Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Go'aanka Kenya ku xireyso Xeryaha Qaxootiga

0
Saturday March 27, 2021 - 08:14:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Go'aanka Kenya ku xireyso Xeryaha Qaxootiga

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay fajiciso ku noqotay Go’aanka dowladda Kenya ay mudada 14-ka Maalmood ugu qabatay dadka ku nool Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay inDowladda isku qaldeyso arrimaha siyaasadda ee kala dhaxeeysa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Arrimaha bani’aadanimada.



Wasiirka oo Wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in Qaxootigaas Soomaalida ah ay sharciyad ku joogaan Xeryahaas, isla markaana dowladda Kenya ay Hay’adaha Qaramada Midoobay ka hesho Mallaayiin Doolar.

"Xaqiiqda waxaa ay tahay in Kenya arrimo siyaasadeed darteed ay dooneyso inay ku xirto Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma markii looga adkaaday Arrimaha siyaasadda sida Badda iyo Arrimaha Jabhadaha ayuu yiri” Wasiir Dubbe.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa waxaa uu ugu baaqay dowladda Kenya inay Go’aankaas dib uga laabato, isla markaana aysan siyaasadeen Arrimaha siyaasadda.

Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma ayaa waxaa ku sugan Boqolaal Ruux oo Soomaali ah, kuwaas oo ka barakacay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, waxaana dowladda Kenya ay dhowr jeer sheegtay inay xireeyso.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip