Xukuumadda Somalia oo war lama filaan ah ka soo saartay shirka M/dowlad gobaleedyada ee Caawa

0
Thursday March 25, 2021 - 21:41:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somalia oo war lama filaan ah ka soo saartay shirka M/dowlad gobaleedyada ee Caawa

    Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka oo ka arrinsaday Madaxda ka maqan Shirka Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abokar Dubbe oo ka war-bixiyey Shirka Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka oo ka arrinsaday Madaxda ka maqan Shirka Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abokar Dubbe oo ka war-bixiyey Shirka Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ergo u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee aan weli ku soo biirin Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka. Wasiirka ayaa tilmaamay in shirka oo albaabadu ay u xirnaayeen maanta diirradda lagu saaray maangalnimada sababaha ay ku maqan yihiin Madaxweyneyaasha, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani iyo Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, iyadoo Madaxdu ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la dardar geliyo dhaqangelinta heshiiska doorashooyinka 17-ka Sebtembar ee ay ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka. "Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ergo ahaan u diray Madaxweyneyaasha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, si ay ula kulmaan Madaxda ka maqanaa shirka, ayna u la wadaagaan muhiimadda ay leedahay in ay gutaan doorkooda kaga aaddan qabsoomidda doorashooyinka" Sidoo kale, Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay dulqaataan maadaama shirku uu socdo muddo, taas oo ay sababtay duruufaha ku xeeran iyo dadaalka Madaxdu ay ku bixinayaan fulinta heshiiskii Doorashada ee 17-ka Sebtember.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip