SAWIRRO: Xoogaga AMISOM oo ka guuray Degmada Afgooye

0
Friday March 26, 2021 - 21:06:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRRO: Xoogaga AMISOM oo ka guuray Degmada Afgooye

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa sagaal sano ka dib baneeyay fariisimihii ay ku lahaayeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Degmada Afgooye oo 30km u jirto Magaalada Muqdisho ayaa 26-kii bishii February ee sanadkii 2012 laga saaray Ururka Al Shabaab, ka dib markii guluf ballaaran ay ku qaadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM, intii uu socday hawlgalkii loogu magac-daray (Hawlgalka Xoraynta ee Shabelle), xilligii Dowladdii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. Hawlgalkan ayaa ahaa mid lagu xoreynayay Labada Shabelle.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka AMISOM, General William Kitsao Shume oo Arbacadii gaaray degmadaasi ayaa fariisimihii ciidamadooda ku wareejiyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose.

"Wareejintan waxay la jaanqaadeysaa qorshaha kala guurka Somaliya, oo ah hage dhameystiran, oo ay soo diyaariyeen Dowladda Federaalka Somaliya iyo la hawlgalayaasheeda, si loogu wareejiyo masuuliyadda amniga ee AMISOM, loona geeyo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.”

Taliyaha Ciidanka Uganda ee Qaybta AMISOM, General Don Nabasa oo ka hadlayay munaasabadda wareejinta ayaa ciidamadooda ku ammaanay kuwa Shabaabka ka difaacay weeraro badan, oo degmadaasi ay ku soo qaadeen.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa dhankiisa sheegay inay doonayaan in ay xoojiyaan awoodda dowladnimada ee dalka.

"Haddii aan xajino dhulkeena oo aan hubino in saldhigga aan difaacano, markaa waxaan awood u yeelan doonnaa inaan la wareegno dhammaan deegaanada kale ee dalka. Waxaan dooneynaa inaan cagaheena isku taagno, oo aan xoojino awoodda dowladda.”

Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka, General Maxamed Tahliil Biixi oo munaasabadaasi hadal ka jeediyay ayaa yiri "Waxaan dooneynaa inaan si cad u sheegno inaan la wareegnay masuuliyadda saldhigan, waxaana rajeyneynaa inay ammaan ahaan doonto, sidii horeba.”

Afgooye waxay noqoneysaa goobtii 6aad ee AMISOM ku wareejiso Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada qaarkood, tan iyo sanadkii 2017. AMISOM ayaa horey u wareejisay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee Gaheyr, Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho, Kulliyadda Jaalle Siyaad, saldhigyadoodii Degmada Warsheekh iyo VIA Afmadow oo Kismaayo ah.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip