DEG DEG:- Tiro Hoobiyeyaal ah oo ku dhacay gudaha xerada Xalane

0
Thursday March 25, 2021 - 08:35:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG:- Tiro Hoobiyeyaal ah oo ku dhacay gudaha xerada Xalane

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Warka ka imaanaya qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in tiro Madaafiic ah goordhow lagu weeraray xerada Xalane ee ay maamulaan ciidamada AMISOM.

Ku dhawaad 3-Madfac ayaa ku dhacay gudaha xerada Xalane,waxaana la maqlayaa jugta Hoobiyeyaashaas oo ku hoobtay xarunta aadka loo ilaaliyo ee Xalane.

Dadka degan xaafadda Xalane ee degmada Wadajir oo ku taalla xeyndaabka Xalane ayaa sheegay in korkooda ay mareen Hoobiyeyaal,islamarkaana guuxooda uu casi badan geliyay kuna hoobteen gudaha.

Waxa ay sheeegeen in Hoobiyeyaashu gaarayaan ilaa iyo 3 inta ay maqleen,islamarkaana ay billaabeen dadka qaar in ay ka barakacaan xaafadaha ku teedsan xerada Xalane.

Madaafiicda ku dhacday gudaha xerada Xalane ayaa waxa ay ku soo aadayaan xilli maanta halkaasi ay shir ku yeelanayaan madaxda maamul gobaleedyada iyo Wakiilada Beesha caalamak.

WIXII WARAR DHEERAD AH KALA SOCO WABKEENA WWW.MOGTIMES.COM INSHA ALLAAH




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip