HALKAN KA AQRISO W/W MOGTIMES 25 MARS 2021

0
Thursday March 25, 2021 - 10:51:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 305
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W/W MOGTIMES 25 MARS 2021

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,

Farmaajo oo taageero dhaqaale ka dalbaday Ururka Jaamacadda Carabta

Ilo-wareed ka tirsan Xoghaynta Ururka Jaam acadda Carabta ayaa waxay xaqiijiyeen in Ma daxweyne Farmaajo uu mar kale Dhambaal u soo diray Xoghayaha Guud ee Ururka Jamaaca dda Carabta, Axmed Abu Kheyd oo uu kaga co dsaday Taageero Dhaqaale ee xilligan xasaas iga u ah Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia, Maxamed C/risaaq Maxamuud Ab uukar oo maalmahan booqasho hawleed ku jooga Qaahira waxa uu Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Dorraad u gudbiyey farriin salaan ah oo uu uga waday Madaxweyne Farmaajo.

Dhambaalkaasi ayaa waxa lagu xusay inay DFS ka mahad-celinayso Tagaeerada ay Dowl adahaxubnaha ka ah Ururka Jamaacadda Car abta u fidiyaan DFS, Hay’adaha hoos-taga iyo Ummadda Soomaaliyeed.

Farriinta Madaxweyne Farmaajo u diray Xog hayaha Guud ee Ururka Jamaacadda Carabta waxa uu ku booriyey in la sii kordhiyo Taageer ada Carabta siiyaan Somalia, gaar ahaan Xilli gan xasaasiga ee dadaalka Kal-guurka.

Dowladda oo sirasmi ah u shaacisay inay heshiis la gashay Cabdirashiid Janan

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay heshiis la gashay wa siirkii hore ee Wasaaradda Amniga Dowlad Go boleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Ca bdi nuur ( janan) , kaas oo Ciidamo farabadan ku heystay meel u dhow Magaalada Mandheera.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta Xuk uumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala ayaa sheegay in dow ladda ay sir asmi ah heshiis ula gashay janan.waxaa uu she egay in Janan uu muhiim u yahay nabadda Gob olka Gedo, isla markaana uu gartay in uu u hii liyo Qaranimada Soomaaliya, sidoo kalena ay dadaal ku bixisay dowladda Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Jubb aland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ( janan) oo wata Ciidamo farabadan iyo Gaadiidka dag aalka ayaa soo garay deganka Najax ee duleed ka Beled-Xaawo, waxana u halkaasi kula ku lmay wasiiro uu kamid yahay Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Janan oo si weyn loogu soo dhaweeyey Bel ed-Xaawo iyo DF oo war kasoo saartay

Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Juba land Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa Shalayta gaaray M/Beled-xaawo ee Gobolka Ge do,kadib heshiiskii uu la galay DFS.

Janan ayaa waxaa Beled Xaawo kusoo dhaweeyey wasiiro ka tirsan xukuuma d da Soomaaliya, mas’uuliy iin ka tirsan maamulka Gobolka Gedo ee dowla dda sameysay iyo Shacab aad u badan

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta Xuk uumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka hadlayey goobta lagu soo bandh igay Janan ayaa sheegay in dowladda ay si ra smi ah heshiis ula gashay janan.

Waxaa uu sheegay in Janan uu muhiim u ya hay nabadda G/Gedo, isla markaana uu gartay in uu u hiiliyo Qaranimada Soomaaliya, sidoo ka lena ay dadaal ku bixisay dowladda Soomaal iya. "Innaga oo ah wafdi ka socda DFS aya an kula kulanay Wasiirka Duleedka Beledxaa wo. Wuxuu ku yimid garasho uu wasiirku gartay in uu u hiiliyo Qarannimada iyo dedaal ay bixisay Dawladdu. Wasiirka waxaa wehliya Ciidamo b adan kuwaas oo iyana ku biiriya Ciidanka Qaran ka. Talaabadaan waa mid ka farxinaysa Qofkas ta oo jecel Qarannimada Soomaaliya wuxuuna ka nixinayaa cidkasta oo cadaw ku ah Qaranke enna,” ayuu yiri Janan.

Wasiirkii hore ee W/Amniga Jubbaland Cab dirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo wata Cii damo farabadan iyo Gaadiidka dagaalka ayaa soo garay deganka Najax ee duleedka Beled-Xaawo, waxana u halkaasi kula kul may wasiiro uu kamid yahay Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafin ta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cada ala kadibna waxaa la keenay Beled Xaawo.

Janan ayaa la filayaa inuu Beled-Xaawo kula ku lmo taliyaha NISA Fahad Yaasiin waxayna war arka sheegayaan in loo soo gudbin doono Mu qdisho si uu ula kulmo madaxweynaha waqtigi isa dhamaaday Maxamed C/hi Farmaajo.

Akhriso: Qodobada ay ku heshiiyeen DF iyo JANAN

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo was iirkii hore Jubbaland Cabdirashiid Xasan JANAN ayaa gaaray heshiis shan qodob ah, kaasi oo Ja nan uu ugu soo biirayo isbaheys iga Farmaajo, oo ay isku beel yi hiin. Cabdirashiid Janan oo ware ysi siinayay idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa ka jawaabay su'aal laga weydiiyay heshiiska uu la galay do wladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka mid ah qodob ah inuusan siyaasadda ka bixi do onin. Qodobadaan oo ay ku jiraan inuu dow ladda u gacan galinayo ciidamadiisa oo tiro aha an lagu sheegay 400 askari, gaadiid dagaal oo tiradooda la carabaabay iyo in heshiiska uu qeyb ka yahay Korneel Cabaas oo ka mid ah sa raakiisha sar-sare ee Jubbaland. QODOBADA LAGU HESHIIYAY:

1. In uu heshiiska Dowladda Federalka la ga lay asagoo ah wasiirka amniga ee Jubaland

2. In ay la socdaan ciidan gaaraya 400 oo askari oo wata 36 gadiid dagaal ah.

3. In Ciida nkaas ay la wareegeyso Dowl adda Feder alka Soomaaliya

4. In heshiiska uu qeyb ka yah ay Kornel Ab aas iyo saraakiil kale oo gobolka Gedo joogay

5. In uusan siyaasadda ka bixi doonin Mas uuliyiin ka tirsan hay'adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa gaaray gobolka Gedo si ay heshiiska usoo afjaraan, sidoo kalana wa xey wararka qaar sheegayaan inuu imaan do ono Muqdisho una sii gudbi doono dalka Turk iga. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubba land, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoo be) ayaa warqad ku taariikheysa 20-ka March waxauu xil ka qaadis ku sameeyey wasiirka am niga maamulkaasi, Mudane Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan), kadib markii uu shaaciyey inuu wada-hadal kula jiro dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

"MadaxweynahaJubbaland Md.Axmed Maxa med Islaam wuxuu xilka ka qaadey Md.Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiirkii Amniga Dowlada Jubbaland," ayaa lagu yiri war qadda kasoo baxday xafiiska madaxwe yne Axmed M.Islaam (Ax. Madoobe).

AMNESTY oo war kasoo saartay is-dhiibista JANAN, dalab culusna u dirtay DF

Hey’adda caalamiga ah ee xuquuqda aadan aha ee Amnesty International ayaa qoraal ay soo saartay waxay dowladda Soomaaliya uga halbatay in Cabdirashiid Janan ay kula xisaabt anto dembiyada dagaal ee horay loogu eedeey ey, islamarkaana ay cadaaladda hor keento.

Amnesty waxay sheegtay in qoy saska dhibanayaasha u ah xadg udubyada la sheegay in Cabdira shiid Janan ka geystay gobolka Gedo ay mudan yihiin caddaalad.

"Hadda oo Cabdirashiid Janan uu ku jiro gac anta dawladda federaalka ee Soomaaliya, mas ’uuliyiintu waa inay xaqiijiyaan caddaalad iyo la xisaabtan la xiriira dhammaan xad-gudubyada xuquuqul insaanka ee lagu tuhmayo inuu ka ga ystay Gedo. Dhibanayaasha iyo qoysaska ay ta ni saamaynta ku yeelatay waxay mudan yihiin caddaalad,” ayaa lagu yiri qoraalka hey’adda Amnesty Internation.

Horay hey’addan u dooda xuquuqda aadana ha ee Amnesty Internation ayaa Cabdirashiid Ja nan ugu eedeysay inuu Gedo ka geystay dembi yo dagaal, kadib markii ay soo bandhigeen war bixino sheegaya in ciidamadiisu ay dad badan ku dileen gobolkaas.

Sidoo kale Amnesty ayaa markii uu Janan ka baxsaday gacanta dowladda Soomaaliya waxay dalbatay in la qabto, si cadaaladda loo marsiiyo.

"Baxsashada Cabdirashiid Janan waxay dhib anayaasha dambiyadiisa la tuhunsan yahay, oo ay ku jiraan dilal shacab, iyo is-hortaaga garga ar ka dhigeysa kuwa ka shakinaya inay weligo od caddaalad heli doonaan,” ayaa lagu yiri qora al ay Amnesty soo saartay markii uu Janan, si da la sheegay, ka baxsaday Muqdisho.

Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Jubala nd, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa Shalayta gaaray M/Beled-Xaawo ee Go bolka Gedo, kadib heshiiskii uu la galayDFS oo in muddo ah is hayeen.

Cabdirashiid Janan ayaa kadib markii lagu soo dhaweeyay M/Beled-Xaawo oo ay ku qaabi leen wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Ge do, ayaa waxa uu ka hadlay sababaha ku kali fay inuu la heshiiyo dowlada.

"Waxaa rabaa in aan idin xaqiijiyo ma maqli doonta, mana arki doontaan colaadii gobolka Gedo ka jirtay ee u dhaxeysay DFS iyo maamul ka Jubbaland, File-kaas waa soo xirnay waana dhamaaday. Waxaa ugu talo-galnay in aan ugu hiilino umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan uma dda degan Gobolka.,” ayuu yiri C/rashiid Janan.

DF oo digniin culus u dirtay beesha caala mka, kadib Hanjabaado uga yimid

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si ad ag uga hadashay fariimaha kulul ee dalalka be esha caalamka ah ee saaxiibada Soomaaliya u ga hadlayaan doorashada oo

Xiligan uu ka taagan yahay khilaaf xoogan.

Wasiirka warfaafinta Soomaali ya, Cusmaan Dubbe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan marnaba dowladda fede raalka aqbaleyn faro gelin lagu sameeyo arr imaha gudaheeda oo ay kamid tahay arrinta do orashada oo xiisad ka taagan tahay.

"Waxaa jirra danjireyayaal mararka qaar qo ra oo dira, oo usoo dira dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed fariin aan waafaqsaneyn shuru ucda caalamiga ah iyo ixtiraamka madax-banaa nida dalalka. Jamhuuriyada federaalka Soomaal iya waa Jamhuuriyad madax-banaan, arrimahee da gudaheena ay yihiin lama taabtan lama faro-geliyaan,” ayuu yiri.

"Soomaaliya cidna doorashadeed ma faro-geliso, twitter-na uma qorto sidaas oo kale Dal alka caalamka waxaannu ka filaynaa inay ilaali yaan madax-bannaanida iyo wadajirka bulsha da caalamka.”

Hadalka wasiirka oo si toos ah ugu socda sa faaradaha dalalka beesha caalamka ee Sooma aliya ayaa uga digay inay sii wadaan fariimaha ku aadan arrimaha doorashooyinka ee ay u dir ayaan madaxda waqtigooda dhamaaday iyo ku wa maamul goboleedyada, si xal looga gaaro doorashada dalka.

Sidoo kale waxa uu imanaya hadalka Dubbe, xili ay Shalay Qoraalkii ugu adkaa ay u dirtay dowladda Norway, kaasi oo ay uga dalbatay madaxda waqtigooda dhamaaday inay iska wa reejiyaan tallada, islamarkaana xal kama dambe ys ah laga gaaro khilaafka ka taagan hanaanka doorashada, inkasta oo ay markii dambe ka laabatay.

Si kastaba, Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa cadaadis xoogan ku saaraya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada inay heshiis kama dambeys ah ka gaaran xiisada doorashada, ayada oo uu dha maaday muddo xileedkii dowladda.

Safaaradda NORWAY oo ka laabatay qoraal kii ay ku dalbatay xil wareejinta DF, soona saartay mid cusub

Dowladda Norway ayaa saacado kadib dib u ga laabatay qoraalkii ugu adkaa ee ay kasoo sa arto khilaafka doorashada Soomaaliya, kaasi oo ay si cad uga dalbatay Villa So malia inay xukunka deg-deg u wareejiso.

Qoraalka cusub ee kasoo ba xay safaaradda Norway ee Mu qdisho oo lasoo dhigay twitter-ka, ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Norway ay dhex-dhe xaad ka tahay dhaq-dhaqaaqyada gudaha, isla markaana ay rabto doorasho deg-deg ah, halka markii hore ay dalbatay ‘in Villa Somalia ay xuk unka deg-deg u wareejiso’.

"Safaaradda waxay jeceshahay inaan cadde yno in waxa aan rajeyneyno inaan aragno ay ta hay doorashooyin deg-deg ah oo nabdoon oo ku dhisan heshiis. Norway, oo ah saaxiib iyo ja al muddo dheer oo Soomaaliya ay leedahay, dhex-dhexaad ayey ka tahay kana ahaan doon taa ikhtiyaarada gudaha ee ay sameeyaan shac abka Smaliyed,”ayaa lagu yiri qoraalka Norway.

Qoraalkii hore ee Norway "Saaxiib dhow ah aan, Norway waxay is qoto dheer uga walaacs an tahay rabitaan la’aanta siyaasadeed ee dha mmaan dhinacyada ee ah inay xal raadiyaan. DFS waxaa waajib ku ah inay xaqiijiso xukun wareejin deg deg ah, sidoo kale dhammaan jilay aasha siyaasadeed.”

Qoraalkaas ayaa ah kii ugu adkaa ee mid ka mid ah dalalka beesha caalamka uu kula hadlo DFS, hase yeeshe ay dib u dabcisay mowqifk eedii adkaa ee muujisay.

Inta badan dalalka reer galbeedka ee saxii bada Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeya ina ysan runta u sheegi karin madaxweynaha mud do xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo, kuwa asi oo dhowr jeer Midowga Musharaxiinta u dire en baaqyo la xiriira xaalada Soomaaliya.

Norway oo kamid ah dalalka lacagta ugu ba dan ku bixiya Soomaaliya ayaa markii u horey say lu uqad adag kula hadashay madaxda waq tigooda dhamaaday, in kasta oo ay markii dam be dabacs anaan ka muujisay xaalada dal ka.Musharaxiinta muc aaradka ayaa horey u sheeg ay in sababta xal looga gaari la’yahay khilaafka doorashada ay tahay ayada oo la la ’yahay cid runta u sheegta Farmaajo, xilli ay she egeen in ay caddahay inuusan doorasho rabin, oo uu do onayo inuu xukunka sii haysto

Xarun Lagula Soconayo Maraakiibta Istic maalaha Biyaha Soomaaliya Oo Xariga Laga Jaray

Wasiirka kalluumaysiga iyo Kheyraadka Bad da Soomaaliya iyo xeer ilaaliyaha Guud ee Qar anka ayaa Shalay si wada jir ah xariga uga jiray xarun la kala soconayo Gadiidka isticmaala Biy aha Soomaaliya iyo ilaalinta Kheyraadka ku jira Badeena

Wasiirka kaluumaysiga iyo qayraadka badda soomaal iya Cabdulaahi Bidhaan Warsame ayaa sheeg ay in xeebaha Soomaaliya ay joogaan markiib si sharci daro ah uga kalluumaysanaya iyo kuwo ja biyey hishiis ay horay ula galeen dalalka ay ka socdaan wasaaraduna ay tilaabo ka qaadi do onto.Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Saleema an Maxamed Maxamuud ayaa ku Amaanay was aaradda inay furto xaruntaan lagula soconayo ilaalinta badda Soomaaliya, xafiiska xeer ilaal iyuna uu ku garab siin doona ay dacwad lagu soo Oogo maraakiib iyo doomaha ku soo xad gudbo badda soomaaliya.

Munaasado inta ay socotay ayaa la soo ban dhigay in Biyaha Soomaaliya ay jiraan maraak iibkuwaasi oo qaarkood dansaday qalabkii la gu ogaan lahaa dhaq dhaqaaqa ay samayaan xiliga ay soo geleyaan Biyaha Soomaaliyeed ta asine ay tahay dembiga ugu horeeya oo ay gal aan hase ahaate ay dowladda Soomaaliya ay jawaab cad ka bixineyso Shalay.

Farmaajo ma ku guuleystay inuu toosh ku ifiyo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe?



Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaad ay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farm aajo oo kaashanaya madaxweyne goboleedya da taabacsan ayaa dejiyey qorshe uu toosh ugu ifinayo madaxweynayaasha Puntland iyo Juba land. Sida aan ku helnay ilo-wareedyo xog-oga al ah, madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyna yaasha maamulada Galmudug, HirShabeelle iyo K/Galbeed ayaa kulankii habeenkii Ax adda dhacay Villa Somalia ku heshiyay inay shirka Afi syoone tagaan inkasta oo ay qaadaceen mad axda Puntland iyo Jubaland

Qorshaha arrintan laga leeyahay ayaa ah in beesha caalamka loo dareensiiyo in ay ka go’an tahay heshiis la gaaro, sidoo kalane ay beesha caalamka u aragto in shirarka ay diidan yihiin Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Farmaajo iyo madaxweyne goboleedyada ta biciyiinta ah ayaa mar kale Dorraad iyo Shalay shir ku qabsaday Afisyoone, ayaga oo isu muuj inaya xal doon, oo cidda dhibaatada waddo ay yihiin Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Villa Somalia ayaa sidoo kale habeenkii Axa dda baahisay ajende shir oo aan raali laga wa da-aheyn oo ay soo gudbisay beesha caalam ka. Ajendaha oo ahaa mid aan dhameystirneyn oo Villa Somalia loogu gudbiyey un inay eegto, ayey u dusisay warbaahinta, si looga carreysiiyo Deni iyo Axmed Madoobe.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo garab ka helaya midowga musharaxiinta ayaa dagaal ad ag kula jira Madaxweyne Farmaajo iyo maamul ada taabacsan, kuwaas oo aad isugu dayaya in ay meel mariyaan rabitaanka Madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaaday ee Maxamed C/hi Farmaajo.

Dadka darsa arrimaha siyaasadda Soomaal iya ayaa aaminsan in maqnaanshaha Saciid De ni iyo Axmed Madoobe oo ah qorshe ay ka sha qeysay Villa Somalia looga dan leeyahay in loo muujiyo kuwa diidan doorashada Soomaaliya, si la saaro cadaadis beesha caalamka ah.

Si kastaba, ma cadda haddii qorshahan uu ka gadmi karo beesha caalamka, maadaama wala acyada ay qabaan Saciid Deni iyo Axmed Mado obe ay yihiin kuwa sharci ah, oo muuqda,

waxaana qoraallada beesha caalamka kasoo

baxay si toos ah loogula hadlay labada dhinac.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in uu socdo dedaalo ay sameynayaan dhinacyo kala duwan oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib, kuwaas oo raadinaya danaanshaha Sooma aliya.

Cudurka Corona oo fara ba’an ku haya Magaalada Baydhabo

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya inay korodhay tirada dadka u dhimanaya cudurka COVID19 iy adoo la soo weriyay labadii bilood ee ugu dam beeyay inay dhinteen tobannaan qof.

Maamulka magaalada ayaa isku dayaya in ay xakameeyaan faafitaanka cudurka oo sidoo kale la soo sheegay inay u jiifaan boqollaal qof.

Maayarka Baydhabo Xasan Macalin Axmed Bii kole oo war aysi siiyay BB C-da ayaa sheegay inay mamnu uceen isu imaatinnada ay kam idka yihii tacsida iyo aroosyada.Wuxuu intaas ku daray in laa 230 qof ay cudurka ugu dhimat ay Bay dhabo, sidaas darteed ay qaadeen talla aboyin kan lagu xakameynayo cudurka Covid- 19.


Beesha caalamka oo ka hor-timid isku day muddo kordhin soona saartay qoraal adag

Beesha caalamka ayaa soo saartay qoraal xa saasi ah oo ay soo saartay ku shaacisay inays an marna taageeri doonin muddo kordhin loo sa meeyo hay’adaha dow ladda federaalka ee waqtigu ka dhammaa day.

Qoraalkaan kasoo baxay beesha caalam ka ayaa kusoo aad aya xilli ay Caasimada Onl ine baahisay xog ku saabsan iney jiraan xil dhibaa no ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo Dorraad ku shiray Hotel Decale, isla markaana baadi goobaya iney guddoonka gol aha shacab ka hor geeyaan muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farma ajo.

Qoraalka beesha caalamka oo xafiiska QM ee Soomaaliya uu soo digay twitter-ka ayaa la gu sheegay muddo kordhin, hanaan doorasho oyinka is-dhinac socda ama doorashooyin aan loo dhameyn aysan midna heli doonin taageera da beesha caalamka.

"Dhammaan hoggaamiyayaasha muhiimka ah ee Soomaaliya waxay ku sugan yihiin Muqdi sho. Waa waqtigii wada-hadallada aan rasmiga aheyn ay sii socon lahaayeen, si la isugu raaco kulanka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. Saaxiibada caalam ka waxay ku celinayaan inaysan taageeri doon in hanaan doorasho oo hal dhinac ah ama kuwa is-barbar socda ama hindise kasta oo hogaamin aya muddo kordhin lagu sameeyo muddo xilee dyadii hore,” ayaa lagu qoraalka uu twitter soo dhigay xafiiska UNSOM.

Qoraalkaan wuxuu kusoo aadayaa xilli uu na tiijo la’aan kusoo dhamaaday shirkii uu ku baaq ay Farmaajo ee ay soo xaadireen kaliya mada xda dowlad goboleedyada taabacsan iyo sidoo kale guddoonka gobolka Banaadir ee uu Farm aajo uu soo magacowday.

Qoraalkaan wuxuu ka mid yahay qoraalada ay beesha caalamka ku cadeynayaan mowqifka ay ka joogaan khilaafka jira iyo sidoo kale cada adiska ay dhinacyada iska soo horjeeda ku saar ayaan iney ka heshiiyaan khilafka jira si dalka uu u aado doorasho la isla ogol yahay oo xalaal ah.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa laba duba qaadacay shirkii labada maalin ahaa oo uu ku baaqay Farmaajo kaas oo ay ka qeyb gal een madaxweynayaasha maamullada taageera da u ah DF, waxeyna beesha caalamka ku dada aleysaa iney ka shaqeyso qabashada shir loo dhan yahay.

Sidoo kale labada madaxweyne ee Jubbal and iyo Puntland waxey wataan shuruudo iya goo wata magaca Madasha Badbaado Qaran oo ay kula mideysan yahiin midowga musharaxi inta mucaaradka iyo siyaasiyiinta gobollada waq ooyi oo uu hogaaminayo Cabdi Xaashi C/hi oo ah gudoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka ay mudadiisa dhamaatay kal hore.

Booliska Soomaliya oo sheegay in 30 Ruux loo qabtay dhaca Mobeelada

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Kooxo hubeysan oo malmihii la soo dhaafay dhac xilliyada habeenkii degmoo yin ka tirsan gobolka Banaadir dadka Shacabka ah ugu geysanayay dhaca mobeelada.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soom aaliyeed ayaa sheegay in Ciidama da Booliska Soomaali yeed ay ma s’uul ka yhiin amniga dalka, isla ma rkaana ay soo gaar tay in maalmihii la soo dhaafay M/Muqdisho uu kajiray dhaca Mobe elada.

Waxaa uu sheegay in Dorraad howlgal ay sa meeyeen Ciidamada booliska Gobolka Banaadir ay dhaca Mobeelada u qabteen 30 Ruux oo la ga tuhmayo inay kamid yihiin dadka dhaca gey sanay.

Taliye Xijaar ayaa ku amray Taliyaha Ciid amada Booliska Gobolka Banaadir unay tallaa bo deg deg ah ka qaadaan Kooxaha Burcada ah ee xilliyada habeenkii dadka Shacabka ah dhaca u geysanaya.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir waxaa dhac loogu geystay dad Shacab ah, iyada oo falkaas ay ka dambeeyeen Kooxo hubeysan oo qaarkood Mootooyin Bajaaj ah wata.

Ku xigeenkii Amiirkii Dubai Sheikh Hamdan bin Rashid oo geeriyooday

Ku xigeenkii Amiirkii Imaarada Dubai, Sheikh Hamdan bin Rashid Al Maktoum oo ahaa 75 jir ayaa geeriyooday kadib markii uu bilihii lasoo dhaafay uu xanuun sanaa.

Sheikh Hamdan, wux uu ka loo muddo dheer ah aa wasiir ka Maaliyadda ee Imaaraatka Carabta, waxana ay walaalo ahaa yeen ninka hadda xuku ma Dubai, Sheikh Moh am med bin Rashid Al Maktoum.

Sheikh Hamdan wuxuu dhashay 25-kii bishii Diseembar 1949, wuxuu ahaa wiilkii labaad ee uu dhalay amiirkii waqtigiisu dhammaaday ee Sheikh Rashid Bin Saeed Al Maktoum

Sheikh Hamdan wuxuu hayey jagada wasi irka maaliyada tan iyo markii la magacaabay go lahii wasiirada ee ugu horeeyey 1971 kadib dhis mihii Imaaraatka oo uu sameeyey Amiirkii geeri yooday, Sheikh Zayed Al Nahyan

Waxaa lagu ammaanay inuu Dubai u rogay xarun caalami ah oo ganacsi iyo dalxiis, wuxu una hoggaaminayay wufuud Imaaraat ah oo ka socday Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Ur urka Sanduuqa Dhoofinta Batroolka ee Horumar inta Caalamiga.

Sheikh Hamdan wuxuu xukumay shirkado far abadan oo gaar loo leeyahay kuwaasoo qeyb ka ah dhaqaalaha Dubai, sida Maamulka Deked aha Dubai, Xarunta Ganacsiga Dunida ee Dubai iyo Shirkadda Gaaska Dabiiciga ee Dubai.

Sida walaalkiis oo kale, wuxuu magac weyn ku noqday tartanka fardaha ee Imaaraadka, asa ga oo aasaasay Shadwell Racing sankii. 1981.

Cabdi Xaashi: "Waxaa ii diiday inaan shirka ka qeyb galo dad Dorraad yimid oo aan dalka waxba ka ogeyn..”

Weli waxaa Muqdisho ka taagan ismari-wa aga ku aaddan doorashada xillige edii ka dib dha cday. Shir uu ku ba aqay madaxweyne Maxam ed C/hi Farmaajo, isla markaana la filayay in Dorraad lagu saxiixo heshiiska do orashada ayaan sidii la filayay u dhicin. Dhanka kale, waxaa taagan baaqyada ka soo baxay Beesha Caalamka, oo Midowga Yurub oo u da mbeeyay ayaa ma daxda Soomaalida ugu baaq ay In ay degdeg xal uga gaaraan arima ha ku ge daaman doorashada.

Madasha Badbaado Qaran oo ay sameyste en siyaasiyiin mucaaradsan Farmaajo ayaa Dorraad Shalay ku dhawaaqay shir maalmo u so con doona.

Guddoomiyaha Madasha Cabdi Xaashi C/hi oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee ay u aasaaseen madasha ay ta hay inay dadka ku badbaadiyaan.

BBC-da oo weydiisay gudoomiye Cabdi Xaa shi waxa uu yahay xalka ay doonayaan inay dal ka ku badbaadiyaan ayaa yiri ” waxaan rabnaa in Soomaaliya oo dhan heshiis la gaaro oo la is ku yimaado, dhibaato iyo dagaal aniga xal uma arko.”

Cabdi Xaashi oo Habeen hore la hadlay warbaahin ta ayaa sheegay in dalka uu dhib ku jiro oo la is ku heysto sidii loo qaban lahaa doorasho loo dhan yahay.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ka jirto xaalad amni xumo oo degmo aaan degma kale looga gudbi karin, isla markaana looga baahan yahay si lo oga baxo dhibaatadan heshiis laga gaaro khil aafka taagan.

Guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran ayaa waxaa uu caddeeyay in Shirka Madasha uu sii socon doono ilaa iyo inta laga gaarayo he shiis doorasho oo loo dhan yahay, ayna u ta agan yihiin badbaadinta Qaranka.

Waxa uu sheegay in sababta ay shir bar-bar so cda kan dowladda iyo maamul goboleedyada ay tahay inaan lo ogeylayn inay ka qeyb galaan shirkaasi.

"Maba la ii ogolee maxaan ka qeyb galaa shirka, aniga ma diiddaniye, Waxaan ahay siy aasi dalkaan ka soo shaqeynayay 30-kii sanno ee ay dhibaatadu ka jirtay una taagan midna madiisa iyo nabadisa marka dad Dorraad yimid oo aan ogeyn xaalada iyo siyaasadda dalkaan ayaa aniga ii diiday inaan ka qeyb galo arrinta xalka dalkaan”

Cabdi oo ka jawaabaya su’aal ahayd in shir ka ay isaga ku matalayaan madaxda maamul goboleedyada oo ay madasha badbaado qaran ka wada tirsan yihiin ayaa sheegay in maamu lada ay gar u leeyihiin inaysan ka qeyb gelin shirka sababtoo ah waxay rabaan in dhammaan saamileyda siyasadda ay ka wada qeyb galaan shirka si xal looga gaaro arrimaha doorashada.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay inaysan jirin sharci ahaan wax u diidaya in guddoomiye ka noqdo madashan isagoo ah guddoomiyaha Aqalka Sa re. Waxaa uu sheegay in dowladdii dhanba uu waqtigeeda dhammaaday ayna doonayaan in xal la gaaro

kulan ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalintii ay madaxda dolwadda federaalka iyo qaar ka mid ah kuwa mamaul goballeedyada ee ku shireen magaalada muqdisho.

Kulanka ayaa warbixin loo dhagysatay gud iga Farsamada oo iyaguna kulan ku yeeshay is la magaaladaas muqdisho kuwaas oo horey u soo saaray qoddbo la xiriiray arrimaha doorash ooyinka . Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa maalintii 3ad shirkani ay ka maqanyihiin iyagoo shuruudo hor dhigay ka qaybgalkooda.

Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo qaraxyo lagula eegtay duleedka BALCAD

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Shalay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM qaraxyo nooca miinada ah lagula eegtay wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolkaasi.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Gololey oo hoostaga Balcad, iyada oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Burundi ee AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyada marka ay dhaceen, kadib ciidamada AMISOM ay dhinacyada u fureen rasaas xoogan, balse ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaasi ayaa shaaca ka qaaday inay gubtay labo gaari oo nooca gaashaaman ah oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM oo ku aadan weerarkaas qaraxyada loo adeegsaday.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ka fuliya wadada isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay Mandheera

wararka ka imaanaya ismaamulka Mandheera ayaa sheegaya in qarax nooca loo yaqaano miinada ee dhulka lagu aaso uu ka dhacay tuulada Koromey ee ismaamulkaas, kaasi oo la kacay Gaari Bas ah oo rakaab badan siday.

Gaariga uu qaraxu haleelay ayaa ugu horeyntii rakaab badan ka qaaday deegaanka Lafey, wuxuuna ku wajahnaa magaalada Mandheera, sida ay sheegen laamaha amaanka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxa haleelay gaariga baska ah ay ku geeriyoodeen labo qof, halka ay ku dhawaacmeen 10 qof oo kale oo kamid aheyd rakaabkii saarna gaarigaas.

Rono Bunei, Taliyaha Booliska ee ismaa-mulka Mandhera oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in dadkii ku dhaawacmay qaraxan miino la geeyay isbitaalka weyn ee magaalada Mandheera si xaaladooda caafimaad usoo kabato.

Sidoo kale waxa uu xusay inay baaritaan ku bilaabeen dhacdadan, ayada oo aan ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn cida ka dambeysa, mana jirto koox sheegatay mas’uuliyada qaraxaas oo aheyd miino dhulka lagu aasay.

Qaraxyada noocan ah ayaa inta badan waxa fuliya kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo marar dhowr ah qaraxyo miino ka fuliyey deegaano hoosta gobolka waqooyi bari.

Dowladda Turkey oo war ka soo saartay is-mari waaga doorashada Soomaaliya

Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay heshiis la’aanta saamilesya siyaasadda Soomaaliya ee ku aadan hanaanka doorashada dalka.

Wasaaradda ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in tani ay waxyeeleyn karto himilooyinka shacabka Soomaaliya ee ku aadan horumarka dalkooda iyo sidoo kale in lagu guuleysto nabad iyo barwaaqo dalku gaaro.

"Waxaan mar kale ugu yeereynaa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay isku yimaadaan oo ay muranadooda ku xalliyaan wada-hadallo wax ku ool ah oo loo dhan yahay kuna saleysan heshiiskii la gaaray 17-kii September 2020, waxaana adkeeneynaa muhiimadda ay leedahay in doorashooyin la qabto ayada oo aan dib loo sii dhigin,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda.

Dowladda Turkiga ayaa mar kale ku celisay inay ka taageereyso shacabka iyo dowladda saaxiibka iyo walaalka ah ee Soomaaliya inay ka guuleystaan is-mari waagan, sida ugu dhaqsaha badan.

Qoraalka Turkiga ayaa imanaya ayada oo dhowaan warbaahinta dalkaas ay tebisay in wasiirka arrimaha dibedda Mevlut Cavusoglu uu qorsheynayo inuu booqasho ku yimaado Muqdisho, si uu gacan uga gaysto xal u helidda is-mari waaga Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale baaqa Turkiga ku biirayaa baaqyada beesha caalamka ee ku aadan in xal deg deg ah la gaaro, waxaana muuqata in beesha caalamka ay ka go’an tahay inaanay madaxda dowlad goboleedyada ka tegin Muqdisho, ayada oo aan heshiis la gaarin.


WAQTIGA LA DHAGEYSANAYO KIISKA DILKII GEORGE FLOYD OO LA SHAACIYAY


12 xeer-beegti iyo saddex kale oo keyd ah ayaa Talaadadi Dorraad loo xulay in ay dhageystaan, kiiska Derek Chauvin oo horay uga tirsanaa ciidamada booliska gobolka Minnesota, kaas oo ku eedeysan dilka George Loyd oo ahaa nin ka mid ahaa bulshada madow ee Mareykanka.

Guddigaan xeer-beegtida ah ayaa ka kooban lix nin iyo sagaal dumar ah. Sagaal ka mid ah ayaa caddaan ah, afar waa madow halka labada soo hartayna ay yihiin dad isirkoodu uu isku dhafa yahay.

Dhageysiga dacwaddaan xasaasiga ah ayaa lagu wadaa in ay si rasmi ah uga billaabanto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka Isniinta soo socota, waxaana la filayaa in ay jiitanto muddo bilooyin ah.

Chauvin oo ah 45 sano jir ayaa muuqaal la duubay uu tusinayaa, isaga oo jilibkiisa qoorta uga haya George Floyd. Floyd ayaa ku cataabayay inuusan neefsa karin. Sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka, Floyd ayaa u dhintay neefta oo ku ceshoontay.

Derik Chauvin ayaa wajahaya dacwado isugu jira dil darajada labaad ah, dil darajada saddexaad ah iyo dil aan ula kac aheyn oo darajada labaad ah. Haddii danbi lagu helo, Chauvin ayaa wajahi doona sannado badan oo xabsi ah.


 


QM OO KA HADASHAY QORSHAHA KENYA AY KU XIREYSO XERYAHA DHADHAAB


Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in Kenya ay ha’yadda ku wargelisay qorshaha ay ku dooneyso inay ku xirto xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma muddo gaaban gudahood.

UNHCR waxay sheegtay in go’aankan uu saameyn ku yeelan doono dadka qaxootiga ah ee ku nool Kenya xilli uu dunida saameeyay safmarka Karoona.

Waxay intaas ku dartay inay sii wadi doonto wadahadallada ay arrintan kala yeelaneyso mas’uuliyiinta Kenya.

"UNHCR waxay taageero la garab taagan tahay dowladda Kenya gaar ahaa in lasii xoojiyo howlaha socday si xal loo gaaro isla markaana la qaddariyo dadka qaxootiga ah” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay UNHCR


Jabuuti iyo Sucuudiga oo ka wada-hadlay arrimo muhiim ah

Madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku qaabilay xafiiskiisa wa si irka arrimaha dibadda ee Boqortooyada Sac uudi Carabiya mudane Feysal bin Farxaan bin Cabdullaahi oo booqasho ku tegay dalka Jabuuti.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga iyo madaxweynaha Jabuuti ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood ee walaalaha ah.

Labada dhinac ayaa sidoo kale, ka wada hadlay horumarka ka socda gobalka iyo arrim aha caalamiga ah ee saameynta ku leh labad dal, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sac uudiga.

Kulanka waxaa goob joog ahaa wasiirka arri maha dibadda ee dalka Jabuuti mudane Max amuud Cali Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda labada dal.

Dhimasho & dhaawac ka dhashay Hoobiye yaal ku dhacay Xaafado u dhow Xalane

Hoobiyeyaasha oo jugtooda laga maqay de gmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa wa xaa ay ku dhaceen Xaafadaha Obasiibka ah oo u dhow Xerada Xalane oo ka tirsan degmada wadajir ee Gobolkan Banaadir gaar ahaan laan ta Gabiyow, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah.

Dadka degaanka ayaa waxaa ay ku waram een in ilaa 4 Hoobiye ay soo dhaceen, isla mar kaana mid kamid ah hoobiyeyaasha uu ku dha cay Guri ay deganaayeen dad Shacab ah.

Mid kamid ah dadka Xaafadaha ay hoobiyeya asha ku dhaceen ayaa sheegay in uu geeriyood ay Walaalkiis oo lagu Magacaabi jiray Cumar Maxamed Amiin & Cunug uu dhalay halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 5 Ruux oo kale.

ka sokoow dhaawaca iyo dhimashada ay gey steen hoobiyeyaashii ku dhacay xaafado u dhow Xerada Xalane ayaa waxaa uu burbur xoo gan soo gaaray Guryo jiingado ah oo uu hoob iyaha ku dhacay. Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa tegay Xaafadaha ay hoobiyeyaasha ku dhaceen, waxaana dadka ku dhaawacmay la geeyay isbitaalada Magaalada

Muqdisho si loogu daweeyo.

Xeeendaabka Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay degan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jub baland, waana markii labaad oo hoobiyeyaal la gu weeraro xerada Xalane inta ay muqdisho joo gaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubba land. Dhowr jeer ayaa weeraro hoobiyeyaal ah waxaa lagu qaaday Garoonka diyaaradaha aad an-Cadde iyo Xerada Xalane, waxaana mas ’uuliyada

weerardaas sheegta Al-Shabaab, iyada oo dadka ugu badan ee ku waxyeelooba ay yihiin Shacab.

Xog: Hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo Muqdisho lagu qabtay iyo xog laga helay

Ilo wareedyo amnio o lagu kalsoon yahay ay aa Caasimada Online u xaqiijiyay in gelinkii da mbe ee 21-kii bishan March ay ciidamada amm aanka degmada Yaaqashiid ka soo qabteen sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha aan la hadalnay oo ka gabs aday in la shaaciyo magacyadooda ayaa Caasimada Online u sheegay in guri ku yaalla xaafadda Fa gax, gaar ahaan agagaarka masjidka Sheekh Xasan Calasow ama ka soo horjeedka hoteelka Lafweyn, ay ciidamada kasoo qabteen sarkaal muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale she egeysa in ciidanka oo kuwa afka duuban ee Waran ay 22-kii bishan markale dad ka soo qab teen isla xaafaddii, kuwaas oo la sheegay inuu xogtooda bixiyay hogaamiyaha laga soo qabtay degmada Yaaqshiid Axaddii.

Mas’uuliyiinta nala hadlay ee ka tirsan ciid amada amniga ayaa sheegay in ninkaan uu ma gacyo kala duwan uu isticmaali jiray, waxaana kamid ah Sheekh Maxamed, Abuu Cabdalla iyo Tabliiqa, waxa uuna ahaa tababare iyo amiir dhinaca qaraxyada ah.

Sidoo kale xogta ayaa sheegeysa in ninka la qabtay uu taliye u yahay Kooxda Qaraxyada Mii nooyinka u qaabilsan Al-Shabaab ee ka how lgalo degmooyinka gobalka Banaadir.

Ninkaan oo muddo dheer la baadi goobayay ayaa xogtiisa la helay maalmo kadib qaraxii ka dhacay xaafadda Juungal ee degmada Yaaqs hiid, qaraxaas oo lala egtay guddoomiyaha arri maha Bulshada ee degmada Yaaqshiid Cab dullaahi Shiilow waxaana ku dhintay 3 kamid ah ciidankii la socday. Hay’adaha amniga wali faah faahin kama ay san bixin sarkaalkaan waxaase la filayaa in dow ladda ay dhowaan ka hadasho.

Xigasho:casimada.net

Xog: Beesha caalamka & shanta Madaxwe yne goboleed oo kulan gaar ah yeelanaya

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ay jirto isfaham kooban oo laga gaaray wada hadalo habeenadii la soo dhaafay ka socday gu daha xeyndaabka garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo u socday qaar ka mid ah dhinacyada Soomaalida.

Shirar dhexmaray Madaxweynayaasha Galm udug, Jubbaland iyo Puntland ayaa furre u no qday shir la hadal hayo iney maalinta berri isugu imaan doonaan Shanta Madaxweyne Goboleed iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+, si lo oga heshiiyo ajendaha shirka guud ee la qo rsheynayo in maalmaha soo socda uu dhex maro dowladda Federaalka iyo dowlad Gobol eedyada.

Waxaa wali sii socda kulamada gaar gaarka ah ee loo arko in xalka ay qayb ka tahay in ugu dambayn dhinacyadu is arkaan.

Ilo ku dhow dhow madaxda Maamul goboleed yada dalka ayaa sheegay in Madaxwayne Far maajo uusan jeclaysanin shirka dhexmaraya Ma amul goboleedyada iyo beesha caalamka.

Dhinaca kale, Xildhibaano iyo senataro ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa shir ku yeelanaya maalinta beri oo Khamiis ah hotelka Jazeera ee Magalaada Muqdiaho, Xildhibaana daas oo ah kuwa aan la dhacsnayn fikirka doo rasho ee Madaxwayne Farmaajo ayaa soo sa ari doona War ka hor imaanaya shirka.

Wakiilada Beesha caalamka ayaa ku jahw areeray dhexdhexaadin ay ka dhex wadeen madaxda DF iyo dowlad goboleedyada Jubba land iyo Puntland oo isku maandhaafsan hana anka doorashada dalka

Golaha Amniga Qaranka Japan oo kulan deg deg ah ka leh Gantaalo ay Tijaabisay Kuuriyada Waqooyi.

Shirkaan oo saakay shir gudoon uu ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Japan kana qeyb galayaan wasiirka difaaca iyo wasiirka arrimaha dibadda ayaa diirada lagu saaraya gantaalo la sheegay inay yihiin kuwa balaastikada oo ay Kuuriyada waqooyi ay riday habeenimadii khamiista ahayd.

Labada Gantaal ayaa la sheegay inay ku dhaceen meel aan ka fogeyn biyaha Japan.

Saraakiil Mareykan ah oo CNN ka la hadlay ayaa sheegay inay sirdoonkoodi la socdeen tijaabada gantaalada ayna war kasoo saari doonaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip