Puntland oo eedeyn culus u jeedisay Farmaajo iyo wasiir Jamaal Maxamed Xasan

0
Thursday March 25, 2021 - 21:43:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo eedeyn culus u jeedisay Farmaajo iyo wasiir Jamaal Maxamed Xasan

    Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Deperani oo la hadlay wariyeyaasha ayaa eedeyn culus u jeediyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib rabshadihii shalay ka dhacay degmadda Dhahar ee gobolka Sanaag. Jaamac Deperani ayaa baabulka dibad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Deperani oo la hadlay wariyeyaasha ayaa eedeyn culus u jeediyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib rabshadihii shalay ka dhacay degmadda Dhahar ee gobolka Sanaag. Jaamac Deperani ayaa baabulka dibad-baxaasi ku eedeeyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) & wasiirka qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo kasoo jeeda Puntland. Afhayeenka ayaa xusay in dibad-baxaasi ujeedkiisu uu ahaa in fowda laga bilaabo degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu beeniyey in ciidamada Puntland ay rasaas u adeegsadeen dibad-baxayaasha, wuxuuna meesha ka saaray in khasaare uu ka dhashay rabshadahaasi. Madaxweyne Farmaajo iyo Jamaal waxaad u abaabusheen banaabaxa si aad fowdo uga kicisaan Dhahar, Laakiin sida rabteen ma noqon, cidna kuma dhiman cidna kuma dhaawacmin nabad ayuu ku dhammaaday Ciidamaduna amniga ayeey sugeen," ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada maamulka Puntland. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, kadib markii ay dowladda federaalka Soomaaliya si adag u cambaareysay falkaasi oo ay ku tilmaamay inuu ah mid fool xun, iyada oo ku eedeysay damada amniga Puntland inay si ula kac ah xabad ugu adeegsadeen bulshada Dhahar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip