Taliska Boliiska oo ka hadlay dhaca ku soo badanaya Muqdisho,digniina u diray Ilaalada Mas'uuliyiinta dowladda

0
Thursday March 25, 2021 - 21:51:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Boliiska oo ka hadlay dhaca ku soo badanaya Muqdisho,digniina u diray Ilaalada Mas'uuliyiinta dowladda

    Afhayeenka ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal lagula dagaalamayo Burcadda dhaca geystay oo muddooyinkii dambe ku soo badanayay magaalada Muqdisho. Waxa uu soo bandhigay dhowr qof oo uu ku sheegay in ay ka mid yihin ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal lagula dagaalamayo Burcadda dhaca geystay oo muddooyinkii dambe ku soo badanayay magaalada Muqdisho. Waxa uu soo bandhigay dhowr qof oo uu ku sheegay in ay ka mid yihin kuwa dhaca geysta oo iskugu jira Askar,shacab iyo Bajaajlayaal si joogta ah dhac uga geysata degmooyinka gobolka. Afhayeenka ayaa geesta kalana waxa uu cadeeyay in ay jiraan shakhsiyad baxsaday oo ay ku raadjoogaan hay'adaha amniga,islamarkaana sida ugu dhaqsaha badan loo hor keeni doono Garsoorka. Dhinaca kalana Askarta la soo qabtay qaarkood ayuu tilmaamay in ay ilaalo u yihiin mas'uuliyiin dowladeed,sidaas daraadedana waxa uu ugu baaqay mas'uuliyiintaas in ay ka warqabaan Askartooda,marka lagu soo qabto fal noocaas ahna aysan kaba imaaan Karin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip