Dalalka Sudan iyo Itoobiya oo oggolaatay in Imaaraatka uu dhexdhexaadiyo labadooda dal.

0
Thursday March 25, 2021 - 08:40:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalalka Sudan iyo Itoobiya oo oggolaatay in Imaaraatka uu dhexdhexaadiyo labadooda dal.

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Gollaha wasiirada dalka Sudan ayaa meelmariyay dedaalo dowladda Imaaraatka Carabta ay ku dooneyso inay ku dhexdhexaadiso dalalka Sudan iyo Itoobiya oo uu u dhaxeeya khilaaf dhanka xadka.

 
Dalalkan oo sidookale isku haya qaabka loo buuxinayo biyo xireenka dowladda Itoobiya ay dhistay ee wabiga Nile ayaa xukuumadda Dubai waxaa sidookale la sheegay inay dooneyso inay soo dhex-gasho khilaafka wabiga Nille ee u dhaxeeya dalalka Sudan iyo Masar oo isku dhinac ah iyo dowladda Itoobiya.
 
Dhulka qaniga ku ah beeraha ee Fashaga oo ku yaalla halka ay ku kulmaan xadka gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya iyo Sudan ayaa ah dhul ay sheegtaan labada dal, waxaana muddooyinkii dambe uu xuddun u noqday isku dhac iyo xiisad diblomaasiyadeed ee u dhaxeysay Sudan iyo Itoobiya.
 
Xiisadda labada dal ayaa keentay cabsi ah in laga baqo inay sii baahdo.
 

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo maalin kahor sheegay in dalkiisa uusan dooneyn dagaal ay la galaan Sudan ayaa xukuumaddiisa waxay horay u sheegtay in aysan oggolaan doonin daraf saddexaad oo aan ka ahayn Midowga Afrika in uu soo farageliyo khilaafka ka taagan biyo xireenka Nile.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip