Cabdirashiid Janan iyo sida loogu soo dhaweeyay Beled Xaawo (SAWIRRO)

0
Wednesday March 24, 2021 - 14:53:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdirashiid Janan iyo sida loogu soo dhaweeyay Beled Xaawo (SAWIRRO)

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), Wasiirkii Amniga Jubbaland ayaa maanta gaaray Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, ka dib markii heshiis uu la gaaray Dowladda Federaalka.

         Xubno Wasiiro ah oo uu ka mid yahay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, 

Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa Cabdirashiid Janan ku soo dhaweeyay duleedka Degmada  

Beled Xaawo.

      Alcadaala ayaa sheegay in Dowladda Somaliya ay dadaal ku bixisay in Cabdirashiid Janan uu yimaado 

degmadaasi.

      "Wasiir Cabdirashiid Janan oo muhiim u ah nabadda Gobolka Gedo ayaa heshiis la gaaray Dowladda 

Somaliya. Wuxuu ku yimid garasho uu Wasiirku gartay in uu u hiiliyo qarannimada iyo dadaal ay bixisay dowladdu.” Ayuu yiri Alcadaala.

     Alcadaala ayaa intaa ku daray in Cabdirashiid Janan uu wato ciidan fara-badan iyo gaadiidka dagaalka, kuwaa oo sida uu sheegay lagu biirin doono ciidamada qaranka.



     Alcadaala ayaa yiri "Talaabadan waa mid ka farxinaysa qof kasta oo jecel qarannimada Soomaaliyeed, waxayna ka nixinaysaa cid kasta oo caddow ku ah qarankeena.”


     Cabdirashiid Janan ayaa dhankiisa sheegay in uu ku yimid heshiis is afgarad ah, oo uu la gaaray Dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip