UK oo war culus soo saartay xilli ay Muqdisho ka socoto hadal-hayn muddo kordhin

0
Saturday March 27, 2021 - 07:59:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 173
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UK oo war culus soo saartay xilli ay Muqdisho ka socoto hadal-hayn muddo kordhin

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Dowladda UK ayaa shaacisay inaysan taageeri doonin ficil kasta oo muddo kordhin loogu sameynayo hay’adaha muddo xileedkoodu uu dhammaaday ee Soomaaliya, xilli ay sii kordhayaan tuhuno arrintaas la xiriira.

"UK ma taageeri doonto ficil kasta oo hoggaaminaya doorasho hal dhinac ah, hanaan doorashooyin oo is-dhinac socda, iyo muddo kordhin lagu sameeyo muddo xileedyadii hore,” waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yiri wasiirka UK ee Afrika James Duddridge.

Duddridge ayaa hoosta ka xariiqay baahida deg degga ah ee loo qabo in hoggaamiyayaasha Soomaaliya ay isku yimaadaan ayna gaaraan heshiis ku aadan hirgelinta hanaan doorasho, si waafaqsan hanaankii la isku raacay 17-kii September, iyo talo soo jeedintii Guddiga Farsamo ee Baydhaba ee 16-kii Febraayo.

"Danta shacabka Soomaaliyeed darteed, iyo danaheena guud ee amniga, horumarka iyo kobaca Soomaaliya, waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha Soomaaliya inay ka guuleystaan is-mari waagan, ay yeeshaan wada-hadallo wax ku ool ah, ayna sida ugu dhaqsiyaha badan u qabtaan doorashooyin lagu kalsoonaan karo,” ayuu yiri James Duddridge.

Baaqa UK ayaa imanaya ayada oo maalmihii ugu dambeeyey ay Muqdisho kusii xoogeysaneysay hadal-hayn ku saabsan isku day muddo kordhin oo ay wadaan xildhibaanada qaar.

Sidaa kale waxaa jira shaki weyn oo ka dhashay kulan maanta loogu yeeray xildhibaanada golaha shacabka ee muddo xileedkoodu dhammaaday.

Si kastaba, xildhibaanada qaar ayaa durba billaabay inay isla dhex-maraan in COVID-19 lagu dhex qarin rabo arrimo la xiriira doorashooyinka dalka, gaar ahaan muddo kordhin loo sameeyo xildhibaanada iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Farmaajo.

Tuhunkan ayaa waxaa sii kordhinaya ayada xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo 23-kii bishan shir ku yeeshay Hotel-ka Decale ee ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ay isku baheysteen diyaarinta sidii doodda doorashada dib loogu celin lahaa Baarlamaanka, iyadoo halkaas laga raadinayo muddo kororsi loo sameeyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida ay

UK oo war culus soo saartay xilli ay Muqdisho ka socoto hadal-hayn muddo kordhin



xog ku heshay Caasimada Online.

xigasho:caasimadda.net



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip