Taliska Booliska Oo Soo Bandhigay Burcad Dhac Ka Gaysan Jiray Magaalada Muqdisho

0
Thursday March 25, 2021 - 08:31:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Booliska Oo Soo Bandhigay Burcad Dhac Ka Gaysan Jiray Magaalada Muqdisho

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

      Booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay Burcad dadka ku nool Magaalada Muqdisho dhac u gaysan jiray, kuwaasi oo la sheegay in ay dhibaato xooggan ku ahyeen bulshada caasimadda.

      Booliska ayaa soo bandhigay hub iyo Moobeelada gacanta oo ay sheegeen in lagu soo qabtay Burcadda ay gacanta ku dhigeen Taliska Boolisku, waxaana sidoo kale lasoo bandhigay Taargooyin la sheegay in ay ku xirnaayen Gaadiidka ay wax ku dhacaan, sida Mootooyinka.

      Howlgalada ayaa laga fuliyay Gobolkani Banaadir gaar ahaan Degmooyinka Waberi, Hodan, Howlwadaag, X/Jajab, Kaaraan, C/Caziiz laguna soo qabtay eedeeysaniyaal burcad iyo tuugnimo ku eedeeysan.

War kasoo baxay Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa u qornaa sida tan:

      "Iyadoo laga jawaabaya cabashada bulshada waxeey habeenadii la soo dhaafay boliiska oo kaashanaaya bulshada degmooyinka Banadir gacanta ku soo dhigeen burcad dhalinyarada ka dhacaayay mobeylada. Waxaan u mahad celineenaa bulshada nala wadaagtay xogta oo fududeeysay in gacanta lagu soo dhiga burcadka dhaca geysanaayay. Waxaana mar labaad dadweynaha soo xasuusineynaa inay nala wadaagaan xogta amni darada degmadooda iyagoo wacaaya numberka 991. NB. Masuwarada hoos waa howlgalada laga fuliyay Yaqshid iyo Heliwaa. Waxaa sidoo kale howlgalo gaar ah laga fuliyay degmoyinka Waberi, Hodan, Howlwadaag, X/Jajab, Kaaraan, C/Caziiz laguna soo qabtay eedeeysaniyaal burcad iyo tuugnimo ku eedeeysan”.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip