, shaqada waa mid adag, waxaan saacado badan ku shaqeynaa qoraxdaan kulul, markii aan cabasho ka muujiyay xaaladeyda waxay aheyd markii aan imid halkaan wuxuuna maamulaha iigu jawaabay "Hadii aad cabasho muujineyso waad awoodaa midaas laakin waxaa jiri doono ciqaab, hadii aad dooneyso inaad halkaan ku noolaato aamus oo shaqeyso”.

Garoonka Khalifa stadium ayaa qeyb ka ah Aspire Zone sports complex, halkaasoo ay ku yaalaan xarunta tababarka Aspire Academy training centre iyo xarunta caafimaadka ee Aspetar medical facilities halkaasoo ay si joogto ah u booqdaan ciyaartooyda ugu magaca dheer aduunka sida goolahayaha Stoke CityShay Givenoo halkaas qaliin ku soo maray,Angel di Maria oo caafimaadkiisiiPSG halkaas ugu soo maray sidoo kalenaYaya Toureayaa halkaas looga soo daaweeyay dhaawac yar oo soo gaaray koobkii aduunka ee 2014.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip