Dhaqaale cusub oo DF la siinayo oo la ansixiyey

0
Friday March 26, 2021 - 19:05:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaqaale cusub oo DF la siinayo oo la ansixiyey

    Hay'adda lacagta aduunka ee IMF ayaa ansixisay kaalmo dhaqaale dheeri ah lagu siinayo dowladda Soomaaliya, midaasi oo qeyb ka ah barnaamijka deyn cafinta dalalka faqiirka ah ee deyntu la degtay oo kamid tahay Soomaaliya. Guddiga fulinta IMF a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda lacagta aduunka ee IMF ayaa ansixisay kaalmo dhaqaale dheeri ah lagu siinayo dowladda Soomaaliya, midaasi oo qeyb ka ah barnaamijka deyn cafinta dalalka faqiirka ah ee deyntu la degtay oo kamid tahay Soomaaliya. Guddiga fulinta IMF ayaa ansixiyay in dowladda Soomaaliya la siiyo lacag gaareysa 0.97-Milyan oo dollarka Mareykanka, dhaqaalahaasi oo ay sheegtay in loo adeegsan doono sidii Soomaaliya uga soo bixi laheyd waajibaadka geedi socodka deyn cafinta. Geedi socodka deyn cafinta ee dhaqaalahan cusub loo adeegsan doono ayaa waxa uu ka dhaxeeya Hay'adda lacagta aduunka IMF, Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka. Kaalmadan dhaqaale ayaa socon doontaa muddo sanad ah, midaasi oo ku taariikheysan 25, Maarso ee 2021 ilaa 24, Maarso ee 2022-ka, taasi oo ay Soomaaliya ku dabooli doontaa waajibaadka ka saaran barnaamijka deyn cafinta. Muddo Sanad ah ayaa laga joogaa markii sidan oo kale guddigan fulinta ee hay'adda lacagta aduunka ay shaacisay in dowladda Soomaaliya gaartay barta go'aan qaadashada barnaamijka deyn cafinta. Si kastaba, Barnaamijka deyn cafinta ayaa waxay hay'adda IMF ay hore u siisay Soomaaliya in muddo sadex sano ah ku dhameystirto guud ahaan geedi socodka deyn cafinta oo muddo badan soo jiitamayey.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip