Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Shil Tareen Oo Ka Dhacay Masar

0
Friday March 26, 2021 - 21:18:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Shil Tareen Oo Ka Dhacay Masar

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Labo Tareen ayaa waxay isku herdiyeen Degmadda Dahda ee Gobalka Upper Egypt, sida lagu sheegay hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Masar.

Shilkaasi oo saakayto dhacay ayaa waxaa la sheegay in ay qalibmeen Rimoorada ay Labada Tareen jiidayeen, taasi oo sababtay dhimashada, dhaawaca iyo burburka soo gaaray Labada Tareen.

Goobjoogayaal ayaa waxay sheegeen in Tareen nooca Hawo-Qaboojiyaha ama Mukayfka leh oo ka yimid magaalladda Luksar (Luxor) kuna sii jeeday magaalladda Aleskandariya (Alexandria) uu ku dhacay Tareen kale oo ay dad rakaab ah la socdeen, oo ka yimid magaalladda Aswan, kuna sii jeeday caasimadda dalkaasi ee Qaahira.

Labo ka mid ah Rimoorada Tareenada عربات القطار (The train carriages) oo ay Rakaab saarnaayeen ayaa la sheegay inuu qalibmay, kadib, markii ay labada Tareen isku dhaceen.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip