DEG DEG:- Farmaajo oo si la yaab leh u fashiliyay shirkii M/gobaleedyada iyo Beesha caalamka una bedelay..

0
Thursday March 25, 2021 - 21:25:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG:- Farmaajo oo si la yaab leh u fashiliyay shirkii M/gobaleedyada iyo Beesha caalamka una bedelay..

    Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in uu maanta baaqday kulan gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ay ku yeelan lahaayeen madaxda dowladda iyo Wakiilada Beesha caalamka. Farmaajo ayaa cadaadis xoog leh saaray 3-da ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in uu maanta baaqday kulan gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ay ku yeelan lahaayeen madaxda dowladda iyo Wakiilada Beesha caalamka. Farmaajo ayaa cadaadis xoog leh saaray 3-da maamul gobaleed ee taageersan dowladda fedraalka Soomaaliya,isaga oo ilaa iyo saakay kula shirsanaa Teendhada Afisyooni. Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa diiday in ay kulmaan Wakiilada Beesha caalamka iyo madaxweynayaasha 5-ta maamul goableed,bedelkeedana soo jeediyay in madaxweynayaasha maamul gobaleedyada oo kaliya ay is arkaan. Arrintaas ayaa la sheegay in ay sabab u noqtay in uu baaqdo shirkaas,waxaana goordhow Teendhada Afisyooni ka baxay Madaxweynayaasha maamulada K/galbeed,Galmudug iyo Hirshabeelle,iyaga oo u jaheystay hoteel ku dhex yaalla xerada Xalane,halkaas oo u shir uga billaabanayo maamulada dalka ka jira.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip