Kutladda Bad-baado qaran oo ka digtay muddo kordhin loo sameeyo Hay'adaha dowladda

0
Thursday March 25, 2021 - 21:28:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kutladda Bad-baado qaran oo ka digtay muddo kordhin loo sameeyo Hay'adaha dowladda

    Kutladda Bad-baado qaran oo ay ku mideysanyihiin xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka baarlamaanka fedraalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho iyaga oo soo saaray digniino culus. Xildhibaan Mahad Salaad oo akhriyay War-Saxaafade

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kutladda Bad-baado qaran oo ay ku mideysanyihiin xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka baarlamaanka fedraalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho iyaga oo soo saaray digniino culus. Xildhibaan Mahad Salaad oo akhriyay War-Saxaafadeed ka soo baxay Kutladda ayaa sheegay in dalku uu ku suganyahay xaalad adag,islamarkaana digay qorshe uu damacsanyahay Farmaajo. Waxa uu sheegay in ujeedada loo aas-aasay Kutladaan ay tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah oo dalka ka dhacda,islamarkaana sheegay in ay ka digayaan waxa uu ugu yeeray qorayga dabka leh ee uu la meehanaadayo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday. Dowladaha iyo hay'adaha taageera Soomaaliya ayuu ugu baaqay in aysan taageerin qorshe halis lagu gelinayo dalka,isaga oo sheegay in dalkaan uu khatar ugu jiro in uu ka laabto halkii uu ka yimid. Ugu dambeyntii waxa uu cadeeyay in Kutladda Bad-baado qaran ay ka digeyso qorshe ay ka shaqeynayaan guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaano muddo kordhin loo sameeyo hay'adaha dowladda,islamarkaana uu sheegay in aysan shaqeyn doonin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip